Wefti Balaaran oo ka Socda Hogaanka Isimada Gobolada SSCayn oo Saaka u Baxay Dhinaca Ethiopia.......
Buuhoodle February 12, 2008
Weftigan isimada ah ee ka socda Dhulka SSCayn ayaa saaka safar ugu kicitimada Dhinaca Dalka Ethiopia gaar ahaa Gobolka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia,Isimadan oo ay Weheliyaan Cuqaal ka socda isla Gobolada SSCayn ayaa saaka aad looga hadal hayaa Safarkooda Deg.Buuhoodle e Gobolka Cayn
Isimo iyo Cuqaal ka soo jeeda Dhulka Sool,Sanaag iyo Cayn ayaa saaka Safar ugu kicitimay Gobolka Ismaamulka Soomaalida Dalka Ethiopia,Isimadan iyo Cuqaashan ayaa la sheegayaa in ay casuumad ka heleen Dawlada Ismaamulka Soomaalida Dalka Ethiopia,ma jirto cid Shaacisay sababaha ay xiligan uga heleen Casuumada madaxda Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
Dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia iyo Gobolada SSCayn ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo qota dheer ,iyada oo Madaxda Maamulka Somalida Ethiopiana ay safaro ku yimaadaan Dhulka SSCayn isla markaasina kulamo la qaataan Madaxda Dhaqanka ,wax-garadka iyo Siyaasiinta Dhulka SSCayn.
Ma jiro war cadaynaya in safarka Isimada iyo Cuqaasha SSCayn ku aadeen Dhulka Ismaamulka Soomaalida Ethiopia in ay uga sii gudbi Doonaan dhinac Caasimada Ethiopia iyo dawlada Dhexe ee Federaalka Ethiopia,Waxaase dadku saadaalinayaan in aanu safarka Isimada iyo Cuqaashu ku ekaan doonin Dawlada Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo keliya ee laga yaabo in ay hore ugu sii gudbaan Dawlada Dhexe ee Federaalka Ethiopia.
Cabdulaahi Yare
Xargaga Online
Buuhoodle-Cayn
----------------------------
---------------------------------------
Wafti issimo Ah Oo Ay Hogaaminyaan Garaad Jaamac iyo Garaad C\laahi Garaad Soofe Oo U Kacay Gobolka Wardheer Ee Itoobiya
Waxaa ka anbabaxay Gobolladda SSC Wafti balaadhan oo ay hogaaminayaan İssimadda Kala ah Garaad Jaamac ,Garaad C\laahi Garaad Soofe, Boqor C\laahi, Suldaan Siciid İyo Garaad Saleebaan Buraale ,waftigan oo ka helay Casuumad dawladda İtoobiya ayaa waxaa lagu wadaa in ay kawdaa hadlaan arrimaha nabad galyada.
Ergooyinka ay hogaaminyaan issimadani ayaa waxa ay gaadhayaan 100 xubnood waxaana ay halkaasi kula kulmi doonaan magaalada Qaloocan ee gobolka wardheer mas,uuliyiinta dawladda ee itoobiya ee deegaankaasi.
Xubno ku dhaw dhaw İssimada ayaa waxa ay sheegeen in ay odayaashu doonayaan in İtoobiya ay aad isu soo waraystaan gaar ahaan arrimaha nabad galyada oo aanay noqon dadka deegaanka iyo dawlada İtoobiya kuwo had iyo jeer warar qaldan loo kala qaado.
waxyaalaha kale ee ay odayaashu kala hadlayaan mas,uuliyiinta itoobiya ayaa lagu sheegay sidii wax looga qaban lahaa deeganada ay degaan qabaa,ilka *********** ee ku jira gudaha ismaamulka Soomaalida itoobiya sidii loo xoojin lhaa nabad galyada, dawladda itoobiya ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey waday horumar dhinaca arrimaha bulshada oo ay ka qabanaysa deegaanka Marqaan weyne , halkaas oo ay ka qoday ceel biyo laga helay, waxa kale oo dhawaan xadhiga laga jaray dugsi hoose dhexe.
Boocame Online News
Boocame@hotmaill.com
-----------------------------------------
-------------------------------
Itoobiya Oo M/weyne Gen. Cadde Ku Amartay Inuusan Isu Soo Sharaxin Puntland Mark
(Addis Ababa}10.2-8
"Wada hadalo Addis Ababa uga socday Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse iyo Saraakiil sare oo Itoobiyaana ayaa la soo weriyay inay qarka u saran yihiin kala tag ka kadib markii ay isku fahmi waayeen hindisayaal la xidhiidhay inuu baneeyo kursiga Madaxtooyada Puntland .
Saraakiisha sare ee Itoobiya ayaa Cadde Muusse u sheegay inay Puntland halis ku tahay amaanka Itoobiya iyagoo si gaara u xusay in hub ay dagaalyahanada Jabhada ********iya kala degaan Dekadda Boosaaso lagu weeraro Itoobiya.
Sarkaal sare oo ka tirsan Saraakiisha la kulmay Madaxweyne Cadde ayaa warbixin uu siiyay Waaxda arrimaha dibada ee Itoobiya wuxuu ku sheegay inay Cadde Muusse isku fahmi waayeen wada hadaladii ay la yeesheen uuna ka biyo diiday hindisahii la xidhiidhay inuusan mar kale isu sharaxin hogaanka Puntland.
Madaxweyne Cadde Muusse ayaa Saraakiisha Madaxtooyadiisa qaar ka tirsan u sheegay inay Itoobiya ay ku qasbayso inuu wareejiyo Puntland taasna ay muhiim tahay inay la socdaan.
wada hadalada labad dhinac ayaa u muuqdo kuwa fashil qarka u saran hadii uusan madaxweyne yuusuf ku guuleeysan Xalinta khilaafka u dhaxeeya.
Widhwidh Online News Desk..Media Center



