Muqdisho:(Allpuntland)-Dhaqdhaqaaq Alshabaabul Mujaahidiin ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warqoraal ah oo ay ku mamnuucayaan Dhageysiga & Baahinta Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da oo ay ku eedeeyeen in ay baahiso Fikarado kale,sidoo kale Qoraalka Alshabaab waxaa lagu amray idaacadaha Muqdisho in aysan sii deynin BBC-da tii amarkaa u hogaan sami weydana Talaabo Shirciga waafaqsan laga qaadi doono.
Qoraalka Alshabaab ee ay ku mamnuucday dhagaysiga & Baahinta Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da wuxuu u qornaa sidan:-
Muqdisho (24/04/1431) – laga bilaabo maanta dhamaan FM-yada BBCda ee ka shaqeeya gudaha Wilaayaatka Islaamiga ah hawada ayaa laga saarayaa, wixii qalab ah oo ay leedahayna waa lala wareegayaa.
Xafiiska Warfaafinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gaaray go’aankan kadib markii si qoto dheer leh loogu kuur galay arimahan:
Idaacada BBCda oo ah warbaahin laga leeyahay dalka Ingiriiska islamarkaana ah codka koowaad ee qaabilsan fulinta ajandaha gumeysiga Saliibiga ee ku aadan dunida Muslimka.
Dagaalka xoogan ee BBCdu kaga soo horjeedo Islaamka iyo Muslimiinta, iyo u ololeynteeda inaan maamul Islaami ah ka hanaqaadin dalka Soomaaliya.
Waxyeelada ay sababeen wararka iyo warbixinnada ay baahineyso ee xaqiiqada ka fog iyo buunbuuninta fikradaha saliibiyiinta reer galbeedka kuwaas oo qeyb ka ah jahwareerinta shacabka muslimka ah.
Ku dhiiranaanshaha faafinta erayo aflagaada ah oo ka dhan ah mujaahidiinta, iyo hurinta colaadaha saameeyay dadka Soomaaliyeed.
BBCda oo barobagaando u samaysa dowlada riddada iyo hay’adaha saliibiga ah.
Sidaa daraadeed waxaa xaqiiqa ah in la joogo xilligii ugu munaasabsanaa ee la soo afjarilahaa hawlaha BBCda si looga bogsado dhaawacyadii fikradeed ee ay u geysatey Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed, islamarkaana loo heli lahaa aragtiyo ka madax bannaan kuwa saliibiga ah kuna dhisan mabaadi’da Islaamka.
Ugu dambeyntii waxaa shabakadaha warbaahinta ee qandaraaska kula jira hay’adaha BBC iyo VOA lagu wargelinayaa in wixii maanta laga bilaabo ay soo afjaraan qandaraaska ay ku tebiyaan wararkooda.
Xafiiska Warfaafinta
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.
http://www.allpuntland.com/article/anmv ... a=7553&z=2



