Seems like riyaale stopped the project
Madaxweyne Rayaale oo Dhismaha Madaarka Hargeysa ka Horjoogsaday Shirkadda Shiinaha ah ee Warancadde iyo Maayarka Caasimadda Heshiiska la soo Galeen
Wasiirka duulista oo la sheegay inuu diiday in madaarka lagu dhiso daamur hay’adda ICAO ugu deeqday iyo shirkadda la siiyey casriyeynta garoonka diyaaradaha oo la filayo inay maanta kulamo la yeelato dhinacyadda wada shaqayntu ka dhexayso
“Markay shirkaddu qalabkeeda soo dhammaystiro ee ay wax walba keensadaan ayaannu ogeysiiska bilaabi doonaa, iminkana waxay sugayaan oo qudha daamurkii”
Agaasimaha waaxda madaaradda wasaaradda Duulista
“Alaabta markii hore ayaanu meesha geynay, markaa xilliga aannu bilaabayno jaraa’idka waannu u yeedhi doonaa”
Maamulaha shirkadda lagu wareejiyey dhismaha madaarka
Hargeysa (Jam)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu fulinta dhismaha madaarka Hargeysa ka horjoogsaday shirkad Shiine ah oo Wasiirka Duulista & Hawada Md. Cali Maxamed Warancadde iyo Duqa Caasimaddu Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir heshiis kula soo galeen dalka Shiinaha.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland iyo Wasaaradda Duulista & Hawada oo xaqiijinaya sababta Madaxweyne Rayaale shirkadda Shiinaha ah uga horjoogsaday dhismaha madaarka Hargeysa. Haseyeeshee, sida Jamhuuriya shalay u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo arrintan u dhuun daloola, waxa Madaxweynuhu dhismaha madaarka ku wareejiyey shirkadda waddaniga ah ee ADCON oo ah shirkadda gacanta ku haysa dib-u-dhiska biriijka 2aad ee magaaladda Hargeysa, iyada oo sida la sheegay dhismaha madaarka maalgelinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP.
Maamulaha shirkadda waddaniga ah ee lagu wareejiyey dhismaha madaarka Hargeysa Mr. Jibriil Axmed Cali oo Jamhuuriya xalay khadka telefoonka kula xidhiidhay si wax looga waydiiyo waxa ka jira in shirkadooda la wareegtay dib-u-dhiska gegida diyaaradaha iyo waqtiga ay bilaabayaan, ayaa sheegay in wali wadahadal u socdo iyaga iyo dhinacyada ku hawlan dhismaha madaarka Hargeysa, sidaas darteedna ay arrintaas maalmaha soo socda tafaasiil ka bixin doonaan, balse waxa uu qiray in shirkadoodu madaarka gaysay qalabkii hawsha dhismaha lagu bilaabi lahaa.
“Wali wax war ah ma hayno oo beri [maanta] ayaanu kulmaynaa qoladii hawsha nala waday, markaa wixii ka dambeeya laba ilaa saddex casho, kadib ayaad ila soo xidhiidhi doontaan,” ayuu yidhi Mr. Jibriil_Axmed Cali.
Maamulaha shirkadda ADCON oo la weydiiyey waxa ka jira wararka sheegaya inay qalabkii dhismaha mar hore geeyeen madaarka, waxa uu ku jawaabay, “Alaabta markii hore ayaanu meesha geynay, markaa xilliga aannu bilaabayno jaraa’idka waannu u yeedhi doonaa.”
Wasiirka Duulista & Hawada Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa sida la sheegay ka cadhooday tallaabada Madaxweyne Rayaale dhismaha madaarka Hargeysa kaga horjoogsaday shirkadda Shiinaha ah ee isaga iyo Maayarka caasimadda kula soo heshiiyeen dib-u-dhiska iyo casriyeynta madaarka caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, isaga oo la sheegay in aannu ilaa hadda shirkadda waddaniga ah u saxeexin dhismaha ay ka bilaabayso gegida diyaaradaha.
Md. Cali Warancadde oo aannu xalay la xidhiidhay si wax looga waydiiyo arrintan, ayaanay noo suurtogelin, kadib markii uu xidhay mobile-kiisa gacanta, balse sida dadku dhowdhow wasaaradda Dulistu Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa Warancadde diiday in shirkadda waddaniga ah dhismaha garoonka diyaaradaha ku bilowdo daamur hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca duulimaadyadda hawada ee ICOA madaarka ugu deeqday, tallaabadaas oo dib-u-dhac ku keenaysa waqtiga la bilaabayo dhismaha garoonka diyaaradaha Hargeysa oo in muddo ah u xanibnaa dayac la’aan, taas oo sababtay in diyaaradaha waaweyni joojiyaan hawlihii duulimaad ee madaarka, iyada oo masuuliyiinta qaranka ee u baxaya safarrada dibadda iyo muwaadiniinta caadiga ah ee qurba-jooga ahi maraan dhinaca dhulka ilaa magaalada Jigjiga ee dalka Itoobiya, halkaas oo laga raaco diyaarad tagta caasimadda Addis Ababa.
Agaasimaha Waaxda Madaarrada ee Wasaaradda Duulista & Hawadda, ayaa xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xaqiijiyey in shirkadda waddaniga ah ee ADCON ay bilaabayso dhismaha madaarka Hargeysa, isaga oo caddeeyey in shirkaddu ay hadda sugayso daamurkii ay ku bilaabi lahayd oo qudha, iyadda madaarkana uu yaal daamurka wasiirku ka hor istaagay shirkadda, waxaannu xusay in marka shirkaddu soo dhammaystirto qalabkeeda ay sii dayn doonaan ogeysiiska dhismaha gegida diyaaradaha.
“Markay shirkaddu qalabkeeda soo dhammaystiro ee ay wax walba keensadaan ayaannu ogeysiiska bilaabi doonaa, iminkana waxay sugayaan oo qudha daamurkii,” ayuu yidhi Agaasimaha Waaxda Madaaraddu.
Agaasimaha oo aannu waydiinay in laga maarmay shirkaddii Shiinaha ahayd ee Wasiirka Duulista & Hawaddu kula soo heshiiyey dhismaha madaarka Hargeysa, maadaama hawshii lagu wareejiyey shirkadda waddaniga ee Jibriil, waxa uu si kooban u yidhi; “Qoladii Shiinaha ahayd mayee lagama maarmin ee iyaguna way iska soconayaan uun.”
Wasiirka duulista Md. Cali Maxamed Warancade oo 14 February 2010 ka soo noqday safar uu ku tagay dalka Shiinaha, ayaa saxaafadda u sheegay inay heshiis la soo galeen shirkad Shiine ah oo lagu magacaabo China Overseas Investment Group Company, isaga oo warbaahinta u soo bandhigay muuqaaladda naqshada madaarka cusub ee shirkadda Shiinaha
Jamhuuriya Online



