Gabay ku saabsan
Micnaha gabay haday Muxumadow murugo ii gayso
Oon tiro masaalgeeda galo miidha Sacad Muuse
Mustareexay sida suufigoo madad ku maanshooday
Manka reer Gadiid iyo Shirdoon madaxa Reer Yoonis
Axmad nuux magaalada Berbara laguma maagayne
Mayal tuugyadii Reer Saciid Miidha Reer Samatar
Iyagaa markii laysu mudhay ma'ada lay dhigay
Jibriilkaa masuubada noqday iyo mudh iyo waabayda
Milatariga labadii Bah Gobo ee Ciise maganaysay
Makaahiil dhamaan anaku waxaannu nahay mudane koon yaad
Maanshaale Reer Cismaan mahad ilaahay
Maalkaanu haynaa ka badan magane geedaha
Waxaan soo mushaaxaba badwayn maalka ma istaagay
Ma ninbaa muraad iga hayaa madaxa ii taagi.



