Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

"Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

"Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

Postby Siciid85 » Mon Apr 05, 2010 5:42 pm

"Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

"Waxaana ay dhalinyaradani ku taliyeen oo ay soo jeediyeen in aan mar dambe arrimahaas oo kale lagu kicin, iyada oo sheegay inaanay cidi dan gaar ah uga faa'daysan karin danta guud ee Beesha -H.Y, isla markaana cidda keliya ee ku hadli karta magaca beeshu ay yihin Salaadiinta iyo madax-dhaqameedka."


Meeting at International Hotel.

http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=16674

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: "Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

Postby The_Emperior5 » Mon Apr 05, 2010 5:48 pm

"Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

"Waxaana ay dhalinyaradani ku taliyeen oo ay soo jeediyeen in aan mar dambe arrimahaas oo kale lagu kicin, iyada oo sheegay inaanay cidi dan gaar ah uga faa'daysan karin danta guud ee Beesha -H.Y, isla markaana cidda keliya ee ku hadli karta magaca beeshu ay yihin Salaadiinta iyo madax-dhaqameedka."


Meeting at International Hotel.

http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=16674

its even wrong for salaadinta iyo cuqaasha inay iyagu dadka u sheegaan xisbigay ay o codeyaan ama ku biiraan waxasi dimuqradiyad maha salaadinta intooda baddan , wa iska dawlad raac ma fahantay

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: "Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

Postby Siciid85 » Mon Apr 05, 2010 5:51 pm

Emperior, whatever it is the youth learned their lesson not get themselfs involved in politics it's not a good game at the end of the day when the election is ready then they can vote for whoever they want but reer hebel baa nagu so biiray iyo waxas ma soconayso both mucuraad & government need to stop the naming of tribes & etc did you seen faisal ali waraabes speak? he made it clear.

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: "Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

Postby Siciid85 » Mon Apr 05, 2010 5:53 pm

Here it is Faisal Ali waraabe pointing out the wrongs of both sides and saying it like how it is.




“Wasiirada dhallinyarada reer ahaan ula shirayna waxaanu leenahay sidee ayay shacabku idinku aaminayaan haddii aad beeshiinii si gaar ah ula shirteen, mana tihidin wasiiro qaran ee waxaad tihiin wasiiro qabiil.”
Hargeysa/Sallaxleynews-Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay shir uu xisbiga KULMIYE u qabtay toddobaadkan dhallinyaro ka soo jeeda Beelaha Galbeedka Burco, Oodweyne iyo Bariga Hargeysa, oo sheegay inay cudodoodii ku wareejiyeen xisbiga KULMIYE.


Guddoomiyaha xisbia UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo xalay u waramay Wargeyska , ayaa sidoo kale ka hadlay isku daygii fashilmay ee ay xukuumadda Somaliland damacday inay ku hor joogsato taageerayaashaas ku biiray KULMIYE.


Md. Faysal, oo ugu horayn ka hadlaya, shirkii uu KULMIYE u qabtay dhallinyarada Jaamacadaha ee beelahaas Habaryoonis, waxa uu yidhi “Waxani maaha wax lagu kaambayn gareeyo, waa la igu soo biiray iyo waa la I soo galay maaha wax macno leh, qofku haddii uu xisbi ku soo biiro waa inuu xubinimadii bixiyaa oo uu is diiwaangeliyaa, laakiin dad inta la iska soo ururiyo la yidhaahdo way nagu soo biireen, waa dhaqan halkan yaala laakiin aan adduunka laga aqoon.”


Faysal, waxa uu xisbiyada mucaaradka u soo jeediyay inaanay dhiirigelin arrimo uu ku tilmaamay kuwo aan qurux badnayn oo uu sheegay inay ka mid yihiin waxyaabaha ay ku dhaqanto xukuumadda Madaxweyne Rayaale, “Waxa aad u fool xun inagoo qabyaalad la dagaalamayna in dadka jaamacadaha qabyaalad la geliyo oo dhallinyaradii jaamacadaha ku jirtay waxyaabahaas lagu beero. Waxyaabihii xumaa ee ay xukuumadda iyo UDUB waday maaha in mucaaradkuna bilaabo, waa tii aanu dawladda ku cambaaraynaynay markaas in xisbiyada mucaaradku ku daydaan wixii ay dawladu waday, oo qabyaaladda kobciyaan. Waxaanu qabnaa in ardayda jaamacaduhu isku mid yihiin beel kasta ha ahaadeene oo ay u baahanyihiin arrimo ay ka mid tahay tacliinta oo bilaash looga dhigo. Maaha in siyaasiyiintu soo qabtaan ardayda beelaha oo ay kala soocaan, laakiin waa inuu xisbi kastaaba ka iibiyaa barmaamijkiisa dhallinyarada oo wuxuu ugu tallo galay keenaa.”


Faysal, waxa uu ka hadlay tallaabadii ay xukuumadu isku dayday inay ku hor istaagto shirkaas, oo uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, “Dawladuna xaq uma laha inay iyaduna meel kasta ka ololayso oo ay lacagtii ku ololayso oo ay khayriyadda ku ololayso asxaabtana u diido oo ay weliba si ficil ah oo keeni kara iska horimaad arrimahan ugu kacdo. Dadka arrimahaas fulinaya sida Boliska waxaanu u sheegaynaa inay yihiin dad UDUB ka tirsan oo Boliska u dhexeeya, haddii aanu wadanka qabanana ha ogaadaan inaanu bedeli doono, waayo maaha Bolis ee waa siyaasiin UDUB ah.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.


Waxa kale oo uu si adag uga hadlay shir ay habeenimadii jimcihii guriga shaqaalaha ku qabteen Wasiirada Duulista, Maaliyada, Hawlaha guud iyo Wasiir ku xigeenka cadaaladda, oo ay u qabteen dhallinyaro ka soo jeeda Beelaha Habaryoonis, waxaanu yidhi, “Wasiirada dhallinyarada reer ahaan ula shirayna waxaanu leenahay sidee ayay shacabku idinku aaminayaan haddii aad beeshiinii si gaar ah ula shirteen, mana tihidin wasiiro qaran ee waxaad tihiin wasiiro qabiil.”


Isagoo la hadlaya mucaaradka, waxa uu yidhi, “Mucaaradka waxaan leeyahay waxan foosha xun ee ay UDUB dadka ku wado waa inaan lagaga dayan, waxanan u sheegaynaa inay iska ilaaliyaan ardayda jaamacaduhu siyaasiyiinta reer reerka u kala saaraya. Markaas annagu waanu ka soo horjeednaa waxyaabahaas, reer hebel baa igu soo biirayna waa laga wanaagsanyahay, waxaana loo baahanyahay in aad umadda barmaamijkaaga siyaasiga ah ka iibisid ee looma baahna inaad tidhaahdo reer hebel baa igu soo biiray.”


Waxa uu ugu dambayn guddoomiyaha UCID sheegay in dhallinyarada sheegtay inay ku biireen xisbiga KULMIYE, qaar ka mid ahi wada hadalo u socdeen xisbiga UCID, “Qaar ka mid ah dadka meesha fadhiyay waxa noo socday wada hadal, waanan iska war haynaa. Dhallinyarada Oodweyne iyo galbeedka Burco way ogyihiin inaan xildhibaano la dooranayn oo aanay doorashadu tii xildhibanaada ahayn ee ay tahay tii la dooranayay Madaxweynaha.” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Source:Geeska Afrika

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: "Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

Postby Siciid85 » Mon Apr 05, 2010 5:56 pm

Walle UCID are smart they know how take advantage of both UDUB & Kulmiye's wrongs. :lol:

guryasame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 656
Joined: Tue Nov 22, 2005 4:48 pm

Re: "Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

Postby guryasame » Mon Apr 05, 2010 7:10 pm

Dhulos iyo hy is khilaafkooda badan...laga dhamaanmayo waa soap opera.

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: "Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

Postby Siciid85 » Mon Apr 05, 2010 7:12 pm

Dhulos iyo hy is khilaafkooda badan...laga dhamaanmayo waa soap opera.


:lol: I guess they love drama, but hopefully all this was stop and no more reer hebel ba ku biiray meesha reer hebel iyo waxas, it's best everybody waits when the election is ready then people can choose whoever they want to vote for.

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: "Meel aanu iskugu nimi oo anu Kulmiye ku biirnay ma jirto"

Postby SahanGalbeed » Mon Apr 05, 2010 9:26 pm

Faysal Cali Warabe :clap:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests