Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland is moving towards Solar Energy!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Somaliland is moving towards Solar Energy!

Postby Siciid85 » Fri Apr 02, 2010 3:44 am

Koronto Cadceedda ku Shaqaysa oo Laga Hirgeliyey Xaafadda Ayaxa ee Hargeysa
Hargeysa (Jam)- Mashruuc korontada cadceedda ku shaqaysa, ayaa markii u horreysay laga hirgeliyey xaafadda Ayaxa ee caasimadda Hargeysa oo aannu gaadhin laydhka caadiga ah ee magaalada laga isticmaalo.

Mashruucan oo ay maalgelisay dawladda Japan, isla markaana fulintiisa wadajir iskaga kaashadeen hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan laanta socdaalka ee IOM oo kaashanaya ururka waddaniga ah ee HAVAYOCO, waxa uu ka kooba yahay 30 laambadood oo lagu xidhay jidadka waaweyn ee dhexmara xaafadaas iyo koronto lacag la’aan ah oo ay ka faa’iideysan doonaan 80 meheradood oo ku yaalla xaafadda Ayaxa oo ay deggan yihin dad dan yar ah oo isugu jira qaar ka soo laabtay xeryaha qaxootiga iyo kuwo laga raray gudaha magaalada Hargeysa.

Xaflad ballaadhan oo loo sameeyey dhammaystirka mashruucan oo hirgelintiisu qaatay muddo saddex bilood ah, isla markaana ka qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, hay’adaha caalamiga ah, ururrada waddaniga ah iyo dadweynaha deggankaas, ayaa lagu qabtay shalay badhtamaha xaafadda Ayaxa.

Wasiirka Caddaaladda Md. Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo isagu xadhigga ka jaray mashruuca korontada cadceedda ku shaqaysa, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dawladda Japan iyo hay’adaha iska kaashaday hirgelinta barnaamijkan oo uu ku tilmaamay mid wax weyn ka taraya baahidii dhinaca laydhka ee ka jirtay xaafadda Ayax oo ay ku nool yihiin kumanaan qoys oo dan yar ah.

Md. Dhoolayare oo si gaar ah ula hadlayey dadweynaha xaafaddaas, ayaa sheegay in kaalmada mashruucan ka timi dad ladan oo iyaga oo kale ah, sidaa daraadeed looga baahan yahay inay si habboon uga faa’iideystaan, isla markaana ilaashadaan korontada lacag la’aan ee xaafadooda laga hirgeliyey, isagoo dhinaca kalena ku dhiirrigeliyey inay ka shaqeeyaan horumarinta adeegyada bulshada iyo degaankooda.

Madaxa xafiiska IOM Marwo Shamiis Ismaaciil Xuseen oo iyaduna munaasibadda ka hadashay, ayaa u mahadcelisay dhammaan masuuliyiintii lagu soo marti qaaday iyo dadka loogu talogalay mashruucan, waxayna sharraxaad ka bixisay in deeqdani ka timi dawladda Japan oo soo dhexmarisay hay’adda IOM si loogu horumariyo nolosha dadka soo barakacay iyo sidii looga hortagi lahaa korodhka tahriibayaasha.

Marwo Shamis waxay intaa ku daray in dadka barakacay ku dhiirigelinayaan siday u ilaashan lahaayeen hantidooda, isla markaana qalabka la siiyey u dhawran lahaayeen ilaa inta laga gaadhayo waqtigii loogu tallogalay.

“Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan noqdo qofkii u horreeyey ee dadka Ayax ku nool kala xaajooday baahiyaha ay u qabaan inay helaan koronto, taasoo aan markale fursad u helay inaan goob-joog ka noqdo dadkii barakacay oo waqtiyada habeenkii uu u baxo laydh, waxana u mahadcelinayaa bulshada Japan ee bixiyey maalgelinta mashruucan oo ay u soo dhexmariyeen hay’adda IOM. Waxaan idinku dardaraarayaa inaad joogtaysaa isticmaalka tamarta cadceeda.” Sidaa waxa yidhi Madaxa Mashruuca HAVOYOCO ee VTCs Mr. Sulub Muuse Maxamuud.

Waxa kale oo halkaa ka hadlay Maxamed Haybe oo ka socoday dawladda hoose ee Hargeysa, Guddoomiyaha Xaafadda Ayaxa iyo qaar ka mid ah martisharaftii kale ka soo qaybgashay, kuwaas oo dhammaan uga mahadceliyey hay’adaha fuliyey iyo dawladda Japan ee maalgeliyey, isla markaana kula dardaarmay inay ilaashadaan adeegyada loo sameeyey.

Ugu dambeyntii waxa munaasibadda lagu soo bandhigay ruwaayaad waycigelin ah oo ka turjumaysa in la ilaaliyo xuquuqda dadka muhaajiriinta iyo qaxootiga oo ay dhigaysay jilayaasha ururka waddaniga ah ee HAVAYOCO, taas oo soo jeedatay dareenka dadweynihii daawanayey.



Jamhuuriya Online

senoritaa
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 543
Joined: Fri Oct 02, 2009 2:24 pm

Re: Somaliland is moving towards Solar Energy!

Postby senoritaa » Fri Apr 02, 2010 11:06 am

way duushay! now its near the sun and the solar system :clap: :clap: :clap: :clap:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 21 guests