Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

13 Somaliland MPs from UDUB and UCID JOINS KULMIYE

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

13 Somaliland MPs from UDUB and UCID JOINS KULMIYE

Postby LiQaaye_TDH » Wed Jun 02, 2010 2:42 am

Saddex iyo toban xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ku abtirsada labada xisbi ee UDUB iyo UCID, ayaa shaaca ka qaaday shalay inay taageeradoodii siyaasadeed si rasmi ah ugu wareejiyeen xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE.

Sidaana waxay ku caddeeyeen kooxda mudanayaasha ah baaq ay si wadajir ah xalay fiidkii uga soo saareen caasimadda Hargeysa, kuwaas oo xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku eedeeyey inay hawlan yihiin shirqoollo lagu curyaaminayo qabsoomidda doorashada Madaxtooyada ee loo qoondeeyey inay dalka ka qabsoonto 26ka bishan June ee aynu ku jirno.

Xildhibaannada hore uga tirsanaa xisbiyada UDUB iyo UCID ee ku dhawaaqay inay taageeradoodii siyaasadeed siyaasadeed ku wareejiyeen xisbiga KULMIYE, waxa ay isugu jiraan 7 mudane oo ka soo jeeda xisbul-xaakimka UDUB iyo lix xildhibaan oo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Baaqaas oo kooxda mudanayaasha ah si faahfaahsan ugaga hadleen arrimaha doorashada iyo caqabadaha masuuliyiinta xukuumadda UDUB ku dibindaabyeynayaan oo nuqul ka mid ah Jamhuuriya helay xalay waxa uu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

“Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay u asteeyeen maalinta ay taariikhdu tahay 26 June 2010 inay qabsoonto doorashada madaxtooyadu. Komishanka Doorashooyinku si wanaagsan bay u hawsha u wadaan, ummadduna way ku ogtahay, balse waxa jira dhaqanno lagu curyaaminayo hawlaha doorashada oo ay wadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB. Dhaqannadaasna waxa ka mid ah:

1- Hab-dhaqanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska ee ku wajahan doorashada (sida sanduuqii State House-ka oo uu si toos ah u qaatay taliyaha bilaysku).

2.Hab-dhaqanka xisbiga UDUB oo ku jahaysan fashilinta doorashada iyo abuuris xaalad nabadgelyo-darro, taasina waxaa daliil u ah warsaxaafadeedkii dhawaan ka soo baxay musharraxa xisbiga UDUB oo ku baaqayey inay jiraan xaalado cusub oo argagixiso, isla markaana lagu wargeliyey hay’adaha shisheeye ee dalka jooga inaanay guryahooda ka soo bixin habeenkii iyo xadhig, cago-juglayn loo gaysto xubnaha firfircoon ee mucaaradka sida ka dhacday Gobolka Awdal. Waxa kaloo jira iibsasho baahsan oo ay ku iibsanayaan kaadhadhka codbixiyayaasha, hawlahaas oo ka dhacay goobaha kaadh-beddelka, taasi oo looga danleeyahay fashilinta diiwaangelinta iyo doorashadaba.

3.Xaaladda doorashada ee hadda lagu jiro waxaa awoodda iska leh GDQ-ka, hay’adaha amniguna waxay ku khasban yihiin inay la shaqeeyaan GDQ-ka si ay doorasho xor ah oo xaalaal ah uga qabsoonto dalka.

Si aynu uga midho-dhalinno fursaddan doorashada ee aynu muddada dheer sugaynay, una gaadhno himilada is bedelka loogana baxo dhibta, caddaalad-darrada iyo horumar la’aantan qaranka daashatay, waxaannu talo ku gaadhnay annagoo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana soo kala jeedna xisbiyada UDUB iyo UCID oo waajib nagu ah in aannu u hawlgallo sidii loo badbaadin lahaa dalka oo sannadba sannadka ka dambeeya jiritaankiisii sii daciifayo. Mar haddii xaal noqday sidee loo badbaadiyaa dalka? Waxaannu go’aansanay sidan:

1.In fursaddan doorashada si dhab ah looga midho-dhaliyo;

2.In cod iyo cududba la mideeyo oo hal weel la isugu geeyo;

3.In loo guntado sidii dhibta la iskaga qaadi lahaa;

4.In danta guud la soo hormariyo ta gaarka ah;

5.In caqliga laga shaqaysiiyo oo la garto inay doorashadani tahay badbaadinta jiritaanka qaranka.

6. Waxaan dadka ugu baaqaynaa rag iyo dumarba inay ilaashadaan goobaha codbixinta;

7. Waxaan u soo jeedinaynaa ciidammada bilayska iyo kuwa qarankaba in ay xil iska saaraan illaalinta doorashada oo aanay qaadan awaamiirta khaldan, xisbiyadana dhex u noqdaan, codkoodana ku biiriyaan sidii isbeddel dalka uga dhici lahaa;

Hal-ku-dheggu wuxuu yahay; ‘Hadhowbaa la hufaaye horta waa la hanta.’

Mudanayaasha digo-rogtay ee taageeradoodii ku wareejiyey xisbiga KULMIYE ee baaqan soo saaray waxay kala yihiin magacyadoodu sidan:

1- Md. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale – UCID

2- Md. Aadan Tarabi Oogle – UDUB

3- Maxamed Jaamac Aadan – UCID

4- Md. Maxamuud Dhunkaale Guutaale – UDUB

5- Md. Saleebaan Cawad Cali – UCID

6- Md. Ibraahim Maxamed Dhaadheere – UDUB

7- Md. Maxamed Faarax Qabile – UCID

8- Md. Xariir Siciid Bullaale – UDUB

9- Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) – UDUB

10- Md. Farxaan Maxamed Cali – UDUB

11- Md. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud – UCID

12- Md. Maxamed Jaamac Cali – UCID

13- Md. Cabdicasiis Ismaaciil Dhulcun – UDUB.

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: 13 Somaliland MPs from UDUB and UCID JOINS KULMIYE

Postby LiQaaye_TDH » Wed Jun 02, 2010 2:45 am

1- Md. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale – UCID

2- Md. Aadan Tarabi Oogle – UDUB

3- Maxamed Jaamac Aadan – UCID

4- Md. Maxamuud Dhunkaale Guutaale – UDUB

5- Md. Saleebaan Cawad Cali – UCID

6- Md. Ibraahim Maxamed Dhaadheere – UDUB

7- Md. Maxamed Faarax Qabile – UCID

8- Md. Xariir Siciid Bullaale – UDUB

9- Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) – UDUB

10- Md. Farxaan Maxamed Cali – UDUB

11- Md. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud – UCID

12- Md. Maxamed Jaamac Cali – UCID

13- Md. Cabdicasiis Ismaaciil Dhulcun – UDUB.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 10 guests