Wararka hadda naga soo gaadhaya magaalada Widhwidh ee Gobolka Cayn ayaa waxa ay sheegayaan in Taliyaha Ciidamada [Dibu Xoraynta] ee aagga Hawdka Kaysi Cabdi Yuusuf iyo Ciidan uu horkayaa ku sugan yihiin magaalada Widhwidh, ka dib markii ay saaka halkaasi soo galeen malayshiyada Hargeysa iyo xubno horgalo u ahaa.
Shacabka magaalada Widhwidh ayaa kacdoon kala hor yimi isla markaana magaalada hareereeyey markii danbena ay ka baxeen malayshiyada Hargeysa, waxaana maanta galinkii danbe soo galay magaalada Widhwidh Ciidanka [Dibu Xoraynta] oo uu HOgaaminayo Kayse Cabdi Yuusuf.
Shacabka magaalada ayaa si diiran u soo dhaweeyey ciidanka [Dibu Xoraynta], malayshiyada Hargeysa ayaa lagu soo waramayaa in ay hadda ku sugan yihiin Dhinaca Dhabansaar.
Source: Horufadhi.com




