Imaam Ka Mida Imaamada Masaajida Magaalada Burco oo Maanta Markii Horaysay Shaaciayay Inuu ku Biiray Xisbiga Kulmiye+Beesha Awal Bari oo Saaka Muujisay Cududa Ay u Hayso Xisbiga Kulmiye
ay soo qabanqaabiyeen qaar ka tirsan beesha awal bari taasi oo ay ku muujinayeen cududa ay u hayaan xisbiga mucaaridka ah ee kulmiye.
Xafladan ayaa ahayd mid ay ka soo qaybgaleen madax sarsare oo ka tirsan xisbiga kulmiye sida Maxamed kaahin Axmed Dr Cabdi Awdaahir cabdi,Xildhibaan cali mareexaan ,xildhibaan siciid cilmi rooble oo isagu ahaa ka maanta ka masuulka ahaa dhoolatuska ay beeshani maanata ku soo abndhigtay hotel cigaal iyo tagaaeyaal badan oo beeshani ka tirsan
Ugu hoarayn waxa halakaasi ka hadalay mujaahid maxamed kaahin axmed oo sheegay in loo baahayahay in la ilaaliyo naadegalayada taas oo ah ta aynu ku noolnahay kagana horumarnay qaramo badan oo caalamka ka mid ah maxamed kaahin .
Waxaa kale oo isna ka hadalay xafladaasi Xildhibaan Cali mareexaan oo sheegay inuu ku faraxsanayahay dhoolatuskan ay maanata soo bandhigeen Beesha Awal bari taas oo ay ku muujiyeen cududa ay u hayaan xisbiga kulmiye waxaanu xildhibaanku dhaleecayn xoog leh u soo jeediayay xisbiga udub oo ku sheegay inuu yahay mid dalka soo maamulayay mudo haatan laga joogo 8sano taas oo aanu qaban waxyaabo cad oo lagu taageeri karo balse uu noqday oo kaliya mid dalka iyo dadkaba dib u riday.
Waxa kale oo uu xildhibaanku ka hadalay in xisbiga kulmiye yahay mid leh barnaamij siyaasadeed oo hufan kaas oo noqonaya isbedlka dhabata ah ee uu dalku u baahanyahay kaas oo ku tilmaamay inuu yahay ka ay dadka reer Somaliland ee Dhibani ay kaga bixidoonan Baahiyaha iyo horumar la,anta haysata.
Waxaa kale oo isna xaflaadaasi ka hadlay Dr Cabdi Awdahir ku amaanay beeshani awal bari isbedelka balaadhan ee ay ka muujisay waxaanu sheegay in talabadani ay tahay mid ay ka simanyihiin dadweynaha reer soamalialnd meelkastay jooganmaba .Dr Cabdi Awdahir ayaa sheegay in maanta ay kala dooranayaan dadka reer Somaliland Dahir Rayale oo dalaka soo hogaaminayay 8sano oo uu dib u riday iyo Axmed Siilaanayo oo maanta u diyaar ah inuu ka shaqeeyo horumarka dalka mar uu arimahaas ka hadlaayayna wuxuu ku nuuxnuusday in cida keliya ee haatan la odhankara waxay dan u tahay waa xisbiga Kul;mie waa isda uu hadalkiisa u dhigaye.
Waxxa kale oo isna xafladaasi ka hadlay Abwaan Hurre Walaan wal kaasi oo ka yidhi ereyo duur xul ahaa oo uu ku boorinayay beeshan Awal bari inay tartan la gasho dadka ku dhaqan dhulweynah hawdka Somaliland maadaama oo juquraafi ahaan ay beeshani degto woqooyiga Somaliand.
Ugu danbatii waxa halakaasi ka hadlay Imaamka Masjidka Shiikh cismaan Nuur ahna sida uu sheegay Gudoomiayaha Culumaydiinta Ehlu suna wal jamaaca ee Gobolkani Togdheer waxaanu sheegay in maanta isag aoo ku hadlayaa afka culimada iyo ka beeshani awal bari oo ka mid yahay ay ku biireen xisbiga Kulmiye. Imaamkan ayaa intii anay dhamaan xafladii halakasi kaga eryo nebi amaan ah oo dadkii madashaasi ku sugna ka wada qiirasiisay.
Waa markii ugu horaysay ee tan iyo waqtigiii ay ku dhawaqeen komiishanka doorashayinku maalinta ay dhacayso doorashada madaxtinimada ay beel ka mid ah beelaha dega gobolkani Togdheer ay muujiso cududa ay u hayso xisbiga kulmiye oo isagu maalmahan unkaayay xafiisyo cusub iyo kasbashada taageerayaal Cusub.
Maxamed Cawed Maxamed
Oodweyne News Burco Office
E-mail.cawad05@hotmail.com
http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=18853



