Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby LiQaaye_TDH » Tue Jun 01, 2010 8:11 am

Image
Image


Suldaan Cabdi Cawaale oo ah Suldaanka Beesha Ugadh-Cumar ee Habar-yoonis, oo horkacaya boqolaal qof oo beeshiisa ah, isla markaana isugu jira Cheif Caaqillo, Caaqillo, Culima-awdiin, Duqay, Wax-garad, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween, ayaa sheegay in beeshu shirar muddo ay lahaayeen ka dib, la go'aansaday inay taageeradooda isla garab-taagaan Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ka dib markii ay quus iska soo taageen Xukuumadda Xisbiga UDUB oo ay hore u taageereen.
news: DSC06932.JPG

Suldaan Cabdi Cawaale iyo Beeshiisu waxay maanta shir ballaadhan oo warbaahinta lagu soo macsuumay ku qabteen Huteel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku shaaciyeen mawqifkooda ku waajahan cidda ay beeshu taageerayso doorashada Madaxtooyada. waxaanay sheegeen inay isla gaadheen in hiil iyo hooba laysla garab-taago Xisbiga KULMIYE. Suldaan Cabdi Cawaale, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; "Waxaan idinku raacay oo idiin go'aamiyey go'aanka geesinnimada leh ee aad beel ahaan gaadheen oo ah in la taageero Xisbiga KULMIYE. Annagu madaxdiinnii ayaanu nahay, waxaannu madaxda idiinku nahay inaannu hadba baahidiinna ka turjunno, horseedna idiinku noqonno meesha mustaqbalkiinnu ku jiro. Sidaa daraadeed, haddii ay beeshu dan u aragtay KULMIYE waannu idinku raacnay oo annagu Xisbi idinkaga hadhi mayno. Waxaana loo baahanyahay inaynu is-beddal dhab ah muujinno, oo wax la qabsanno Somaliland."
news: DSC06935.JPG

"Waxaan u soo jeedinayaa Beelaha kale ee Habar-yoonis inay sidan Beesha Ugaadh Cumar oo kale is-beddal muujiyaan, oo waxaan leeyahay is-beddalku mid kalidiin dani ugu jirto maaha ee danta reer Somaliland oo dhan ayaa is-beddalka ku jirta, Sidaa daraadeed, waxaan Habar-yoonis leeyahay oo aan ugu baaqayaa waar aan dooranno Xisbiga KULMIYE, oo ka aan KULMIYE cod siinahaynoow UCID sii..." sidaa ayuu yidhi Suldaan Cabdi Cawaale, waxaanu si weyn ugu mahadceliyey xubnaha kala duwan ee beesha ka socday ee shirkaas ka soo qaybgalay, isaga oo ku amaanay mawqifkooda ay Xisbiga KULMIYE ugu guureen, kuna taageereen.
news: DSC06938.JPG

Sidoo kale, waxa isaguna halkaa ka hadlay Cheif Caaqil Cabdi Cali Nuur, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; "Markaannu aragnay in Xisbigii UDUB ee xukuumaddiisu 8-da sano dalka ka talinaysay oo wax alla waxay u qabteen Beesha ugaadh Cumar aanu jirin, waxaannu go'aansannay inaannu Xisbigaas Xukuumaddiisu sii socoto ka guurno oo u guurno, waxna la qabsanno dawladda soo socota ee KULMIYE, oo aannnu taageerno Xisbiga KULMIYE doorashada. waayo? dawladda Madaxweyne Rayaale qalda-wale kuma lihin..."

Guddoomiyaha Beesha Ugaadh-Cumar Cismaan Maxamed, oo shirkaa maanta ka hadlay ayaa sheegay inuu afartii bilood ee ugu dambeeyey kormeer ku marayay deegaannada beeshu degto, isla markaana ay go'aan beeshu ku soo gaadhay inay Xisbiga KULMIYE taageerto, ka dib markii ay fara madhan iska soo taageen Xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo Xisbiga UDUB. Sidoo kale, xubno kale oo dhawr ah oo beesha Ugaadh-Cumar ah, ayaa iyaguna shirkaas ka hadlay, kuwaasoo muujiyey inay beesha inteeda badani ka midaysan-tahay mawqifka ah inay sannadkan Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE taageeraan.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), oo ka mid ah Mudanayaasha laga soo doortay Deegaanka Oodweyne, kuna jira Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE ka soo baxay, oo shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu arko Beesha Ugaadh-Cumar oo KULMIYE taageeraysa, isaga oo xusay in KULMIE muddo badan dhawrayay taageerada beeshaas. Waxaanu xusay wixii ay beeshu Xukuumadda UDUB ka wayday inay ka heli doonaan KULMIYE haddii uu doorashada soo socota ku guulaysto talada dalka.

"Waxaannu Aniga iyo Xisbiga KULMIYE, ku dedaali doonnaa sidii Beeshu u heli lahayd xaqa Miisaanka ay leedahay, hadday shaqo tahay, hadday horumarin tahay iyo haddii kaleba. Idinkana beel ahaad aad baannu idiinku kalsoonnahay, KULMIYE wuu ogyahay Culayska beeshu leedahay, wuu ogyahay tirada beesha, wuu ogyahay tayada, wuu ogyahay deegaanka ay dagto, milkaha ay beeshu leedahayna waa uu ogyahay, marnabana ma halmaami doono, idinkana waxaannu idiinka baahannay taageeradaa aad nala garab-istaagteen inaad sii laban-laabtaan oo Xisbiga KULMIE codkiinna siisaan maalinta codaynta doorashada madaxtooyada ee 26-ka bishan Juun." Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby ToughGong » Tue Jun 01, 2010 8:30 am

A tidal wave comes to mind LiQaaye_TDHaw.Everyday Udub supports are leaving in droves
This man time is definitly nigh.KULMIYE :up: :sland:

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby hargaysaay » Tue Jun 01, 2010 8:31 am

who are ugaadh cumar

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Contact:

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby Bohol iyo karaman » Tue Jun 01, 2010 8:52 am

Do you hear what ba dhulbahante guy says?

Nimanyohow ugaadh cumar hadaan inaanta lay keeniin, Aqalaa doonimaayee hadan laylaa soo gaadhiin walee in aan abaahiyii iyado awrta celinaysa

waxan ka baqayaa in reer kulmiye wadnuhu iswadaa taago markaa natijada doorashadaa lagu dhawaaqo"maxay lacag qasaareeyeen, maxa lacag lagaa cunay"

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby LiQaaye_TDH » Tue Jun 01, 2010 9:10 am

Do you hear what ba dhulbahante guy says?

Nimanyohow ugaadh cumar hadaan inaanta lay keeniin, Aqalaa doonimaayee hadan laylaa soo gaadhiin walee in aan abaahiyii iyado awrta celinaysa

waxan ka baqayaa in reer kulmiye wadnuhu iswadaa taago markaa natijada doorashadaa lagu dhawaaqo"maxay lacag qasaareeyeen, maxa lacag lagaa cunay"
Warya Mr Huda Barkhads Bodyguard .... Adiga iyo inta Kula Mida waxaan Ku Ridayna Dooxa Hargeisa!

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby LiQaaye_TDH » Tue Jun 01, 2010 9:11 am

A tidal wave comes to mind LiQaaye_TDHaw.Everyday Udub supports are leaving in droves
This man time is definitly nigh.KULMIYE :up: :sland:
Every dog has his Day an Today its our Day :mrgreen: KULMIye ALL the WAY :sland: :up:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby Siciid85 » Tue Jun 01, 2010 9:21 am

Good for them although since was Ugaadh Omar reer hargeysa?.

User avatar
ToughGong
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15321
Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
Location: No Justice Just Us

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby ToughGong » Tue Jun 01, 2010 9:23 am

^
Definitly bro,although I don't agree with the dog analogy :lol: :lol:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby Siciid85 » Tue Jun 01, 2010 9:25 am

who are ugaadh cumar


They are the brothers of Adan Omar and Kalil Omar of the Cumar Abdalle family.

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby Siciid85 » Tue Jun 01, 2010 9:28 am

Do you hear what ba dhulbahante guy says?

Nimanyohow ugaadh cumar hadaan inaanta lay keeniin, Aqalaa doonimaayee hadan laylaa soo gaadhiin walee in aan abaahiyii iyado awrta celinaysa

waxan ka baqayaa in reer kulmiye wadnuhu iswadaa taago markaa natijada doorashadaa lagu dhawaaqo"maxay lacag qasaareeyeen, maxa lacag lagaa cunay"


Which Bah Dhulbahante guy ,Wabeeye?

User avatar
yawle
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 887
Joined: Sat Nov 17, 2007 5:36 am
Location: Habaryoonis baan uga dhashay iyo Harunta Waawayn

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby yawle » Tue Jun 01, 2010 4:10 pm

Habaryoonis has a history of voting liberally between any party they prefer and still have the numbers in each party to stand out.

Whereas the Habarjeclo, xataa kooda majnuunka ah ee waashay 100 sano ka hor ayaa Kulmiye ah. cuqdada beesha haysaa waynaa...

But that aside, all these little meetings won't do much when the real day comes. Meesha koobka shaah iyo sharaabka ayuunba lagu cabaa.

User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby HooBariiska » Tue Jun 01, 2010 4:22 pm

who are ugaadh cumar
WTF man, ugaadh cumar are reer gangsta's walee rag bay dhalaan, there is a famous saying
Ugaadh cumar rag wacani kamay dhalan, laakin walee rag bay dhalaan
Lotta famous snm leaders ayay dhaleen

and ofcourse, yours truely :D :D :D :sland: :sland: :sland: :sland: :sland:
Last edited by HooBariiska on Tue Jun 01, 2010 4:40 pm, edited 1 time in total.

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby The_Emperior5 » Tue Jun 01, 2010 4:23 pm

ugaadh cumar :up: Niman hormar jecel

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby Dhaga Bacayl » Tue Jun 01, 2010 5:35 pm

The whole qabiil joint the party? Who took that cencus?

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Beesha Ugaadh Cumar HY oo Ku Biirtay X.KULMIYE

Postby The_Emperior5 » Tue Jun 01, 2010 5:39 pm

The whole qabiil joint the party? Who took that cencus?
wa siyasada somaliland reer hebbel oo udub ku biiray wa iska sheeko primitive ah laakin thats how they do things some guys will hold a shir in a hotel and say we a re reeer hebbel and we are reer kulmiye or reer udub then people will asume reer hebbel is Xisbi hebbel :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests