
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Galabta Lagu Soo Dhaweeyay Degmada Xaaji-Saalax
(Hadhwanaagnews) Thursday, June 03, 2010
Hargeysa (HWN)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Wefti baaladhan oo uu Hoggaaminayo oo socdaal ku jooga gobolka Oodweyne ayaa saaka booqasho ku tagay illaa 11 tuulo oo ku yaala Gobolkaasi, waxaanu caawa fiidkii soo gaadhay Degmada Xaaji-Saalax.
Sida uu ku soo waramayo Weriyahayaga Najax Aadan Cunaaye, oo la socda Weftigaasi waxa guddoomiyaha iyo weftigiisu ay saaka soo mareen tuulooyinka Galoolay, Gatiitalay, Mureec, Cabdi Faarax,Cabdi Dheere, Mulaaxo,Bali Carraale, Qol-qol, Gudubi, Khaatumo iyo Bali Muuse kuwaasi oo tirsan gobolka Oodweyne waxaana Weftigaasi deegaanadaasi ay marayeen ku soo dhaweeyay Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan jiidaasi.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa dadweynaha soo dhaweeyay uga mahad celinayay sida diiran ee ay u qaabileen.
Guddoomiyuhu wuxuu shacbiga ugu baaqayay inay u diyaar garoobaan doorashada madaxtooyada ee dalka ka dhici doonta 26-ka bishan June, waxaanu uga digay inay iibiyaan kaadhadhkooda.
Md. Faysal Cali Waraabe, wuxuu shacbiga deegaanadaasi u balan qaaday inuu kor u qaado adeegyada bulshada ee hooseeya sida Wadooyinka, waxbarashada iyo rugaha caafimaadka oo ku teel teel ah isla markaana aanay joogin shaqaale xirfad leh kana jiraan dawo la’aani.
Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxay kulamo kala duwan la yeesheen odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada magaalada Oodweyne kuwaasi oo uu kala hadlayay sidii ay u taageeri lahaayeen xisbiga UCID.
Sida uu ku soo waramayoWeriyahaga Naxaj Aadan Cunaaye, waxa saaka abaaro 9:00 Subaxnimo lagu qabtay magaalada Oodweyne xaflad ay iskugu soo baxeen taageereyaasha xisbiga UDUB, hase yeeshee wuxuu intaasi ku daray 11-kaasi tuullo ee ay soo mareen aan haba yaraatee aanay ka jirin xaflado loogu olaleynayo xisbiga UDUB, oo ku andacooda inay haystaan inta badan taageerada shacbiga gobolka Oodweyne.
Hadhwanaag News/Hargeysa



