Rayaale Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Maanta Ka Ololaynaya Gabiley Iyo Boorame Kaddib Guuldaradii Gobolada Bari Ay Kala Soo Hoydeen
Hargeysa, June 15, 2010 (Haatuf)-Guddoomiyaha Xisbiga UDUB ahna murashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Daahir Rayaale kaahin ayaa xalay Salaadii Subax ka hor guuro gal ugu kicitimay magaalada Boorame ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo uu kaga qayb galayo ololaha UDUB ee doorashada madaxtooyada ee loo qoondeeyay 26-ka bishan June.
Daahir Rayaale Kaahin ayaa safarka uu ku tagay magaalada Boorame kaddib waxa uu uga sii gudbi doonaa magaalada Saylac ee xarunta gobolka cusub ee Salal.
Sidoo kale waxa saaka subixii ka ambabaxay caasimada Hargeysa, Gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB, islamarkaana ah murashaxa madaxweyne ku xigeenka Udub, Axmed Yuusuf Yaasiin, oo isaguna olalaha xisbigaasi ee doorashada kala qay bqaadan doona taageerayaashooda Gabiley iyo Wajaale.
Daahir Rayaale Kaahin ayaa todobaadkan kasoo laabtay safar taageero raadis ah oo ugu maqnaa gobolka Sanaag, halkaas oo uu guuldaro kala soo guryo noqday kaddib markii cuqaasha, waxgaradka iyo salaadiinta deegaankaasi ku gacmo saydheen taageerada xisbiga Udub ee wakhtigan uu ka doonayo inay codka siiyaan maalinta doorashada, iyaga taasna ku sababeeyay inaanu Rayaale fulin balanqaadyadii uu sameeyay doorashadii uu kursiga ku fuulay 20003-kii iyo balanqaadyo ka danbeeyay aan gabi ahaanba waxba ka fulin,taasina gayasiisay xisbiga UDUB in masuuliyiintii uga wakiilka ahaa gobolka Sanaag xilalkii ay hayeen iska wada casilaan
Murashaxa madaxweyne ku xigeenka UDUB, Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isaguna safar taageero doon ah oo uu dhowaan ku tagay gobolka Saaxil ee uu ka soo jeedo, halkaas oo uu kala noqday fara madhnaan kaddib markii wax-garadka, aqoonyahanada iyo qaybaha bulshada ee gobolkaasi u sheegeen in aanay doorkan cod u haynin xisbiga UDUB iyo murashixiintiisa, taas oo ay tilmaameen in gobolka Saaxil, gaar ahaan Berbera oo dakhliga ugu badani dalka uga soo xeroodo aanay waxba kaga soo noqon deegaankaasi oo ka aradan baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada.
Si kastaba ha ahaatee safarka musharixiinta UDUB ayaa ku soo beegmaya xili intoodii badneyd masuuliyiintii gobolada iyo degmooyinka dalka ee xisbigaasi iska casileen xilalkoodii.