Ragga KULMIYE ku Jira Waxay inoo Geysteen Waynu Ognahay"
"Waa inaynu u Hiilinaa Dadkii ku Nafwaayey Mushkiladihii ay Geysteen Ragga KULMIYE isku Urursaday"
Wasiirka Maaliyada Somaliland Md Xuseen Cali Du'caale (Cawil), ayaa sheegay in aanay bulshadu ilaabi karin waxyeeladdii ay u geysteen xubnaha isku urursaday Xisbiga KULMIYE, sidaa darteed-na ay waajib saran tahay inay u hiiliyo dadkii ku dhintay dhibaatooyinkii kooxahaasi geysteen.
Wasiirka oo la hadlayay boqolaal dhalinyara ah oo Shalay cadeeyay inay ku soo biireen Xisbiga UDUB, waxa uu uga xog waramay Taariikhihii 1960-kii soo maray Somaliland iyo asbaabihii kelifay in Somaliland bilaa shuruud kula midowdo Koonfurta Soomaaliya, isagoo arrintaa ka hadlayana, waxa uu yidhi: "Waxaynu ognahay wixii ay ku luntay gobonimaddii aynu qaadanay 1960-kii oo aad ka warqabtaan wixii kelifay in Xamar la geeyo iyadoo aan Toddoba bixin.....Maantana ma tuuraa, mise waynu haysanaa."
Wasiir Cawil oo si gaara u tilmaamayay masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE waxa uu sheegay inay KULMIYE isku urursadeen raggii masuulka ka ahaa rabshadihii ka dhacay Somaliland. "Ragga KULMIYE ku jira waxay inoo geysteen waynu ognahay, qofka markuu ku xukumayo kuu tudhi waaya oo xataa markaad ka cararto kaa hadhi waaya waad garan kartaa, markaa Ragga KULMIYE isku urursaday waynu oganahay waxay geysteen."
Sidaa darteed, waxa Wasiirku ku booriyay dhalinyartii xafladda in ay maanta hiil uga baahan yihiin dadkii ku dhintay rabshadihii ay geysteen kooxaha KULMIYE-ysan, waxa uu yidhi "Waad arkaysaan hanjabaadaha ka soo yeedhaya oo waxay yidhaahdeen 40.000-kun oo shaqaale ah ayaanu eryaynaa hadaanu talada dalka qabano, waxaad arkaysaa ciilqabka ay la imanayaan, markaa waa inaynu u hiilinaa dadkii ku nafwaayey mushkiladihii ay geysteen nimanka KULMIYE isku urursaday waana inaynu ummadda ka badbaadinaa. Waayo ilaahay kama dhigee haddii ay yimaaddaan Dalalka deriska oo dhan waxay inaga xidhan doonaan albaabada."



