Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xisbiga UCID oo taageerayaal ka soo digo rogtay xisbiyada UD

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Xisbiga UCID oo taageerayaal ka soo digo rogtay xisbiyada UD

Postby Siciid85 » Wed Jun 02, 2010 8:00 am

Borama: Xisbiga UCID oo taageerayaal ka soo digo rogtay xisbiyada UDUB iyo kulmiye soo dhaweyn u sameeyay
(Hadhwanaagnews) Tuesday, June 01, 2010

Boorama (HWN) Magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal waxaa ka dhacay galabta xaflad si weyn loogu soo qeyb galay oo lagu soo dhaweynayay taageerayaal kasoo baxay xisbiyada Udub iyo Kulmiye kuna soo biirtay xisbiga Cadaalada & Daryeelka ee UCID.

Xafladaan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Musharaxa Madaxweyne Ku xigeenka UCID Maxamed-rashiid Sheekh Xasan iyo Afhayeenka Xisbiag Codyare iyo taageerayaal badan oo xisbiga kusoo biirtay.

Taageerayaashaan oo gaarayay boqolaal una badnaa Gabdho ayaa sheegay inay go’aansadeen kusoo biirida xisbiga UCID iyagoo sheegay inay Ucid u arkeen inuu yahay xisbi horumar u keeni karaya shacabka Somaliland.

Afhayeenka guud ee xisbiga UCID Mudane Cod-yare ayaa ka hadlay xafladaan lagu soo dhaweynayay taageerayaasha kusoo biirtay xisbigooda, waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsanahay tiro intaan la ek oo kasoo baxay xisbiya Udub iyo Kulmiye inay kusoo biireen xisbigooda UCID.

Afhayeenka waxuu sheegay hadii Xisbiga UCID ku guuleysto doorashada madaxtinimo ee Somaliland inuu dhisi doono oo waddo laami ah ka dhigi doono jidka isku xidha Boorama ilaa Djibouti, taasoo sacab badan kala kulmay taageerayasha cusub ee xisbigooda kusoo biirtay.
Ugu dambeyntii, xaflada waxaa ka hadlay Musharaxa M/weyne Ku xigeenka UCID Maxamed Rashiid Sheekh Xasan waxuuna sheegay inay xisbigooda ka go’an tahay horumarka Somaliland, isagoo sheegay in Buuga ay soo saareen laga heli karayo waxqabadkooda mustaqbalka hadii ay hantaan madaxtinimada Somaliland.

Waxuu sheegay inuu xisbigooda yahay xisbiga Dhalinyarada isla markaana inta badan dhalinta Somaliland taageersan yihiin xisbiga UCID.

Muddooyinkaa waxaa soo badanayay taageerayaasha loo garanayo kuwa guur-guura oo marba taga xisbi taasoo aan la ogeyn halka ay saldhigan doonaan, waloow maalin kaliya naga xigto xiliga ay bilaabanayaan ololaha doorashooyinka oo xisbi walba goobo fagaaro ah shacabka ugu soo bandhigayo waxqabadkiisa uu ku guuleysto talada dalka Somaliland.

Abdifitah Ahmed
Borama, Somaliland



http://hadhwanaag.com/detail.asp?id=14012

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 20 guests