Postby Siciid85 » Thu May 27, 2010 7:24 am
Hargeysa (Waaheen) 27 May 1988 oo ay maanta ku beegntahay 22 guuradeedii, waxay ahayd maalin xusuus gaar ah u leh guud ahaan dadka Reer-Somaliland, gaar ahaanna dadka Reer-Burco, waayo maalintaasi waxay ahayd maalin uu si lama filaan ah dagaal culusi uga qarxay gudaha magaalada Burco, ka dib markii ay cutubyo ka tirsan ciimadii dagaalyahanka ururka SNM ee mudada tobanka sannadood gaadhaysa halganka hubaysan kula jiray dawladdii Siyaad Ba rre salaad hore guluf milateri ku soo galeen xarunta gobolka Togdheer ee Burco, halkaas oo ay dagaal faraha lagaga gubtay foodda isku dareen ciimadii taliskii Siyaad Barre ee Burco fadhiyey iyo cutubyadii SNM,waxayna taasi keentay jawi Siyaasadeed cusub iyo xaalado milateri oo hor leh oo ka aloos-may mandaqadda bariga Afrika, gaar ahaan labadii dawladood ee Itoobiya iyo Somaliya.
Sidoo kale saddex maal-mood ka dib oo ahayd 31-kii may 1988, waxay cutubyo kale oo ciimadii SNM ahi weeraro milateri oo kaa la mid ah ku soo qaadeen gudaha magaalada Hargaysa iyo jiido kale.
Weeraradaa milateri ee ay xoogaggii ururka SNM ku soo galeen gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland waxay, ahaayeen kuwo miidaamo ah, waxayna taasi ka dambaysay markii ay labadii dawladood ee ka kala talin-jiray dalalkii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed iyo Itoobiya ay isla gaadheen heshiis dhigaya inay qolo waliba dhinaceeda joojiso taageeradii ay siin jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray, iyadoo dawladdii Siyaad Barre taageeri jirtay jabhadii Ereteriya, halka ay dawladdii Mingistu Haile Mariam-na taageeri jirtay jabhadihii dagaalka hubaysan kula jiray taliskii Siyaad Barre sida: SNM iyo SSDF, waxaana waxyaalihii ay labada talis ku heshiiyeen ka mid ahaa in ciimadii SNM laga soo raro jiidaha hore ee dagaalka ,islamarkaana uu ururka SNM joojiyo hawl-galadii milateri ee uu ku hayey dawladdii Siyaad Barre. Sidaa darteed heshiiskasi waxa uu ururka SNM soo taagay marxalad aad u adag iyo mawqif xaraj ah, taas oo ay arintoodu noqotay “kala dooro laba daran”, waxayna taasi keentay inuu ururka SNM qaato mawqif xaraj ah, taas oo uu hogaankii ururka SNM go’aansaday wax lama filaan ah oo aad uga duwan wixii ay labada dawladood ku heshiiyeen, waxayna SNM talo ku gaadhay inay ciidamadeedu madax-madax isugu tuuraan gudaha, iyaga oo bartilmaameed ka dhiganaya saldhigyadii waaweynaa ee ciimadii qaybtii 26aad ee taliskii Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa goboladii waqooyi ee Jamhuuriyaddii Somaliya.
Sidaa awgeed waxay ciidamadii dagaalyahanka SNM gulufkoodii u horeeyay ku galeen magaalada Burco, subaxdaasina waxay guud ahaan dadkii ku dhaqnaa goboladii waqooyi (Somaliland), gaar ahaan dadkii reer-Burco, talisyadii Mingistu iyo Siyaad Barre, mandaqadda iyo guud ahaan dunida ku noqotay amakaag iyo qaadan-waa.
Ciidankii SNM ee Burco galay waxa uu xaddigiisu ahaa tiro aan ka badnayn ilaa 1200 oo dagaalyahan, taasina waxay ahayd tiro aad uga yar cududii milateri ee gaaskii ciimadii taliskii Siyad Barre ee fadhiyey jiidaha gobolka Togdheer iyo xarunta gobolkaa ee Burco,ee gaaskii Qaybdiid la odhan jiray, laakiin iswaydiintu waxay tahay maxaa dhacay, maxaase ururka SNM ku kelifay weerarkaa is miidaaminta ah.
Ciidamadii SNM ee Burco galay waxa uu ahaa taliyahoodii u sareeyay Muj: Axmed Mire Maxamed, iyadoo ay talayayaashii ku xigayna kala ahaayeen labada Marxuum: Aadan Saleebaan iyo Xuseen Axmed (Xuseen kharash-yare).
Muj. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa hogaamiyayaashii sar-sare ururka SNM, gaar ahaan garabkii milateri, gaar ahaanna waqtigaa ka mid ahaa guddigii dagaalka ee loo xil saaray hawl-galkaa, madaxna ka ahaa saldhigii Itoobiya ee ay ka soo dhaqaaqeen ciimadii Burco galay.
oo arintaa ka waramay ayaa yidhi
“Waxyaalihii ay dawladihii Mingistu iyo Siyaad Barre ku heshiiyeen waxa ka mid ahaa inay ciimada SNM dib uga kacaan jiidaha hore ee dagaalka oo ay dib ugu guuraan gudaha Itoobiya, taasna waxay SNM u aragtay inuu dhabar-jab ku yahay halgankii ururka SNM”ayuu yidhi Maxamed Kaahin, wuxuuna intaa ku daray “ waqtigaa ururka SNM labo mid ayey isu soo taagtay inuu halgankii ururka SNM halkaa ku baaba’o iyo inuu go’aan adag qaato oo uu halgankii sii socdo, sidaa darteed hogaankkii ururka sida: Gudoomiyihii, guddigii fulinta ,golihiii dhexe, talisyadii ciidamada , waxgaradkii iyo waayeelkii ururku wada tashi ballaadhan ka dib waxa la go’aansaday in hawlagal ballaadhan oo milateri lagu galo gudaha”.
Muj: Maxamed Kaahim isaga oo ka waramaya xaaladii Ciidan ee ururka SNM iyo sidii wax loo qorsheeyey iyo sidii ay ahayd isu dhiganka cududda labadii Ciidan ee SNM iyo ciimadii Siyaad Barre ee ay is-waajahayeen, waxa uu yidhi “ Ciidankii SNM labo qaybood baa loo qaybiyey oo kala ahaa aagga galbeed iyo aagga bari oo la kala odhan jiray MAKA iyo MADIINA, iyadoo ay ciimadii SNM ee weeraray aagga Cadaadley oo uu hogaaminayey Muj: Xuseen dheere ay ciidamo laga soo dheegay labada qaybood, intaa waxa dheeraa taliskii ciidamada SNM, ciidankii Burco galay ee SNM-na waxay tiradiisu ahayd ilaa 1200 oo nin iyo midhadh ,waxayna wateen labo qori oo jiibab ah, labo qori oo suugag ah, 6 qori oo siikow ah ,islamarkaana ciidanka umaanu hayn wax taakulo ah oo xataa baabuurtii ay wateen qaar baa shidaalku ka go’ay markii ay magaalada soo galeen, halka uu ciidankii gaaska 3aad eeSiyaad Barre ee Burco fadhiyey ay ka koobnaayeen 4guuto oo ciidanka dhulka ah, guuto taangiyo ah, laba guuto oo madaafiicda goobta ah, urur PM. Ah , laakiin anaga waxa PM iyo tangiyo u ahaa tayo iyo moral, waxaanuna hawlgalkaa ku gaadhay guul weyn oo milateri iyo mid Siyaasadeed-ba waayo khasaare kasta oo na gaadhay waxa ka weynaa khasaarihii gaadhay ciimadii taliskii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre”.
Muj. Maxamed Kaahin, isaga oo tilmaamaya sidii ay xaaladda ururka SNM u ekayd maalmihii la qaadanayey go’aanka is-miidaaminta ah waxa uu yidhi “Runtii xaalad adag iyo go’aan adag ayey ahayd, laakiin waqtigaa ururka SNM wuu u bislaa inuu qato go’aamo ad-adag siyaasiyan iyo milateri ahaan-ba, waayo waxaanu soo maray marxalado ad-adag oo hore”.
Last edited by
Siciid85 on Thu May 27, 2010 7:29 am, edited 1 time in total.