Daahir Riyaale went to Sanaag and Saw the Huge Mucaarad Supporters KULMIYE and UCID, and even in the Last Vote KULMIYE was the KING of Sanaag, and Daahir Riyaale saw the Reality in Sanaag, that he didnt have any supporters at all Except for the Talaabo and His Family
Maamulkii Xisbiga talada haya ee UDUB ee Gobolka Sanaag iyo degmada Ceerigaabo, ayaa maanta iska casilay xilalkii ay ka hayeen Xisbigaa, ka dib markii ay ku eedeeyeen in aanu xisbigaasi u muuqan mid kasbanaya kalsoonida shacabka gobolka Sanaag iyo guud ahaan Somaliland, isla markaana uu ku fashilmay ballanqaadyadii uu hore ugu qaaday dadweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag.
Masuuliyiinta ayaa is casilaadooda shaaca kaga qaaday shirjaar’id oo ay maanta ku qabteen magaalada Ceerigaabo, waxaanay sheegeen in maalmaha soo socoda, iyaga iyo taageerayaashoodu caddeyn doonaan xisbiga ay taageeradooda ay ku biirin doonaan, isla markaana ay wadatashi ka yeelan doonaan maalmaha soo socda.
Masuuliyiintan xisbiga UDUB ee xilalkii ay hayeen iska casilay waxa ka mid ah guddoomiyihii gobolka Sanaag ee Xisbiga UDUB Cali Dheere, guddoomiyihii degmada Ceerigaabo Maxamed Cawad, Guddoomiyihii garabka haweenka ee gobolka Sanaag Aamina Cali Yare iyo guddoomiyihii garabka haweenka ee degmada Ceerigaabo.
Is casilaada masuuliyiintan xisbiga UDUB ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa, iyada oo madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin uu shalay uun ka soo laabtay socdaal uu ku tegay gobolka Sanaag, halkaas oo uu kulamo kula soo yeeshay maamulka gobolka Sanaag iyo ka xisbiga UDUBba.
Ramaasnews Desk
Ceerigaabo



