
Nimankii ku Fashilmay Dowladihii ay Hogaaminayeen C/raxman Tuur & Cigaal Isbedelka Dhabta ah ee ay Dalka Ka Sameyn karaan Waa Maxay, Xoghayaha War-Faafinta Ee UCID
Hargeysa (Oodweynenews)- Xoghayaha War-faafinta iyo Wacyi-gelinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Kaysar Cabdilaahi Maxamed, ayaa sheegay in hogaanka xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiintiisa kale ee wakhtigan hogaaminaysaa in aanay dalka isbedelka loo baahan ka samayn karin.
Md Kaysar waxaa uu sidan ka sheegay mar uu maanta ka hadlaayey fagaaraha beerta xoriyada oo ay iskugu soo baxeen kumanaan taageerayaasha xisbiga UCID oo soo dhawaynayey Guddoomiyaha Xisbigaas Eng Faysal Cali Waraabe oo ka soo laabtay safar qaatay mudo laba todobaad iyo badh oo uu ku soo maray Gobollada bari ee Somaliland.
Xoghayaha War-faafinta iyo Wacyi-gelinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Md Kaysar Cabdilaahi Maxamed, ayaa sheegay in aanu xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE dalka ka samayn karin isbedelka dhabta ah ee loo baahan yahay in lagu bedelo dhibaatada horumar la’aaneed ee haysatay bulshada intii uu xukunka hayey xisbiga tallada haya ee UDUB. Isaga oo arintaas ka hadlaya-na waxaa uu yidhi Xoghayuhu “Is-badelka la tilmaamayaa maaha isbedelka uu KULMIYE sheegayo ninka 8 sannadood ka tirsanaa xisbiga UDUB oo markii ay sii dhacaysay KULMIYE ku biiray, isbadelka uu wadaa ee uu samayn karaa waa maxay”
Xoghayuhu waxaa uu sheegay in uu hogaanka xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiintiisa kaleba ay yihiin nimankii ku fashilmay ee wadi kari waayey xilalkii ay umada u hayeen waxaanu yidhi “ nimankii ku fashilmay dawladihii ay hogaaminayeen marxuumiintii Cabdiraxmaan Axmed Cali [Tuur] iyo Maxamed Ibraahim Cigaal isbedelka ay keeni karaan waa maxay ?”
Ugu dambayntii Md Kaysar Cabdilaahi Maxamed waxaa uu taageerayaashii xisbiga ee fagaaraha beerta xoriyada iskugu yimid maanta u sheegay, xisbiga kaliya ee wakhtigan dalka isbadel ka samayn karaa yahay xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID, isaga oo ugu baaqay inay codkooda ku hubsadaan xisbiga UCID waxaanu yidhi “walaalayaal cida isbedel dhab ah ka samayn karta Somaliland waa xisbigan UCID oo ogal xuquuqda dumarka, naafadda, danyarta iyo tan dadka laga tirada badan yahay. Xisbiga UCID waxaa uu balan qaadayaa in uu dumarka ka siiyo Golaha Wasiiradda shan dumar ah, immikana waxaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee xisbiga UCID ah gabadh reer Somaliland oo magaceedu yahay Marwo Faadumo Cali Madar”
Oodweynenews.com/Hargeysa/Office



