The same hospital in hargeisa
Cisbitaalka Manhal oo Fuliyay Qaliino Culus oo Loo Adeegsanayo Laysarka Daawo
Written by Qarannews
Jun 01, 2010 at 12:20 PM
Hargeysa,(Qarannews)-Cisbitaalka Manhal ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta markii u horraysay fuliyay qaliino culus oo loo adeegsanayo laysarka waxaana qaliin lagu sameeyay toban qof, oo ka cabanayay Xameetida iyo Uurku jirta.
Qaliinkan waxa iska kaashaday Cisbitaalka Manhal iyo dhakhaatiir Yemaniyiin ah.Agaasimaha Cisbitaalka Manhal ee Magaalada Hargeysa Dr. Yaasiin Carab Cabdi, ayaa tafaasiil ka bixiyay qaliinkan iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay qaliinadii hore ee ay fulin jireen
Waxaanu yidhi “Horta qaliinkan Laysarka loo adeegsanayo ee maanta toban qof cisbitaalka Manhal fulinayo
Waxa la adeegsanayaa qalab tuumbo ah oo afka kamarad ku sita, kaasi ayaa samaynaya qaliinka. Macnuhu waxa weeye qaliinkii qofka bini’aadmiga ah caloosha inta la furo xubnaheeda wax laga soo saari jiray ma aha qaliinkani. Waa qaliin tuumbo lama meelood qofka laga gelinayo oo kamarada lagu eegayo sida qaliinka loo fulinayo. Sidaasi darteed qaliinkani laysarku wuxuu fududaynayaa oo aan jirayn nabarkii weynaa ee qofka calooshiisa lagu sameeynayay waxa lagu samaynayaa laba dalool oo yar yar.”
Dr. Yaasiin Carab Cabdi wuxuu sheegay in qofka qaliinka laysarka lagu sameeyaa uu ku bogsanayo muddo laba cisho ah, halka qaliinada kalena todobaad qofku jiifayo.
Agaasimaha Cisbitaalka Manhal oo la weydiiyay faa’iidada qaliinada noocan oo kale ahi dalka u yeelanayo waxaanu ku jawaabay “Siyaasada Manhal u taalla ee aanu doonayno in lagu dhaqmo waxa weeye in la buuxiyo baahidii caafimaad ee dalku qabay ee dalka dibadiisa loo tagi jiray oo dhan, waxaanu doonaynaa in cisbitaalka laga helo adeegyadii caafimaad ee aan dalka hore looga heli jirin, taasi waxay dadweynaha u tahay fursad wanaagsan iyo waxtar weyn in waxay dibada u tagi jireen ay dalka ka helaan.”
Agaasimaha wuxuu sheegay in bishii hore ay dalka keeneen dhakhaatiir qaliino dhegaha ah sameeyay oo 4 qof u beeray maqalka dhegaha waxaanu tilmaamay in bishan June dhexdeeda ay iman doonaan dhakhaatiir ajanabi ah oo qaabilsan xanuunada wadnaha.
Dr. Yaasiin Carab Cabdi wuxuu sheegay in qaliinada dhegaha iyo qaliinka lagu fulinayo laysarka ay ku rajo weyn yihiin in la joogteeyo.
Cisbitaalka Manhal oo xarumo caafimaad ku leh qaar ka mid ah gobolada dalka waxay sheegeen inay dhawrkii sanadood ee la soo dhaafay ay indhaha u jeexeen in ka badan 200.000 oo qof oo ka kala yimid deegaanada Mandaqada Geeska Afrika oo dhan.
Last Updated ( Jun 01, 2010 at 01:59 PM )
<Previous Next>