Page 1 of 1

XAFLADII 18 May- MAGAALADA TROLLHATTÄN EE DALKA SWEDEN

Posted: Fri May 21, 2010 7:05 am
by Siciid85
SWEDEN(OWN)- Xaflad aad u balaadhan oo lagu xusayey 18MAY ayaa lagu qabtay magaalada TROLLHÄTTAN ee dalka Sweden taas oo ay kasoo qeyb galeen dad aad u tiro badan oo Reer somaliland ah kuwaas oo isaga kala yimi magaalada xafladu ka dhacday ee Trollhättan iyo magaalooyinka u dhow-dhow, Xafladan oo si heer sare ah u dhacday ayaa waxaa soo abaabulay maamulka jahliyada Somaliland ee magaalda Trollhättan,


Xafladan oo si aad u sareysa looga soo shaqeeyey isla markaana aanay u kala hadhin dadka Reer somaliland ee degen magaaladan iyo nawaaxigeeda ayaa dadkii kasoo qeyb galay xafladaa wajiyadooda ay ka muuqatay farxad iyo damaashaad aad u balaadhan oo ay kusoo dhaweynayeen maalinta 18MAY ee 19 guuradii kasoo wareegtay lasoo noqoshadii xornimada somaliland,



Iyadoo dalka somaliland aan si rasmi ah looga xusin dabaaldega maalinta 18 MAY ayaa dadka degen magaalada TROLLHÄTTAN ay go,aan sadeen in ay qabtaan xuskaa iyagoo ku beegay xalay oo taariikhdu ahayd 18/05/2010, mas,uuliyiinta jahliyada somaliland iyo dadka shacabka ah ee Reer somaliland ee magaaladan iyo nawaaxigeeda ayaa ku adkaystay inay xafladaasi dhacdo iyadoo waliba ay ahayd maalin shaqo oo aanay dadku fasax ahayn, magaalooyinka kale ee dadku kayimaadeen waxaa ka mid ahaa Udduvalla & Vanshborg



Xafladan ayaa guud ahaan ku bilaabmatay jawi aad u wanaagsan iyadoo halkaa lagu furay Aayado quraan ah, isla markaana loo gudbay ciyaaro hidaha iyo dhaqanka iyo heeso ay dadku isku madadaalinayeen waxaana goobtaa ka heesayey fanaanka codka macaan ee Maxamed Xuseen (JEERI),

Waxaa xafladan ugu horeyn ka hadlay gudoomiyaha jahliyada somaliland ee magaalada Trollhattä ee dalka Sweden Mr. Maxamed Laangadhe isagoo gudoomiyuhu ugu horeyn u mahad naqay dadkii xafladaa kasoo qeyb galay isla markaana hambalyo u diray shacabka reer somaliland munaasibada xuska 18 MAY, Gudoomihaya ayaa dalka iyo dadka somaalilandba u jareeyey guul iyo horumar, Waxaa kaloo isna halkaa ka hadlay Mr. Keyse Caydiid oo ka mida mas,uuliyiinta jahliyada magaalada Trollhattän isagoo keyse ahaa ninkii dadaalka weyn u soo galay sidii xafladaasi u qabsoomi lahayd, Keyse Caydiid ayaa isaguna hambalyo u diray shacabka reer somaliland isagoo u rajeeyey in ilaahay gaadhsiiyo hurumar balaadhan, Waxaa kamid ahaa dadkii halkaa ka hadlay Mujaahid, Feysal Axmed Saleebaan (Abaadir) oo isaguna hambalyo balaadhan u diray shacbiga somaliland xuska maalinta 18 MAY, ugu danbeyntii waxaa halkaa ka hadlay Mr, Cawil Goox oo si weyn oo mug leh uga waramay taariikhda uu soo maray dalka somaliland ilaa xiligii ingiriiskii iyadoo Cawil goox uu isaguna u hambalyeeyey dadka reer soomaaliland dabaaldega iyo xuska maalinta xoroyada ee 18 MAY,



Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

The Future young generation of somalilanders carrying the torch. :sland: 8-)
Image