Ardayda Dugisiga Sare ee Faarax Oomaar oo Xusay Maalinta Wadaniyada Faarax Oomaar
Hargaysa (Jam)-Ardayda dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, ayaa si weyn u xusay munaasibad cusub oo ay ugu magac dareen maalinta wadaniyadda Faarax Oomaar, taasi oo ardaydu ku maamuusayeen qiimaha ay wadaniyadu leedahay iyo inay xasuustaan halyaygii waynaa ee Faarax Oomaar.
iyada oo ay si wayn u soo abaabuleen ardayda waqtigan dhigata dugsiga sare ee faarax oomaar, iyaga oio ku qabtay barxadda hore ee dugsigaasi.
Munaaisbaddan oo ay soo abaabuleen ardaydiga wax ka barata dugsiga sare ee Faarax Oomaar, waxa ka soo qaybgalay Ururo kala duwan oo ay ka mid yihiin Ururka wadaniyadda waalidiinta, maamulka iyo macalimiinta wax ka dhiga dugsiga sare ee Faarax Oomaar, ardayda hada dhigata dugsiga, kuwii hore uga qalin jabiyay iyo marti sharaf kale oo tiro badan, iyada oo halkaasi laga jeediyey khudbado isugu jira dhiiri gelin, waano iyo tusaalooyin loo soo jeediyay ardayda dhigata dugsiga.
Maamulaha dugsiga Faarax Oomaar oo ugu horayn madashaasi ka hadlay, ayaa aad ugu mahadceliyey ardayda soo qabanqaabisay munaasibadan, waxaanu xusay in wadaniyadu tahay shayga ugu qaalisan caalamka.
‘‘Waxan ugu mahad celinayaa ardayda sida gaarka ah u soo abaabushay munaasibadan layaabka leh, runtii wadaniyadu waxa weeye tan maanta ugu qaalisan caalamka, maanta dadkeena inta badan maaha qaar ay wadaniyadu daacad ka tahay oo dadka qaarkood waxad is odhanaysaa ciida ayaa dadkeedii keena, dadkan yaa ciidoodii geeya, markaa waxan idin kula dardaarmayaa inaad ciidiina ilaashataan oo iimaansadda, iska daaya tahriibta.
Dugsigan idinka ayaa iska leh, magac iyo sharaf ayuu ku leeyahay Somaliland, dugsiyada kalena wuu ka magac dheer yahay, waxa uu leeyaha taariikh kala duwan oo aan la soo koobi Karin, sidaa awgeed waxa la idinka rabaa in aad ilaalisaan sharftiisa maadaamaa aad tihiin kuwa iska leh masuuliyadiisuna ay dusha idinka saran tahay, wadaninimadu waa hagaajinta dugsigaaga iyo meesha aad ku nooshahay, mana aha siyaasad ee yaan la idin khaldin,’’ ayuu yidhi; maamulaha dugsiga sare ee Faarax Oomaar.
Macallin Maxamed oo ka mid ah macallimiinta Masaarida ah ee dugsiga Faarax Oomaar wax ka dhiga oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in ardayda iyo macallimiinta dugsiga sare ee Faarax Oomaar yihiin qaar had iyo jeer ku fikira inay la yimaadaan wax cusun, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; ‘‘Ardayda iyo macallimiinta dugsigani waa kuwo had iyo jeer ka fikira sidii ay wax cusub u samayn lahaayee, sidoo kale waxa uu ka hadlay qiimaha ay wadaniyadu leedahay isagoo sheegay in ay dadka masaarida ahi yihiin kuwo aad ugu adag wadaniyadda, isla markaana ay somalidu la mid tahay oo ay wadankooda naf iyo maalba u huraan, ha nicina wadankiina oo cadwga maanta ka foojignaada.’’
Waxa ugu dambayntii munaasibadaasi ka hadlay qaar ka mid ah ardayda iyo waalidiintii ka qayb gashay xaflada lagu xusayey qiimaha ay leedahay wadaniyaddu, wax sidoo kale halkaasi lagu soo bandhigay riwaayad aad u xiiso gelisay dadweynihii goobta isugu yimi, waxa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay gabayo iyo buraanburo muujinay qiimamaha ay wadaniyadu leedahay iyo sida loogu baahanyahay in loo ilaaliyo.
Jawiga munaasibadda ayaa ahaa mid ay qiiro ku lamaanayd oo dadkii ka soo qayb galay xasuusiyay marxaladihii kala duwanaa ee la soo maray iyo doorkii uu marxuun Faarax Oomaar ku lahaa halkankii gobanimo doonka, halgankii qadhaadhaa ee ay ardayda Faarax Oomaar la soo mareen dib u xorayntii dalka iyo doorkii ay ku lahaayeen halgankaasi.
Jamhuuriya Online




