Postby Siciid85 » Wed Apr 21, 2010 4:21 pm
Beesha Reer Xusseen Ee Burco Oo Beeniyey War Dhawaan Xubno Beeshooda Ka Mid Ahi Ku Baahiyeen Saxaafada.
Burco(Ramaas) Apr.21, 2010 - Beesha Reer Xuseen ee Galbeedka Burco ayaa beeniyay war ay dhawaan qaar ka mid ah Saxaafadda ku baahiyeen xubno ka tirsan beeshooda kuwaas oo xiligaasi ku sugnaa magaalada Hargeysa kuna hadlay magaca beeshooda.
Waxaanay sidaa ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta beeshani ku qabsatay Huteelka shamaxle ee magaalada Burco, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Cuqaasha, Xildhibaanada, Waxgaradka Culimo-udiinta iyo Gudoomiyaha beeshaasi.
Chief-Caaqil Cali C/laahi Muuse oo ugu horeyn ka hadlay shirkaa ayaa hadaladiisa ku bilaabay:
“Waxa maanta shirkan aanu u qabanay in aanu kaga hadalo xubno ka tirsan beesha oo si been abuur ah ugu hadlay magaca beesha, kuwaas oo ku baahiyay qaar ka mid ah Saxaafada iyagoo ku sugan Hargeysa oo sheegay in ay reerka iyagu masuul ka yihiin kana been abuuray Cuqaasha iyo guddiga beesha“ Ayuu yidhi Cheifku.
Waxaanu intaa ku daray oo uu u soo jeediyay Cali C\laahi Muuse xubnahan ka tirsan beeshooda ee ku sugan magaalada Hargeysa in ay ka waantoobaan arimaha noocaas ah ee kala fogaynaya reerka kana shaqeeyaan sidii reerka midnimadiisa loo horseedi lahaa.
Xildhibaan Maxamed Diiriye Xayd oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “kama hadlayno arin siyaasadeed ee waxa aanu ka hadlaynaa arin gudaha reerka ah iyada oo ay waayadan dambe reerka dhexdiisa ay ka jirtay xoogay khilaaf ahi oo aan dhaqan noo ahayn ayaa waxa dhacaday in qaar ka mid ah qurbo joogga reerku ay soo direen nin ay sheegeen in uu khilaafka wax nagala qabto, taas oo aanu soo dhoweynay isla markana waxaanu samaynay Guddi ka kooban 25 xubnood oo loo saaray turxaan saarka Beesha, balse waxa dhacday in ninkii debeda ka yimi u arintii cirka ku shareeray ka dib markii uu Gudidii 25 ahaa ka kaxaystay lix ka mid ah oo inta uu Hargaysa aaday oo xukuumada iyo xisbiyada ula tegay waxaanay beeshu heshiis ku ahayn ”Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Diiriye.
Waxaanu ugu dambayntii sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin isku xidhka iyo midaynta reerka iyada oo uu dhinaca kalena ugu baaqay in ay ka waantoobaan wixii Beesha kala fogaynaya.
Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Beesha Axmed Maxamed C\laahi, Xildhibaano, Cuqaal iyo waxgarad kale oo Beeshaas ka mid ah, kuwaas oo ay ka mid ahayeen Xildhibaan Diiriye Axmed Cabdi, Caaqiil C/risaaq Cumar Aw Diiriye, Shiikh Maxamed Cabdi Kaahin, waxaanay xubnaha Hargaysa joogga u soo jeediyeen in ay talada Beesha dib ugu soo noqdaan waxaaney beeniyeen warka ay dadkaasi baahiyeen.
Ramaasnews Desk
Burao