u dirtay Widh-Widh iyo Buuhoodle
Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee soomaaliyeed ayaa sheegtay inay ciidamo amniga sugaya ay udirtay gobolka Cayn ee Puntland si ay uga qeybqaataan joojinta xiisado halkaas dhawaan ka dhacya,waxayna xukuumadu sheegtay in ciidankani aysan wax dagaal ah ka qeybqaadan doonin balse ay xasiloonidii halkaas soo celin doonaan.
Wasiiru-dawlaha Amaanka ee madaxtooyada Puntland ayaa sheegey in Ciidankaasi ay ku bexeen halka ay colaadu ka dhacday,waxaana uu intaas ku daray in lakala dhexdhigi doono dhinacyadii halkaas ku dagaalamay,isla markaasna ay iyagu la wareegi doonaan amaanka degmooyinka Buuhoodle & Widhwidh oo uu sheegey inay imika kacsanaani ka jirto.
"Halkaas dhibaato ayaa ka dhacday dhawaan,xukuuamda Puntand waa ay ka xuntahay oo labada dhinac ee dagaalamayba fariin amaanka in la'adkeeyo ah bay u dirtay,hadase amaanku waa caadi,waxaanuna dirnay ciidan intooda badani ay Buuhoodle tagayaan,waxayna ka qeybqaadan doonaan xoojinta amanka & in aysan dhibaato danbe dhicin"Ayuu yiri Wasiiru-dawlaha amaanka ee Madaxtooyad Puntland.
Hadalka Wasiirkan oo aanan si rasmi ah loo shaacin ayaa noqonaya midkii ugu horaysay oo ay xukuumadu si toos ah u shaaciso inay qorsheysay ciidan ka shaqeynaya Amaanka deegaano katirsan Gobolka Cayn isla markaasna ay ku amartay inay halkaas tagaan si ay xasiloonidii lagu yaqaanay usoo celiyaan,waxaa halkaas dhawaan garay Wasiiro & Xildhibaano kasocda dawlada Puntland.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland



