Burco, June 14, 2010 (Haatuf) – Beesha reer Biniin oo ka mid ah beelaha deegaanka Gobolka Togdheer gaar ahaan bariga Burco ayaa sheegay in ay ku biireen Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye isla markaana ka baxeen xisbiyada kale oo ay awal hore kala taageeri jireen.
Beeshan reer Biniin ayaa sidaasi ku sheegay shir Jaraa’id oo ay shalay Cuqaashooda ,Odayaashooda, Waxgaradkooda iyo Xildhibaanadoodu ku qabteen Huteelka City Plaza ee magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Ugu horayn waxa madasha ka hadlay Caaqilka guud ee beesha reer Biniin Chief Caaqil Maxamed Cali Maxamed, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “Waxaan maanta halkan ku cadaynayaa aniga oo ku hadlaaya afka beesha Biniin Axmed oo markii hore kala taageeri jiray axsaabta qaranka in aanu maanta ku midawnay in aanu ku biirno Xisbiga Kulmiye kana baxnay xisbiyadii kale .
Khilaaf ayaa jiray reerka u dhexeeyay waananu ka heshiinay shirar aanu yeelanay ,waxaananu ku heshiinay oo aanu xisbiyada kale u sheegaynaa markaanu qiimaynay xaalada wakhtigan waxay beeshu go’aan ku gaadhay in aanu iskugu luga duwano xisbiga Kulmiye “
Caaqil Cawil Cabdi Faarax oo isna ka mid ah cuqaasha beeshan oo isna madasha ka hadlay ayaa yidhi .”Beesha jajab ku saabsan axsaabta qaranka ayaa markii hore soo kala dhexgalay waananu ka heshiinay waxaananu wax la qabnay beelaha kale sidaa awgeed waxaanu isku afgaranay miyi iyo magaalaba in aanu maanta codkayaga siino xisbiga Kulmiye hadaanu nahay beesha Biniin Axmed waayo ? Dalku isbedel ayuu u baahanyahay”
Oday Maxamuud Xasan Muuse oo isna ka mid ah odyaashii shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay awal hore beeshooda in lagu xaman jiray xisbiga Kulmiye balse ay kala taageeri jireen axsaabta. sidaa darteedna ay maanta cadaynayaan in ay Kulmiye ku biireen isla markaana waxa uu sheegay doorashada in ay ku guulaysanayso cidii uu ilaahay u qoray, balse waxa uu dadka reer Somaliland usoo jeediyay in ay nabadooda ilaashadaan .
Xil. Baashe Muuse Maxamed oo isna hore u ahaan jiray maayir ku xigeenka Burco kana soo baxay Xisbiga Udub oo xafladaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in uu go’aansaday isaga iyo taageerayaashii beeshiisuba in ay Udub ka baxaan kuna biiraan Kulmiye markii ay saluugeen siyaasada Udub, iyada oo u inta ku daray in Xisbiga maanta waxgaradkii Somaliland isagu tageen u yahay KULMIYE.
http://haatuf.net/2009files/157269.html




