Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dhallinyaro iyo madax dhaqameedyo ku biiray xisbiga UDUB

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Contact:

Dhallinyaro iyo madax dhaqameedyo ku biiray xisbiga UDUB

Postby Bohol iyo karaman » Sun May 30, 2010 7:33 pm

Ceerigaabo: Dhallinyaro iyo madax dhaqameedyo ku biiray xisbiga UDUB
Written by C/laahi Xuseen Darwiish
May 30, 2010 at 02:16 PM
Ceerigaabo=Dhallinyarada Dangarad Oo Wata Madax-dhaqameedkooda Waayeelkooda iyo Waxgaradkooda kaleba Oo Ku Biiray Udub



Ceerigaabo(Qarannews) Xarunta guud xisbiga Udub ee magaalada Ceerigaabo ayaa kulan ballaadhan oo galabta lagu qabtay waxa Urur-weynaha Dhallinyrada Dngarad ee Ceerigabo caddeeyeen mawqifkooda siyaasadeed iyo taageeradoodaba in ay si buuxda kula soo biireen oo la bar-bar taagan yihiin Xisbig Udub. Taasoo sida dhallinyaradaasi halkaas ka caddeeyeen ah mid ka dhalatay talo midaysan oo iyaga iyo madax-dhaqameedkooda waayeelkooda waxgaradkooda iyo aqoonyahankooduba ay si buuxda isula qaateen.



"Annagu urur ahaan waxannu nahay kuwii doortay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo manta maammulkiisu gaadhsiisan yahay dhammaan gudaha iyo xuduudaha Somaliland haseyeeshee muddadaas kaddib siyaasadda waannu ka madax bannaanayn". Sidaas waxa hadalkiisa ku bilaabay guddoomiyaha urur-weynaha Dangarad Shabcaan C/raxmaan Jaamac. Isgoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi

"Annagoo la tashannay mdax-dhaqameedkayaga waayeelkayaga waxgaradkayaga iyo aqoonyahankayagaba waxannu manta halkan ka caddaynaynaa in aannu si buuxda kalsoonidayada codkayaga iyo taageeradayadaba kula soo biirnay xisbiga talada haya ee Udub. Waxannuna mahdda ugu ballaadhan halkan ug soo jeedinaynaa Maayorka Ceerigaabo Md-Ismaaciil Xaaji Nuur oo in bdan hawshn iyo hawlahaygii horeba si weyn noogala qayb qaatay".



Jaamac Ismaaciil Muuse oo ah Ch-Caaqilka Beelaha Muuse Ismaaciil oo isaguna fagaarahaas ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa

"Dhallinyarada iyo dhammaan dadka maanta halkan fadhiya oo ah cidina uma maqna ceelna uma qodna aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa hawshan idinkoo nala tashaday aad isku duubnida mawqifkiinna halkan uga caddayseen". Isagoo Ch-caaqilku xukuumadda iyo xisbiga Udub la hdlayana wuxu yidhi



"Xukuumadda iyo Xisbul-xaakimka Udub waxan leeyahay manta waxannu marayna halkii ugu danbaysey waayo halkani (C/gaabo) dalka intiisa kale waa ka go'doonsan tahay Wasiir malihin Agaasimayaal guud ma lihin Waddo ma lihin Deked ma lihin halka berigii hore ninka xoolo lala rabo naloo soo beddeli jirey waxannu maraynaa in aannu baryo ugu jirno lacagta cas-cas ee Boosaso iyo dekedda Puntland markaa arrimahaas waxan leeyahay wax ha laga qabto Dhallinyaradanina waa is caddeeyeene Udub iyo xukuumadduna ha is caddeeyeen xilliganna xaaladdu waxay maraysaa (Ama maanta deyn baxay oo Dalawo geel ka iibsadey Ama daalac layraac oo Beeyoba dib uma gurin".

Xubnaha Udub heer gobol iyo degmoba ee iyaguna fagaarahaas ka hadlay ayaa dhinacooda si buuxda usoo dhoweeyey Urur-weynahan Dangarad ee madax-dhaqameedkiisa iyo waayeelkiisa iyo waxgaradkiisa iyo aqoonyahankiisuba weheliyaan kuna soo biiray xisbigan Udub.



Dhinaca kalena arrintani ma aha urur dhallinyaro oo keliya balse waa mid ay ku idil yihiin dhallinyarada dhamaan beelaha H/Yoonis-bari ee Ceerigaabo islamarkaasna leh guddi dhisan oo arrimahooda ka talisa kuna tiirsan cuqaasha guurtida waxgaradkooda aqoonyahankooda iyo weliba Maayorka degmada Ceerigaabo taasi darteedna waxa la odhan karaa waa dhallinyaro xagga talada tayada iyo waxqabadka toonna aan lahayn wax gol-daloolo ah laguna meel mari karo go'aan kasta iyo talada ay isla qaateen.

http://www.qarannews.com/index.php?opti ... &Itemid=62

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 29 guests