Hargeysa (OWN)- Hay’ada caalamiga ah ee ADRA, ayaa xannaanada guud ee Oodweyne ku rakibtay qalabka kaydiya tamarka cadceeda ee loo yaqaan ‘Solar System.’ Kaas oo loo adeegsan doono dab ahaan.

Barnaamijkan oo ay fangaraynayo Midowga Yurub, isla markaana ay fuliso Haya'da ARDA, ayaa ujeedadiisu sidii dadweynaha Oodweyne loogu sahli lahaa dab ahaan ka faa'idaysan karaan tamarta cadceeda.

siida uu caawa noo xaqiijiyey madaxa Solar System-ka ee Hay'ada ARDA Cusmaan Cumar Abdi, waxa ay maanta ku guulaysteen inay dhamaystirnaan Xannaanada, isla markaana waxa ay berito soo gabagabayn doona qayb kale oo loogu rakibayo Dugsiga Hoose/Dheexe ee Haragwaafi.

Waxaana rakibitaanka qalabka Solar-ka ka qayb-galeya 12 farsamayn, oo ah dadka aqoonta uu leh rakibida noocyaada kala duwaan ee Solar System-ka.


http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=16481




