Page 1 of 1

Dahabshil gives Security Training to their employees pics

Posted: Thu Apr 08, 2010 3:22 pm
by The_Emperior5
Shirkadda Dahabshiil oo Ilaaladda Ammaankeeda ee Xarumaheeda Hargeysa u QabatayTababar Sugitaanka Amniga ah



BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND





Hargiesa 2007



British P.Minster



Welcome Party



Hargeisa Univ



Hargiesa 2006



S/Land-Aljezera


Hargeysa (SDWO 07/04/2010) Shirkada Dahabshiil, ayaa ciidanka ilaalada ka ah xarumaheeda magaalada Hargeysa tu soo gebogabeeyey ababar kor loogu qaadayo aqoontooda dhinaca sugida ammaanka, kuwaas oo shahaadooyin la gudoonsiiyey

Tababarkan oo ay ka qabgaleen 40 ka mid ah ciidanka ammaanka ee ka shaqeeya xarumaha Dahabshiil ee Hargeysa, isla markaana socday muddo 12 maalmood ah, ayaa galabta lagu soo gebogabeeyey xaflad shahaadooyin lagu guddoonsiinayey oo lagu qabtay xarunta shirkada Dahabshiil ee caasimadda Hargeysa, taas oo ay ka qaybgaleen masuuliyiin ay mid yihiin Maareeye-ku-xigeenka Shirkada Dahabshiil Axmed Warsame Ducaale, Madaxa ciidanka ammaanka ee shirkada Sheekh Saleebaan Muuse Xasan, Madaxa suuqgeynta shirkada Faarax Bootaan iyo masuuliyiin kale oo ka socday shirkada

Image


Madaxa ciidanka ammaanka ee shirkadda Sh. Saleebaan Muuse Xasan oo ka hadlay, ayaa ka waramay ujeeddada tababarkaas loo qabtay oo uu ku tilmaamay mid kor loogu qaadayo tayada ammaanka ee ciidanka ka hawlgala xarumaha Dahabshiil.

“Tababarkani waxa uu socday muddo 12 maalmood ah, waxaana loo qabtay oo ka qaybgalay 40 xubnood oo ka mid ah ciidanka ammaanka ee shirkada Dahabshiil uga shaqeeya xarumaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, ujeeddada aanu ka lahayn tababarku wuxu ahaa in aanu kor ugu qaadno tayada iyo aqoonta shaqaalaha ammaanka oo hawl muhiim ah u haya shirkada iyo dadweynaha macaamiishayada ah, si aanu u suurtogelino in wada shaqayn iyo is faham buuxaa na dhex maro macaamiisha Dahabshiil,” ayuu yidhi Sh. Saleebaan Muuse

Image

Mr. Cabdiqani Ciise oo ah macalinkii bixinayey casharada tababarka la siiyey ciidanka oo isna xafladaasi ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada duruusta ay barteen ciidanka ammaanku, sababaha keenay iyo waxtarka ay yeelan doonaan.

“Tababarkani wuxu ku saabsanaa nabadgelyada, gaar ahaan kaabayaasha nabadgelyada (Security Building Capacity), waxay barteen sagaal cutub, waxa ka mid ahaa casharadii ay qaateen baadhitaanka oo dhowr nooc u qaybsama, la dagaalanka dabka, nidaamka loo ilaaliyo nabadgelyada, gudbinta warbixinaha, la xidhiidhida madaxda nabadgelyada, la macaamilka macmiisha iyo sida loo sameeyo roondada,” ayuu yidhi Mr. Cabdiqani.

Image


Macalinku waxa uu si weyn ugu mahadnaqay dhammaan ka qaygalayaashii tababarkaas oo uu sheegay in muddadii uu socday ay si fiican uga qaybgaleen.

Maareeye-ku-xigeenka Shirkada Dahabshiil Axmed Warsame Ducaale oo xafladaasi soo gebogabeeyey, ayaa ka hadlay faa’iidada nabadgelyada iyo qiimaha gaarka ah ee sugideedu u leedahay shirkadda Dahabshiil.

Image

Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Markiina horeba boolis baad ahaydeen, laakiin waxa la idiin tababaray in aqoontiina la sii kordhiyo, waxa la doonayay in aad noqotaan qof wada indho ah, tababarada noocan ah waa la idiin joogtayn doonaa, waxa loo baahan yahay wixii la idin baray in aad camal u rogtaan. Dadku inta badan waxay askariga ka aaminsan yihiin adayg, laakiin askariga Dahabshiil joogaa wuu ka duwan yahay sidaas, waayo waxad la macaamilaysaa waa dadweyne macmiil u ah shirkadda. Shirkaddu idinkay idinku seexatay ee ha seexanina oo ka midho dhaliya wixii la idin baray, insha Allah muddo marka la joogaba mar baa la idiin qaban doonaa siminaar kan oo kale ah.

Re: Dahabshil gives Security Training to their employees pics

Posted: Thu Apr 08, 2010 3:32 pm
by 2ndtoNone
i like the way their uniform matches their fav drink. (so these pics would tell us)

Re: Dahabshil gives Security Training to their employees pics

Posted: Thu Apr 08, 2010 6:37 pm
by Dhaga Bacayl
Whuz up with guul wade uniform? :down:

Re: Dahabshil gives Security Training to their employees pics

Posted: Sat Apr 10, 2010 12:03 am
by SahanGalbeed
It 's okay , distinctive color not to be mistaken with proper gov security forces :up:

Re: Dahabshil gives Security Training to their employees pics

Posted: Sat Apr 10, 2010 12:37 am
by Skippa
It 's okay , distinctive color not to be mistaken with proper gov security forces :up:
cousin ma anaa moodaya mise askartii jabuuti ayeey isku dirays yihiin? akhtarkaa qaylada dheer maanay xidhan jiriin booliis nayaadi? I tried looking it up but only came across raggan khatarta ah ee la moodo commandoska

p.s. what kind of gun is the first one carrying? It looks like a revolver from the days of John Wayne :lol:

Image

Re: Dahabshil gives Security Training to their employees pics

Posted: Sat Apr 10, 2010 12:55 am
by SahanGalbeed
Prolly some french shit let me look it up .
Manhurin I guess
Image

Akhtarka qaylada dheer waxa xidhan jiray , trafiiga FNS ta :lol:

Re: Dahabshil gives Security Training to their employees pics

Posted: Sat Apr 10, 2010 12:59 am
by SahanGalbeed