Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somaliland 18 may party Uganda

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30836
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Somaliland 18 may party Uganda

Postby Khalid Ali » Tue May 25, 2010 8:11 am

Xuska sanadguuradii 19aad ee la soo noqoshada xoriyada Somaliland oo ka dhacay wadanka Uganda



SDWO (Uganda 20/05/2010) Waxa maalintii salaasada, habeenimadii arbacadu soo galaysay oo ku beegnayd 18 may, 2010, ka dhacday wadanka Uganda, xaflad aad u balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, laguna xusasay sanadguuradii sagaal iyo tobnaad ee ka soo wareegtay maalintii Guurtida, Sallaadiinta, Siyaasiyiinta, aqoonyahanka, haweenka iyo dhalinyarada reer Somaliland ay go’aamiyeen in xoriyadii halowday ee lixdankii tubta qaloocan qaaday dib loo soo celiyo.

Image

Xafladan oo ka dhacday Hotelka caalamiga ah ee Hotel International ee ku yaala xaafalada Muyenga, waxa ka soo qayb galay marti sharaf aad u fara badan oo gaadhayay 600 oo qof, oo uu u horeeyo wakiilka Somaliland ee Uganda Mr Abdillahi Guhaad, iyo Yuusuf Maxamed Cariish oo ahaan jiray guddoomiyahii hore commission Diwaangalinta qaranka ee gobolka togdheer iyo Ahmed Muse oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo ganacsi ku leh magaalada Kampala iyo dibloomaasiyiin ka socota safaarada ku yaala Uganda qaarkood, waxa kale oo isna goob jog ahaa madaxa la dagaalanka argagixisada wadanka Uganda


Image


Image

Waxa isaguna madasha ka hadlay guddoomiyaha ardayda reer Somaliland ee wax ka barata wadanka UgandaMr Siciid Maxamed X Cismaan oo Hambalyo u diray dhamaan shacbi waynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, guddoomiyuhu waxa uu u mahadceliyay ardaydii u tafaxaydatay qabanqaabada xaflada iyo dhamaan cid kasta oo qayb ka ahayd. Guddoomiyaha ardaydu waxa uu hadalka ku soo dhaweeyay wakiilka Somaliland ee Uganda Mr Abdillahi Guhaad. Mudane cabdillahi waxa uu ku dheeraaday xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya wadamada Uganda iyo Somaliland, isaga oo ku bogaadiyay dhamaan jaaliyada Somaliland ee wadanka Uganda inay ka qayb qaataan ilaalinta nabadgalyada iyo horumarka wadanka Uganda, maadama Uganda ay soo dhawayn badan u fidiso dadka somalida ah guud ahaan gaar ahaan Somaliland. Wakiilku wuxuu u mahadceliyay ardayda reer Somaliland ee wax kabarta jamacadaha wadanka Uganda, oo uu ku amaanay sida fiican ee ay xaflada u soo agaasimeen.



Image



Xafladan oo aad u balaadhnayd waxa lagu soo bandhigay Film Documentary ah oo ka sheekaynaya taariikhda Somaliland min bilow ilaa dhamaad, kaas oo dadwaynihii xaflada ka soo qayb galay ay si wacan ula dhaceen, waxa kale oo xaflada lagu soo bandhigay muuqaalo muujinaya magaalooyinka waawayn ee Somaliland iyo horumarka ay ku talaabsatay Somaliland dhinacyada waxbarashada , xidhiidhka diblomasiyadeed ee Somaliland la leedahay wadamada dibadda iyo waliba dhinaca ganacsiga iyo amaanka, taas oo dadwaynihii goobta joogay ku beertay shucuur waddaninimo iyo qiiro balaadhan. Ugu dambayn waxay ardaydu ay soo bandhigeen riwaayad ka turjumaysa qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland oo martidii xaflada ka soo qayb gashay aad u soo jiidatay. Waxa kale iyaguna halkaasi ka hadalay Maxamed Muuse, Jamaal iyo Cabdrisaq Karaani oo dhamaantod kamid ah Ardayda reer Somaliland ee waxa ka barata Uganada


Image

Xafladan waxa soo qaban qabiyay koox arday ah oo mudo dheer ku jiray suurta galinta xaflada Gudidaas oo kala ah;-

Image

Image

Image

Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: kaliil and 14 guests