Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Reerka reerka waxa loo saar, Dad bay meeli buktaa

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Contact:

Reerka reerka waxa loo saar, Dad bay meeli buktaa

Postby Bohol iyo karaman » Sat Jun 12, 2010 12:37 pm

Siday uu Dhacday in Sadex Masuul oo Isko Hayb ahi Qandaraas Ku Qaatan Ololaha Xisbiga UDUB ee Magaalada BURCO
Burco (Buraoonline.com) 12.06.10 Xisbiga Siyaasiga UDUB isla markaana talada dalka haya ayaa inta badan siyaasiyiintiisa UDUB, masuulyiintiisa dawladda iyo taageerayaashiisuba ku ololeeyaan inay yihiin xisbi beelaha reer Somaliland u siman yihiin,
qabyaaladda ka fog, isla markaana cid kastaa ka hadli karto ololihiisa siyaasadeed ee uu kaga qayabgeleyo doorashooyinka loo ballansan yahay 26ka Juun.

Waxa kale oo aan maqalnaa masuulyiinta xisbigaasi dawladda oo inta badan ku andacooda in xisbiyada mucaaradku yihiin kuwa beeleed, cid kalena aanay shaqo ku lahayn sidaa darteedna UDUB kusoo biiraan shacabka Somaliland.

Haddaba markaad eegto muuqaalka siyaasadeed ee xisbigaasi beryahan dambe u muuqda mid sii daadegeya iskana casileen ku dhawaad lixdaameeyo ka mid ah siyaasiyiintisa iyo hawlwadeenada gobolada iyo degmooyinka ayaa dhinaca waxa soo baxaya habdhaqanka xisbigaasi ku muujinayo inuu yahay mid ay iska leeyihiin shakhsiyaad beel sheeganaya iyo siyaasiyiin ama masuuliyiin dawladeed oo aad mooddo inay guddoomiyaha xisbigaasi, ahna madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale,ka xigaan masuulyiinta beelaha kale ee dawladda ku jira sidaa darteedna ad moodda inay xisbigaba afduub ku haystaan.

Siyaasiyiintan ka tirsan xukuyuymadda Rayaale, isla markaana ah masuulyiinta laamaha dawladda ee looga baahnaa inay xafiisyada ay masuulka uga yihiin dawladda wax uga qabtaan ayaa sidoo kale ah kuwa aad mooddo in xisbiga Udub ka fogeynayaan shacbiga intiisa kale isla markaana lagu xanto ama lagu caddeeyo inay yihiin wasiirada ugu musuqmaasuqa badan ee ku jira xukuumadda Rayaale .

Raggan intan badan reer Somaliland hadalhayantoodu ku badatay ila markaana u eg kuwa dartood looga fogaaday xukuumadda Rayaale ayaa labadii maalmood ee u dambaysab qandaraas dhinaca siyaasadda ah ku haystay magaalo madaxda G/Togdheer ee Burco, iyagoo halkaa u jooga sidii ay taageero ugu raadin lahaayeen xisbiga UDUB . masuuliyiintan oo isugu jira kuwa xukuumadda ka tirsan iyo kuwa xisbiga xukuumadda ee UDUB ugu sarreeya ayaa waxay kala yihiin wasiirka hawlaha Guud Siciid Sulub, wasiirka duulista Cali waran Cadde , Xogahaya Guud ee xisbiga udub Jaamac Yaasiin ayaa dhammaantood kasoo jeeda beel keliya oo ka mid ah beelaha Somaliland, kuwaasoo dadweynaha reer Burco u sheegayey inay iskaga leexdaan xisbiyada mucaaradka ah ee qabyaaladda ku salaysan balse aad mooddo inaysan warba iska hayn saddexdoodan masuul ee u hadlaya xukuumadda iyo xisbiga UDUB inay isku hayb yihiin xisbina meteleyaan.

Waxad is odhan kartaa in nimankaasi siyaasiyiinta ahi u egyihiin kuwa aaminsan inaysan Burco ku noolayn beel aan ahayn beesha ay kasoo jeedaan isla markaana cid kale ka hadli karin ama la hadli karin dadweynaha reer Burco oo aan iyaga ahayn. Sulub , Cali warancadde iyo Jaamac Yaasiin keligood dadweynaha reer Burco ma kusoo dabbaali karayaan dadweynaha reer Burco ee kasii yaacaya xisbigooda mise way sii didinayaan?.

Dhinaca siyaasiyiinta beeshaasi kaga jirta xukuumadda Rayaale ayaad mooddaa inay xumaynayaan xidhiidhka beelaha walaalaha ee wada deggen G/Togdheer kuwaasoo inta badan aad mooddo inay dhinaca siyaasadda uga faa’iideysanayaan kala qaybsanaanta reer Burco ee sii yaraanaysa is beelahaasi walaalaha ahi iskugu dhacaanna had iyo jeer khudbadahooda ku sheega hadallo xambaarsan naxli iyo cadaawad, hase yeeshee beelaha ay kasoo jeedaan masuuliyiintaasi aanay dheg jalaq u siinin hadaladooda, kana doorbideen nabadgelyada iyo walaalinimada ay kula noolyihiin dadweynaha reer Burco.

Inkastoo masuul kale oo afraad ka maqnaa khudbadaha siyaasadda ee saddexdaa nin keligood ku qandaraasteen ololaha UDUB ee Burco ayaa laga yaabaa in masuulkaa kale oo ah wasiirka maaliyadda Cawil Cali Ducaale uu Burco dhina kale kaga jiro isagoo u ololaynaya xisbiga UDUB, ayaa sidoo kale laga yaabaa inuu soo afreeyo saddexdaa masuul ee iyagu dadweynaha magaaladaasi ama gobolkaasi iskaga dhigaya inay ka socdaan beesha ugu awoodda weyn ee kursiga ku haysa madaxweyne Rayaale, xisbiga Kulmiyena ka celinayaan guul kastoo kaabiga usoo saarta 26ka Juun hase yeeshee waxaan muran ku jirin in sida ay beel ahaan ugu wada socdaan ,una doonayaan inay beel ahaan kusoo jiitaan dadweynaha Somaliland doorashooyinka 26ka Juun ay aakhirataanka cidlo dhigi doonto xukuumadda Rayaale iyo taageerayaasha xisbiga UDUB sida xisbiyada mucaaradka ahna aanay si isku dhaf ah ugu ololayn xukuumaddooda iyo xisbigoodaba.

Si kastaba ha ahaatee ololaha Sulub, Warancadde iyo Jaamac Yaasiin laguna daro Cawil oo daaha dabadiisa ka hagaya ayaa la odhan karaa inuu yahay olole khaldan oo leh weji khaldan , sidaa darteedna ka hor imanaya siyaasadda xisbiga UDUB dadweynaha ugu sheego ololihiisa , tanina muujinaysao beenta, barnaamij la’aanta iyo belaayada xisbiga UDUB doorkan ku doonayo inuu guul kaga gaadho doorashooyinka soo socda balse mugdi badani hadheeyey doorkan.

Buraoonline.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 15 guests