Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby Siciid85 » Fri Apr 09, 2010 7:45 pm

Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka -Burco

urco(OWN)-Waxaa soo gaadhay magaalada Burco ee Gobolka Tog-dheer wafti ka socda Jaaliyadda Somaliland ee Germany, waftigan oo ka koobnaa 2 xubnood oo kala ah Guddomiyaha Jaaliyadda Germany Maxamed Xuseen Dhacsi iyo mid ka mid.

http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=16808

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby The_Emperior5 » Fri Apr 09, 2010 7:59 pm

Good news you always hear positive news from burco
We need technicians in Somaliland

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby SahanGalbeed » Fri Apr 09, 2010 8:12 pm

Maxa loogu baxshay xaafada jarmalaka ?

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby Siciid85 » Fri Apr 09, 2010 8:22 pm

Emperior, indeed somaliland needs more of those kind of schools. :up:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby Siciid85 » Fri Apr 09, 2010 8:23 pm

Maxa loogu baxshay xaafada jarmalaka ?

Because Qurbo Jooga uu dhashay xafaada are mostly germany qurbo joogs that is why it's called Xafaada Jarmaalka.

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby SahanGalbeed » Fri Apr 09, 2010 8:29 pm

Thanks .

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby Siciid85 » Fri Apr 09, 2010 8:32 pm

Sahanow, ayamahan xafaadaha dhaan baad kala baranaysa sababta lagu bixiyey magaacyaada. :lol: your welcome about.

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby SahanGalbeed » Fri Apr 09, 2010 8:44 pm

I though, guessed it was named that way after the first houses built there were put together by an NGO .

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby Siciid85 » Fri Apr 09, 2010 8:52 pm

Ok.

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby Siciid85 » Fri Apr 09, 2010 8:54 pm

Burco(Oodweynenews)-waxaa maanta (shalay)soo gaadhay magaalada Burco ee Gobolka Tog-dheer wafti ka socda Jaaliyadda Somaliland ee Germany, waftigan oo ka koobnaa 2 xubnood oo kala ah Guddomiyaha Jaaliyadda Germany Maxamed Xuseen Dhacsi iyo mid ka mid xubnaha jaaliyadaasi oo la yidhaa C/laahi Axmed ayaa kulamo Gooni gooni ah la qaatay Maamulka Gobolka iyo kan degmada Burco.

Guddomiyaha Jaaliyadda somaliland ee dalka Jarmalka Mr. Maxamed Xusseen Dhacsi ayaa maamulka Gobolka iyo degmada oo xafiisyadooda uu kula kulmay warbixin kooban ka siiyey hawlaha ay u socdaa iyo waxay maamul ahaan iyaga uga baahan yihiin, wuxuuna u sheegay Maayarka iyo Badhasaabkaba in ay wadaan hawlo ama mashaariic lagu dhisayo Dugsigii hore ee farsamada Gacanta oo ay hore u dhistay dawladda Jarmalku, isla markaasna imminka ay mar kale ka soo dhammeeyeen xaggaas(DAWLADDA JARMALKA) ay dib u dhis lagu samaynayo Dugsigaasi, isagoo warbixiintiisa ku daray in ay hargaysana Dugsi farsamo gacmeed oo kan la mid ah ka dhisayaan oo isagana ay ka soo dhammeeyeen dawladda Jarmalka iyo hay’ado kale oo halkaasi deggenba.

Maayarka Magaalada Burco ayaa isna warbixin Kooban ka siiyey weftiga, Dugsigan farsamada Gacanta ee horeba jarmalku u dhisay, wuxuu sheegay maayarku in ay aad ugu faraxsan yihiin kuna farxaan markasta oo la yidhaa waxbaan u qabanayna Burco, wuxuuna xusay in Dugsigani maamul deegaan ah uu iyaga si gaar ah dhib ugu hayyay, hadday tahay ilaalin, nadiifin iyo dayactir intaba, isagoo ku nuuxnuuxsaday in ay u baahnaayeen cid ay ku sii daayaan oo mar uun dhista ama Deyr ku wareejisa inta la dhisayo, loona baahan yahay Dhisitaanka Dugsigan fursad aad u weynna u ah dhammaanba Dadka Reer Burco.


Badhasaabka Gobolka Togdheer Jaamac C/laahi Biin oo isna xafiiskiisa ku qaabilay weftiga ka socda Jarnalka ee reer somaliland ayaa ka dhegaystay ugu h oreyn wixii ay u sideen, waxayna u sheegeen in waxa keliya ee ay u socdeen ay ahayd sidii aan maamulka iyo dadka reer Burco uga qaadi lahayn jawaab cad oo waafi ah oo ku aaddan dhisitaanka Dugsiga farsamada Gacanta, iyagoo u sheegay in ay meelo badan soo mareen sida Hargaysa oo ay kula soo kulmeen wasiirkii waxbrashada Somaliland Md: Xasan Gadhweyne, isagoo noo sheegaybay yidhaahdeen in Dugsiga ay heshiis kula galeen dhisiddiisa Hay’ado kale, waxaanu maamulka Gobolka Mr.Biin warbixnta waftiga Kadib u sheegay in aanay suuro gal ahayn in cid loo xannibo dhisidda Dugsigani oo uu laftiisu ku sheegay mid aad muhim u ah, wuxuuna xusay in loo baahanyahay Ballanqaad rasmi ah, isagoo u sheegay in hay’ado badani ay kala kulmeen arrintan oo kale isla markaasna aan dib loo arag, isagoo u sheegay mid waliba in uu wasiirka illa madaxweynaha kala hadli doono arrinkan.


maamulka Gobolka iyo kan degmada burco ayuu Guddomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee Jarmalku ku wareejiyey Documnetskii caddaymaha ahaa ee Hay’adaha iyo dawladda jarmalka ee hawlahan gelaya ay ku kala saxiixdeen, waxaanu markii danbe badhasaabku kormeer ahaan ugu kexeeyey weftiga dhinacaas iyo iskuulkii farsamada Gacanta, oo ay soo indho indheeyeen sawiro baddana ka soo qaateen.


Dhanka kale waxaa si weyn ula shaqaynayay weftigan ka socda jaaliyadda jarmalka qaar ka mid ah Masuuliyiinta Hay’adda Havoyoco oo iyagu si weyn ugu soo dhoweyey magaalada,waxayna intii badnayd la socdeen weftiga, si ay uga caawiyaan wixii caqabad ay u arkaan ee kala kulanta maamulada ay la kulmayeen waftigu.


Dhisida dugsigan cusub ayaa si weyn u baabiin doona xirfad yarida ka jirta Gobolka isla markaasna yarayn doona dhalinyarada bilaa camalka ah ee badaha ku halaagsama marka ay damcaan in caalamka ay u shaqo tagaan, maadama ay shaqo la’aan dalkooda uga cararayaan, waxaana mid kan lamid ah ay ballanqaaden waftigu inay ka dhisi doonaan caasimadda somaliland, taas oo Guul iyo horumar wax ku ool ah u noqon karta Dalka Somaliland.

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby hargaysaay » Sat Apr 10, 2010 10:41 am

Maxa loogu baxshay xaafada jarmalaka ?

Because Qurbo Jooga uu dhashay xafaada are mostly germany qurbo joogs that is why it's called Xafaada Jarmaalka.

no you failed big time in tht answer, jarmalka waxa loogu bixiyey waagii hore somalilamd waxa ka jiray 2 institute of enginering one was in burco another one was in hargeysa, the teachers of the two institutes were all germany except my father who was the only somali teacher in hargeysa institute of engineering. that was in the 1970s

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby Siciid85 » Sat Apr 10, 2010 11:01 am

Hargaysaay, Interesting thanks for the correction, adigu have you ever been to Soukhal Galbeed - Burco?

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby hargaysaay » Sat Apr 10, 2010 11:06 am

Hargaysaay, Interesting thanks for the correction, adigu have you ever been to Soukhal Galbeed - Burco?
maya laakiin school weyn weeyaan

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby Siciid85 » Sat Apr 10, 2010 11:11 am

waan ogahay inu schoolweyn yahay and it's being reconstructed which can proof to be useful in the longterm.

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Dhisitaanka dugsiga farsamada gacanta ee xaafadda jarmalka

Postby SahanGalbeed » Sat Apr 10, 2010 2:17 pm

About the title , ma waxa la yidha dhisitaanka mise dhismaha ?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 20 guests