Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xisbiga KULMIYE oo Xafiis Cusub Ka Furtay Xaafada City PLaza

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Xisbiga KULMIYE oo Xafiis Cusub Ka Furtay Xaafada City PLaza

Postby LiQaaye_TDH » Wed Jun 02, 2010 2:06 am

BURCO: XISBIGA KULMIYE OO XARUN CUSUB SAAKA KA FURTAY XAAFADDA CITY PALAZA EE MAGAALADA BURCO IYO BAAQII MUJ-MAXAMED KAHIN KA JEDIYEY MUNASIBADDA FURITAANKA.


BURCO( HWN) Xisbiga Kulmiye ayaa xafiis cusub ka furtay agagarka Hotel Palaza ee magaalada Burco, waxaa munasibaddii furitaanka xaruntan cusub ee xisbiga kulmiye ka furtan xafafadda palaxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Maxamed kahin axmed, Xildhiban cali mareexan iyo masuuliyiinta Gobolka ee xisbiga Kulmiye iyo weliba ,taageearyaasha xisbiga kulmiye ee xafaadaasi.

Waxaa furitaanka xaruntan cusub ee xisbiga kulmiye ka furtay xaafadda palaza iyadu si gaar ah isugu hawshay marwo Cawo oo ka mid ah taagerayaash cul culus ee xisbiga kulmiye.

Furitaankii xaruntan cusub ee xisbiga kulmiye ka furtay Burco waxa Ugu horayn ka hadlay Xildhiban cali mareexan oo isagu xadhiga ka jaray xaruntan cusb, waxanuu sheegay inuu ku faraxsanayahay xaruntan ama xafiiskan cusub ee laga furay xaafadda Plaza, isagoo aad ugu mahadnaqay una ammaanay dadkii soo qabanqaabiyay xafladan lagu furayo xafiiska cusub, isagoo Marwo Cawo oo ah gabadha furitaanka xafiiskan iyo xafladdaba hirgelisay ku tilmaamay inay tahay mid wax weyn u qabatay xisbiga Kulmiye uguna hambalyeyey dadaalkeeda.

xildhibaan cali mareexaan wuxu sido kale tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in garoonkii diyaaradaha ee magaalada Burco oo maanta ay dhexdiis ka Dhir isugu jirta garanwaa iyo qudhac, isla markaasna uu noqday meel beri hore laga guurey Taasina ay tahay ta muujinaysa inaan xisbiga Udub weligiiba ku talo gelin horumarinta Gobolada bariga Somaliland iyo goboladoo dhanba, waxaanu balanqaaday hadi xibiga kulmiye talada dalka ku Guulaysto in ay dhisi doonaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Burco ee qashinku ka buuxsamay ka hargaysana uu noqondoono mid lagaga maarmo baahiyaha kale ee inaga haysta garoomada wadamada jaarka ah, isagoo sheegay in dadka Burco u soo socdaa ay ka soo degaan garoomo ku yaala ethiopia sida jigjiga iyo adiis abab.

Sidoo kale waxaa isna xaflaadasi ka hadlay Afhayeenka xisbiga Kulmiye Muj- Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay in ay xisbi ahaan ku faraxsanyihiin furitaanka xafiiskan cusub, waxaanu si gaara ugu mahad celiyay isaga laftiisuna marwo Cawo,wuxuu dhanka kale mujahid maxmed kahin wax ka taabtay Nabadgelyada, isagoo ku wacyi geliyey shacabka reer somaliland iyo taageryaashoodaba in ay ku dadaalan ilaalinta Nabadgelyada. Dhanka kale waxa uu muj-maxamed kahin si weyn u dhaliilay xisbiga UDUB oo ku sheegay in uu Bulshada dhexdeeda ka wado qalaanqal siyaasadeed iyo amaan daro, isla markaasna buu yidhi uu jecelyahay in dhibaato dhacdo si doorashada dib loogu dhigo, waxaanu si aad ah uga hadlay inaan loo jawaabin dhalinyarada xisbiga UDUB soo diro ee Guryaha kulmiye ku shirayo shiida, isagoo ku sheegay in yihiin sababaha uu xisbiga UDUB doonayo inay rabshaduhu iyo khalkhalinta amnigu ka bilaabmaan, isagoo xisbiga UDUB kula taliyey inaanu fursada iyo nabadgelyada kaga ciyaarin shacabka reer somaliland ee isbedelka raba, wuxu ugu baaqay taageryaasha xisbiga kulmiye in aanay ka fogaan Goobaha caafimadka iyo cusbitaalada.

Masuuliyiintii kale ee iyaguna halkaas ka hadlay ayaa dhammaantood ba eedo u soo jeediyey xisbiga UDUB, waxayna sheegeen in sannadkani yahay sannadkii Kulmiye cid kastaa oo loolan kula jirtana ay badka iskeento lana tartanto, waxay wax lagu qoslo ku sheegeen in xisbiga UDUB oo 8 sannadood dalka taladiisa hayey oo aan wax la arko qaban uu doonayo in shacabkii uu khasaareeyey dib u doortaan codna uu ka sugayo.

Isku soo wada duuboo waxa weli ka socda gobolada dalka loolanka adag ee muuqda ee xisbiyada mucaaradka ah iyo xisbiga talada haya ee UDUB ay ku jiraan, walow xisbiga UDUB u muuqdo sannadkan mid gabaabsi ah, iyadoo aad arkayso markaad magaalada indhaha la raacdo xafiisyada xisbiga kulmiye oo mar walba furan, iyadoo ay u dheertahay sii ballaadhin iyo kordhinta xarumo cusub oo ay wadaan axsaabta mucaaradka ahi, halka xisbiga UDUB xafiiska keliya ama xarunta uu ku leeyahay Burco aan laba arag iyado furan ama shaqaynaysa, waxayna taasi u muuqata loolan siyaasadeed oo gebi ka laalaada.


Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Hadhwanaagnews Burco / Office

Hadhwanaagnewsburco@hotmail.com

Submit by:-Mustapha-Burco

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 8 guests