Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Hay’adda PSI oo Wacyi-galin ka Bilowday Magaaladda Erigavo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Hay’adda PSI oo Wacyi-galin ka Bilowday Magaaladda Erigavo

Postby Siciid85 » Sat Apr 24, 2010 10:54 am

Friday, 23 April 2010 11:54
Hay’adda PSI oo Wacyi-galin ka Bilowday Magaaladda Ceerigaabo

Ceerigaabo (ceerigaabo.com) Hay’adda Population Services International (PSI) waxay ka mid tahay hormoodka hay’adaha aan macaash-doonka ahayn ee ka shaqeeya Suuq-geynta bulshada u danta ah (Social Marketing). Waxay ka shaqaysaa 65 dal oo ah kuwa soo koraya.

Hay’addu Waxay dalab u abuurtaa alaabta iyo adeega caafimaadka iyada oo isticmaalaysa hababka suuq-geyneed ee ganacsiga iyo ololeyaal hor leh oo lagula xidhiidhayo bulshada si loo dhiirigaliyo loona joogteeyo is-bedel ku yimaada hab-dhaqanka caafimaadka bulshada. PSI waxay la shaqaysaa ganacsiga gaarka loo leeyahay si kor loogu qaado helitaanka alaabadaas iyo adeeggaas; tiiyoo qiimuhuna yahay mid ay awoodi karaan dadka u nugul khataraha.

Hay’adda Caalamiga ah PSI oo Xafiiskeeda Dalku ku Yaalo Magaala Madaxda Jamhuuriyadda Somaliland Ee Hargaisa’ PSI Waxay ka shaqaysaa Goboladda Somaliland oo dhan’ Iyadoo Hadda xarun Cusub Ka furtay Magaala Madaxda Gobolka Sanaag Ee Ceerigaabo.



PSI Waqtigan Xaadirka Waxay Wacyi-galintan ka bilowda Magaaladda Ceerigaabo iyadoo gaadhi doonta degmooyinka iyo Tuulooyinka Sanag Gabi ahaanba’ Wacyi-galintu Waxay ku saabsan tahay Kiniinka Biyo layskaga Nadiifiyo ee (Chlorine-ta ) Magaciisa Istilaaxa Soomaaliga ahna loo yaqaano BIYO SIFEEYE.

Biyo Sifeeye Waa Kiniin Wax ku Ool ah ‘ Si fududna loo Isticmaali karo si loogu Daweeye Biyaha Cabitaanka Ee Qoyska. Biyo Sifeeye Waa in la Isticmaalaa Sanadka oo dhan’ Mar walbana loo adeegsadaa biyaha laga Helo Qasadaba’ Berkedaha’ Baliyada’ Ceesha’ iyo Biyaha roobka ee la kaydsado. Haddii aad Kiniinka Biyo Sifeeye Waxaad ka badbaadi kartaa Xaruunka Cushanka Ilaah Inaguma Keenee.

Biyo Sifeeye Waa Kiniin Waxtar u leh Caafimaadka Caruurta wuxuna Yareeyaa Fursada ay Caruurtu ku qaadi karaan Shubanka oo ay Unug yihiin. Qoyska Isticmaala Biyo Sifeeye wuxu noqdaa mid Caafimaadkiisu aad u wanaagsan yahay’ Caruurtiisuna ay Higsadaan Waxbarasho Wanaagsan iyo Koriinkooda oo Fiicnaada.

Hay’adda PSI waxay si toosa ula shaqaysaa goobaha Caafimaadka Waxaadna ka heli kartaa Kiniinka Biyo Sifeeye Pharmacy-yadda Magaaladda Ceerigaabo’ oo uu kuugu diyaar yahay. Wacyi-galinta PSI ka Bilow Magaaladan Ceerigaabo ayaa ah mid lagu barayo bulshada Isticmaalka Kiniinka Biyo Sifeeye’ Wacyi- galintan ayaa laga Samayaa Xarumaha Caafimaadka ee Kiniinka Biyo Sifeeye laga Heli karaayo ee Magaaladda Ceerigaabo.

Kiniinka Biyo Sifeeye Hal Xabo ayaad ku ridanaysaa Shirikaanka Labaatan Litir Qaadka ee badanaa biyaha lagu dhaansado’ Waxaadna Sugaysaa muddo dhan Sodon Daqiiqadood’ Taas macnaheedu waxa weeye intaa ka dib waa Isticmaali kartaa Biyahaagii waana Safaysan Yihiin .Haddii aad Rabto in Qoyskaagu Noqdo mid Caafimaad Qaba Maalin kasta iyo Markasta Istimaal Kiniinka BIYO SIFEEYE.

Cumar Siciid Nuur

Ceerigaabo.com

Ceerigaabo-Office Somaliland


http://ceerigaabo.com/index.php?option= ... &Itemid=62

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 20 guests