Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Historic SNM pictures - London - 1980's

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Siciid85 » Wed Apr 07, 2010 2:34 pm

Image

Image

Image


Himilooyinkii SNM lama Wada Gaadhin, Maamulkii SNM ee dalka Qabtayna Mucaaradad Adag baa ka Hortimi" PDF | Print | E-mail
Tuesday, 06 April 2010
Muj. Xasan Ciise oo ka Hadlay Ku Dhawaaqistii SNM, Xaaladda Dalku Marayo, Dayaca Agoomaha Hargeysa Haysta iyo Khilaafkii Ururkooda Helay


Hargeysa-Guddoomiyaha ururka SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa ka hadlay maalintii lagu dhawaaqay ururka SNM 6 April, 1981 oo maanta ku beegan lagana joogo 29 sannadood iyo xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo oo uu sheegay inay tahay mid adag. Isagoo xusay inaanu xalkiina muuqan.


Md. Xasan Ciise, oo isagoo jooga xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu faahfaahiyay aasaaskii ururkaas oo uu ka mid ahaa raggii ku dhawaaqay isagoo xilliyadaasna shaqadiisii saxafnimo ee laanta Afka Somaliga ee BBC-da ku waayay dhadhaqaaqaas siyaasadeed ee uu kaga soo horjeeday dawladii Maxamed Siyaad Barre ee ay SNM ugu dambayn ku riday dagaalka hubaysan.


Guddigii u horeysay ee Fulinta ee SNM , dhinaca bidixda waxaa ugu soo xiga Mujaahid Xasan Ciise Jaamac


“Intaan SNM lagu dhawaaqin, waxaanu qolooyinkayagii Ingiriiska joogay lahayn urur la odhan jiray Somali Welfare Organization, oo ahaa urur aanu ku caaridi jirnay dawladii Siyaad Barre, Mudaharaado joogto ah ayaanu sannad iyo dheeraad magaca ururkaas ku samayn jirnay, Maalinta Sabtida iyo Axadda oo xaggaas fasax ah ayaanu mudahraad ku samayn jirnay safaaradii ay dawladii Siyaad Barre ku lahayd London, wakhtiyadaas safiiradii joogay waxa ka mid ahaa Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo imika Hargeysa jooga. Markaas mudaharaadyadaas aanu Siyaad Barre ku bilownay waxay ku noqotay dhimbiil dab ah, dawladiisu waxa ay xoogeeda isugu gaysay in mudaharaadkaas la joojiyo, haddii aan mudaharaadka la joojin karayn waa in la joojiyo warka mudaharaadka ku saabsan ee ka soo baxayay laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayay tallo ku gaadhay.


Marka aan arrintaas dib u xasuusto waxaan is tusaa xadiiska nebiga SCW laga soo weriyay ee odhanaya jidhaadka waxyaabaha ugu qiimaha badan waxa ka mid ah kelmad xaq ah oo aad nin boqor ah oo daalin ah aad hortiisa ka tidhaahdo.


Dhibaatada ay markaas arrintaasi Siyaad Barre ku lahayd ninkii maalintaas joogay wuu garanayaa iyo miisaankeedii. Waayo wadankii ayuu qabsaday, cid juuq tidhaahda ma ogola, dibadii ayaanu dabadeed ka dhawaaqnay oo aanu nidhi ha dhaco, oo dadkii gudaha joogay ee uu lahaa ma hadli kartaana ay dhegaysanayaan.” ayuu yidhi Xasan Ciise, isagoo ka sheekaynaya aasaaskii SNM, waxaanu intaas raaciyay “Markii aanu muddo sidaas ku wadnay waxa nala soo xidhiidhay qolyihii gudaha iyo carabta degenaa, oo aad noogu bogay, way noo yimaadeen aakhirataankiina wada hadalayada ayaa waxa ka soo baxay in urur jabhadeed la sameeyo oo markaas halgan hubaysan u diyaar garooba inuu ku qaado dawladii Maxamed Siyaad Barre.


Markaas aakhirataankii SNM ayaanu go’aaminay, waxaanan 6 April shirkii u horeeyay ku qabanay London oo aanu kaga dhawaaqnay intaanu saxafiyiintii isugu yeedhnay markaas intayadii mudaharaadka samayn jirtay oo dhan ee mudaharaadyada samayn jirnay waanu ku dhammayn maalintaas. Muu ahayn go’aan saddex ama afar nin go’aamiyeen ee wuxuu ahaa go’aan aanu iltaalkayaga ku muujinaynao oo aanu isu habar wacanay.”

Waxa uu guddoomiyuhu sheegay in shirkii u horeeyay ee lagu go’aansaday ku dhawaqista SNM lagu qabtay guri uu magaalada London xilligaas ka degenaa guddoomiye kuxigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax. “Markii hore waxaanu go’aanka ku gaadhnay guri uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir degenaa, dabadeedna 6 April ayaanu si rasmi ah ugu dhawaaqnay ururka SNM, shirkana waxaanu ku qabsanay hool ku yaalay magaalada London oo aan wax badan ka fogayn daarta BBC-da ee Bush House.” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.


Xasan waxa uu sheegay in markii la dareemay dhaqdhaqaaqa iyo abaabulka ku dhawaaqista SNM laga joojiyay shaqadii uu BBC-da ka hayay, “intii aanaan isla gaadhin SNM, afar bilood ka hor ayaa aniga shaqadii BBC-da la igaga eryay wuxuu wadaa urur siyaasadeed oo mucaarad ah oo Siyaad Barre ka soo horjeeda, markaas afar bilood ka hor intii aan SNM lagu dhawaaqin ayaa shaqadaydii aan ku waayay, waxaan ahaa qofkii u horeeyay ee ay dhibaato ka soo gaadhay SNM, oo Siyaad Barre waxa sidii aan sheegay dhimbiil ku noqotay warkaas BBC-da ka baxaya ee ay dadkii guduhuna dhagaysanayaan.”


Guddoomiye Xasan Ciise, oo la weydiiyay maanta oo 6 April 1981 laga joogo 29 sannadood sida uu dareenkiisu yahay, waxaanu yidhi “Maanta dareenkaygu wuxuu yahay mid aad u wanaagsan, sababtoo ah, ujeedadii halganka aanu ka lahayn wuxuu ahaa in Siyaad Barre oo keliya maahee dulmigii wadanka oo dhan inuu meesha ka baxo oo aanu annagoo ilaahay la kaashanayna aanu meesha ka saarno, Allena wuu nagu guuleeyay. Siyaad Barre wakhtigaas wax yar ka hor hay’adaha ciidamada aadduunka darsaa waxay qori jireen inuu yahay dawladda Afrikada madoow ugu xooga weynayd, raggii ciidamada xilligaas madaxa ka ahaa qaar aan weydiiyay way qireen arrintaas. Markaas waa himilo uu Alle nagu guuleeyay dalkii iyo dadkii oo xor ah ayaynu maanta haysanaa. Himilooyinkii SNM lama wada gaadhin, waayo xoraynta dalka oo keliya may ahayn ee waxay ahayd dawlad ay dadka iyo dadkuba ku aayaan oo wadanka horumar la beegsata in lagu bedelo nidaamkii dulmiga ahaa, weli maynaan gaadhin taas, laakiin waynu gaadhi karnaa, waxaynu haynaa raasamaalkii, macaashkana waynu gaadhi doonaa.”


Sida laga warqabo waxa aan weli xaqoodii helin mujaahidiintii SNM ee halgankaas ku naafoobay iyo agoomaha aabayaashood ay halgankii ku dhinteen oo ay dhibaato iyo diifi ka muuqato qaar badan oo ka mid ah. Sidaas daraadeed Xasan Ciise, oo la weydiiyay sida uu arrintaas u arko, ayaa yidhi, “Arrintaasi waxay ka mid tahay dhibaatooyinka koowaad ee wadanka ka taagan, dalka markii la xoreeyay ee uu Alle inagu guuleeyay, maamulkii SNM ee yimid wakhti uu wax ku dhisaba muu helin, mucaaradad baa ka hortimid, dhibaatooyinka maanta taagan ee ay dhibaatada mujaahidiinta haysataa kow ka tahay waxa aasaaska u ah khilaafkii SNM ay wadanka la soo gashay, khilaafkii SNM gudaheeda ka dhacay ayaa burburiyay, itaalkeedu wax kastaba ha noqdee. Khilaafkaas ayaa iska hor taagay inay wax qabato, khilaafku waa shayga wax kasta burburiya. Maamulkan maanta jiraa kii ka horeeyay ee uu dhaxlayna waa kii odhan jiray kuwii xoreeyay ayaanu ka xoraynaynaa, wax ay daryeelanba daayoo kuwan maanta joogana hadalkoodaba daa’, markaas arrintaas dayaca agoomaha iyo mujaahidiintu waxay ka mid tahay nusqaamaha waaweyn ee maanta wadanka ka taagan, sababaha keenayna khilaafkaas ayaa kow ka ahaa oo waa la yaqaan, dawladan dambe ee aan danaynayn, guud ahaan dadkana aan danaynayn, gaar ahaana SNM aan danaynayn ayaa dambigeeda leh.”

Maalmihii lagu dhawaaqay SNM oo lagu hor mudaaradaayo Safaaradii Siyaad Bare ee LONDON


Ugu dambayn mar la weydiiyay sida uu u arko xaaladda siyaasadeed ee uu dalku marayo oo adag, waxa uu yidhi, “Xaaladda uu maanta dalku marayo, wadanka dhibaato culus ayaa haysata, dhinac dawlad la’aan ayaa la odhan karaa dhinacna dawlad xumo, xal diyaar ahina ma muuqdo, laakiin Alle waxaynu weydiisanaynaa faraj khayr qaba oo ka duwan mid ay dad badani filayaan weliba annagu SNM ahaan kama rajo xumin, sababtoo ahaa waayo aragnimadu waa jaamacadda koowaad ee adduunka, oo waxyaabo badan ayaad ku baranaysaa, markaas SNM-ta waxyaabaha aanu ku baranay waxa ka mid ah dhibaatadu markay ugu darantahay ayaaba laga yaabaa inuu xalku ugu dhowyahay oo annaga way na soo martay, markaas Somaliland iyo dadkeeda dhibaato culus ayaa haysata xal diyaar ahina ma muuqdo laakiin Alle ayaynu u baryaynaa.”

Source: Geeska
Sallaxleynews Editor
Hargeysa, Somaliland

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Siciid85 » Wed Apr 07, 2010 2:36 pm

AFWAYNE FASCIST
MASS MURDERER
& DICTATOR
THIS IS YOUR END . Walle Rageedi bii ahayeen Isaaqii waagi 80skii joogi jiiray engriiska i can spot few people i know in there. :lol: :up:

Image

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby The_Emperior5 » Wed Apr 07, 2010 2:41 pm

woow nice pics it was a demonstration in the begin 80s :up: :up:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Siciid85 » Wed Apr 07, 2010 2:47 pm

Emperior, this is historic and powerful pictures you can see the message boards and sended powerful messages to siad bare that he panicked and tried stopping people seen the news backhome. :lol:

It says many things

1.AFWAYNE FASCIST
MASS MURDERER
& DICTATOR
THIS IS YOUR END .

2. PEOPLE UNITED WILL NEVER BE DEFEATED.


3. SOMALIS MUST BE ALLOWED TO DECIDE THEIR DESTINY THE BOARD THE WHITE GUY IS HOLDING. :lol:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby The_Emperior5 » Wed Apr 07, 2010 2:52 pm

They should of gone to the Somali embassy in London slaan xun oo maraxaana ka shaqeyn jirtay inay ku gubban bey ahayd :lol: :lol:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Siciid85 » Wed Apr 07, 2010 2:57 pm

They should of gone to the Somali embassy in London slaan xun oo maraxaana ka shaqeyn jirtay inay ku gubban bey ahayd :lol: :lol:


:lol: Emperior this protest happened outside the somalia embassy i think it was sometime when a minister of siad bare visited the UK, walahi those pictures make me proud the courage of our Isaaq qurbo joog it was very important that we had people who cared about us on the outside, when afweyne was killing their people backhome and they made his ministers lifes in the UK hell. :up:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby The_Emperior5 » Wed Apr 07, 2010 3:17 pm

Yeah the isaaq Diaspora was very active and very involved with the SNM every family Diaspora was paying qaadhaanka

Even in Saudi Arabia Isaaq youth were organizing events to collect money For The SNM I remember a habarawal guy got arrested in Saudi Arabia for telling his His football coach About SNM and his football mates were singing Maxammad mooge songs he taught them one of the songs so the Somali Ambassador found out when the Team was playing in riyad and some of the princes were present and also the Somali ambassador to Saudi Arabia was also there and before the match the whole team was singing the Maxammad mooge song that’s when the ambassador complained and said Saudi Arabia are you guys hosting rebels. The guy was put in prison after the match and later deported and later he joined the SNM

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Siciid85 » Wed Apr 07, 2010 3:40 pm

Yeah the isaaq Diaspora was very active and very involved with the SNM every family Diaspora was paying qaadhaanka

Even in Saudi Arabia Isaaq youth were organizing events to collect money For The SNM I remember a habarawal guy got arrested in Saudi Arabia for telling his His football coach About SNM and his football mates were singing Maxammad mooge songs he taught them one of the songs so the Somali Ambassador found out when the Team was playing in riyad and some of the princes were present and also the Somali ambassador to Saudi Arabia was also there and before the match the whole team was singing the Maxammad mooge song that’s when the ambassador complained and said Saudi Arabia are you guys hosting rebels. The guy was put in prison after the match and later deported and later he joined the SNM


Wow what a nice story, but i though saudi arabia was supportive of SNM's cause? since many Isaaq families were residing there luckily they didn't deport all they let many stay.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby The_Emperior5 » Wed Apr 07, 2010 3:49 pm

yeah it was friendly to The isaaq but the Faqash government influenced them allot also that Dident changed something The Isaaq community in Saudi Arabia was Large Thousands of Families were living there and the people never stopped Supporting the struggle :up: :sland:

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Cumar-Labasuul » Wed Apr 07, 2010 3:50 pm

Great Pictures :up:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Siciid85 » Wed Apr 07, 2010 4:25 pm

yeah it was friendly to The isaaq but the Faqash government influenced them allot also that Dident changed something The Isaaq community in Saudi Arabia was Large Thousands of Families were living there and the people never stopped Supporting the struggle :up: :sland:

The isaaq community in arabta today is still large especially Dubai, Qatar, Saudi arabia , Yemen all have well established duriiyaada communities.

User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Keyse_0208 » Thu Apr 08, 2010 12:34 pm

siciid where did u get these pics from saxiib..??

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Siciid85 » Thu Apr 08, 2010 12:50 pm

^^^ Sallaxley news sxb.

User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby Cali_Gaab » Thu Apr 08, 2010 3:34 pm

The house where the SNM was established in West London, 1981:

http://www.multimap.com/maps/?qs=34+Cha ... 0763:17|34 Charleville Mansions London W14|34 Charleville Road, HAMMERSMITH AND FULHAM (LONDON), W14

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Historic SNM pictures - London - 1980's

Postby SahanGalbeed » Thu Apr 08, 2010 3:42 pm

Nice pics ! :sland:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests