
Sida inta badan looga bartay hoogaamiyeyaasha qaaradda Afrika waxaa caado u ah sii jeclaysiga kursiga ah noqdo madexweyne ama hogaamiye xisbi mid kuu doonno. Sidaa darted waxaa ma dhacdo ah in uu nin hogaamiye Afrikaan ah kursiga ugu haneeyo muwaadiniinta kale uga da’da yar ee damaca siyaasadeed ku jiro.
Hase yeeshee waxaa fajaciso ku noqtay dad badan oo reer Somaliland ah dhawaaqii hadiyada ahaa ee ka soo yeedhay todobaadkan gudihiisa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ee uu ku sheegay in aanu isku soo sharaxayn doorashada Golaha Wakiilada xubinimadiisa iyo Guddoomiyenimada-ba, isla markaana tixgelin iyo jaanis siyaasadeed uu siinayo siyaasiyiinta kale ee damaca honguri uu kaga jiro in uu isku soo sharaxaan jagada Guddoomiyenimada Baarlamaanka iyo xubinadiisa-ba. Dhawaaqan ayaa ahaa mid ay si weyn u soo dhaweeyeen inta badan dadweynaha reer Somaliland, siyaasiyiin yar yar iyo kuwo waa weyn
Haddaba Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa isaga la odhan karaa waa siyaasi fahansan milgaha kursiga iyo mihiimada ay leedahay dimuqraadiyadu.
Guddoomiyaha oo ay wakhtigaas waraysi la yeelatay laanta af-ka somaliga ah ee idaacada BBC-da, ayaa la waydiiyey bal waxaa ka jira warar sheegaya in aanu doorashadda baarlamaanka isku soo sharaxayn marka uu dhamaado muddo sharciyeedka la soo doortay Golaha Wakiilada Somaliland ee uu Gudoomiyaha ka ahaa shantii sanno ee la soo dhaafay waxaanu arintaas kaga jawaabay “Sidaasi waa dhab waxaanan go’aansaday muddo xileenka la ii doortay Gudoomiyenimada Golaha Wakiilada Somaliland ka dib in aanan u ordin xubinimada Golaha iyo tan Gudoomiyenimada Golaha-ba, aniga oo fursad u siinaya muwaadiniinta kale ee reer Somaliland oo aan barigii hore fursad u helin oo aan filayo inay ku haboon yihiin kana buuxaan Golaha iyo dalka-ba”.
Gudoomiye Cirro ayaa isagu niyad sami leh uga jaawabay su’aal ahayd bal in uu doorashada dambe ee madextooyada hami siyaasiyadeed kaga jiro iskana soo sharaxayo xisbiga mucaaridka ah ee UCID oo uu ka mid yahay aasaasayaasha xisbiga, isla markaana doorashadii baarlamaanka uu ka soo baxay ayaa yidhi “Koley hamigaasi wuu igu jiraa in aan xilal kale u hanqal taago iyo in aan ku sii jiro siyaasadda, waanan jecelahay in aan ta madextooyada iyo ta xisbiga-ba ka qayb qaato, waxaanan la tartamayaa dad badan ee u jeedadu maaha in aan anigu iskaga fadhiisanayo
Haddaba waxaa la odhan karaa dhawaaqan ka soo yeedhay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, waa mid ku dayasho mudan, isla markaana jid siyaasadeed toosan ay u noqon doonto siyaasiyiin badan oo ku nool dalkeena iyo geeska Afrika.
Khaddar Ali Hussein [Khadar-shiine]
Oodweynenews.com



