Mashruuc Biyo-xidh loogu samaynayay Beeralayda Gobolka Odwen
Posted: Sun Apr 18, 2010 6:52 pm
Oodwayne(Ramaas) Apr.18, 2010 - Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Siciid Sulub Maxamed, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Gobolka Oodweyne, isla markaana waxa uu soo indha-indheeyey Mashaariic biyaha loogu xidhayo Beeralayda Gobolkaas.
Wasiirka oo intii uu kormeerkiisa shaqo ku guda jiray, warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Mashaariicda biyaha loogu xidhayo Beeralayda Oodweyne oo ay fulinayso Hay’adda Waddaniga ah ee ADO. Waxaanu u mahadceliyey Hay’adda fulinaysa hawshaas biyo xidheenka ah.
Siciid Sulub, waxa uu u soo jeediyey dadka Beeralayda ah ee reer Oodweyne, inay ka faa’iidaystaan Biyo-xidheennada loo sameeyey, oo ay hawsha loo qabtay kaga jawaabaan wax qabad muuqda iyo inay wax ka beertaan Beeraha biyaha loo xidhay, gaar ahaan waxa uu u soo jeediyey inay beertaan waxyaabaha Aadamuhu ku noolaan karo, sida Raashinka iyo Khudaarta noocyadooda kala duwan.
Wasiirka hawlaha guud Siciid Sulub, markii uu kormeerkiisaa shaqo soo gebagabeeyey, waxa uu maanta gelinkii dambe u soo kicitimay dhinaca Magaalada Hargeysa. Mashruucan Wasiirku soo kormeeray, ayaa qayb ka ahaa Mashaariic biyaha loogu xidhayo dhulka Beeraha iyo Deegaannada biyuhu sida tooska ah u dhaafaan, iyada oo goobo badan la dhameeyey, goobo kalena ay weli socoto hawshoodu.
Ramaasnews Deska
Hargeysa/Somaliland.
http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=3196