M/Weyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Olalaha Taageero Raadiska Xisbigiisa Ka Bilaabay Beeshiisa
Hargeysa (HWN)- Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ahna murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UDUB ayaa olalaha doorashada Madaxtooyada ka bilaabay beeshiisa waxaanu ka qeyb galay shir balaadhan oo lagu qabtay Magaalada Dacar-budhuq ee Degmada Laas-geel ee gobolka Saaxil, oo ay ka qeyb galeen Salaadiin,cuqaal iyo Wasiiro.
Shirkaasi oo lagu tilmaamay mid aayo ka tashi ah oo beeshiisu kaga arrinsanayso mowqifkooda la xidhiidha doorashada fooda inagu soo haysa. Madaxweyne Ku Xigeenka oo shirkaasi hadal ka soo jeediyay ayaa u mahad celiyay cuqaashii iyo waxgaradkii soo agaasimay waxaanu sheegay inay u muujiyeen taageerada balaadhan ee ay u hayaan xisbiga UDUB oo uu uga mahad celiyay.
Md. Axmed Yuusuf Yaasiin wuxuu dadweynaha gobolka Saaxil ka dalbaday inay codkooda siiyaan xisbiga uu Jagada Madaxweyne Ku Xigeenka uga sharaxan yahay ee UDUB.
Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Xanaanada Xoolaha Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Gadhweyne) iyo Dr. Idiris Ibraahim Cabdi, oo Madaxweyne Ku Xigeenka ka hor ka hadlay shirkaasi ayaa ergadii kulankaasi ka qeyb galay u soo jeediyay inay beeshoodu si buuxda u taageeraan xisbiga UDUB oo Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenku ka soo jeedo deegaankooda.
Shirkan oo socon doona muddo laba cisho ah waxa maalinta barri ah waxa maanta la magacaabay Guddi dhawr iyo labaatan xubnood ka kooban oo Bayaan ka soo saarta maalinta barri go’aamada ka soo baxay shirkan, oo lagu wado in si buuxda ay u taageeraan xisbiga UDUB, sida uu sheegay Chief Caaqil- Axmed Caaqil yare.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland galabta ayuu dib ugu soo laabtay caasimada Hargeysa.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Hadhwanaag News/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com



