Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby Khalid Ali » Thu Jun 17, 2010 6:05 pm

Beesha Gurgure Oo Taageeradoodii Kusoo Shubtey Xisbiga Kulmiye Iyo Suldaanka Guud Ee Beesha Oo Hadalo Taariikhiya Ku Dhiibtey Badheedhihiisa


Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa shalay galab xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey beesha GURGURE oo ka mid ah beelaha degan Somaliland .....
Hargeysa(GNS)- Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa shalay galab xaflad soo dhaweyn ah u sameeyey beesha GURGURE oo ka mid ah beelaha degan Somaliland oo sheegay inay taageeradoodii iyo cududoodiiba, si miisaan leh ugu biiriyeen xisbiga Kulmiye.

Xafladan oo ahayd mid si aad u heersaraysa loo soo abaabulay, isla markaana lagu qabtay Hotel Imperial ee magaalada Hargeysa, waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md C/raxmaan C/qaadir, Guddoomiyaha ololaha gobolada galbeedka ee xisbigaas, xoghayaha guud ee xisbiga, Xildhibaan Nacnac, Xildhibaan Kijaandho iyo odayaal, dhalinyaro, aqoonyahano iyo haween ka mid ah beesha GURGURE ee iyagu sheegay inay taageeradoodii ku biiriyeen xisbigan si uu ugu guuleysto doorashada madextooyada, waxa ugu horayn madasha ka hadlay Suldaanka guud ee beesha Gurgure Suldaan Axmed Sh. Muxumed X. Ibraahin waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “ waxaanu nahay beesha qudha ee raacday halgankii beelaha ku abtirsada SNM, waxaanay beeshu ka soo horjeedsatay damacii Siyaad Barre ee ahaa in uu beesha hubeeyo si ay ula dagaalanto SNM taasina way noo cuntami wayday in aanu dadkan aanu walaalaha nahay ee aanu wada dhalanay in aanu wax ku lidi ah la nimaadno, horta beeshu waa ta sida yeeshey wakhtigii halganka.

Hadaba hadaynu ka hadalno ta maanta beeshu waxay garatay iney codkeeda ku taageerto xisbiga KULMIYE, laakiin waxaan leeyahay hadaad KULMIYE tihiin ha balan qaadina sida Rayaale wax aydaan qabanayn, Nafna Ilaahay kumuu kalifin wax ayna fulin Karin, markaa ha balan qaadina wax aydaan fulin Karin”.Ayuu Yidhi Suldaan Axmed Sheekh Muxumed Ibraahim,Suladaanka Guud ee beesha Gur-gure.


Intaa ka dib waxa isna madasha ka hadlay Guddoomiyaha beesha Gurgure Cali Maxamed Ismaaciil waxaana ka mid ahaa hadaladiisii “beesha Gurgure waxay ka mid tahay dadkii ugu horeeyey ee masaajidka qablataynta ragii dhisay, waxa jirtey wakhti ay boqortooyo halkan ka talisa ay ahaayeen. Hadaba waxaan cadaynayaa in ugu yaraan 4,500 cod ay beeshu ugu deeqi doonto xisbiga ay hada taageeradeedii u soo leexisay ee KULMIYE, anigu waxaan kaw ka ahay dadkii markii hore UDUB dadka ku maaweelin jiray, maatana waxaan ogaaday wax alla wax dan ah oo dalka iyo dadka u haysaa inanay jirin. Kolba laba qof oo dalxiis u yimid ayaa la odhan jiray waa khubaradii warshada sibidhka inoo samaynaysay, markaa waxaan leeyahay wixii UDUB naga baylihisay idinkaanu idiinka fadhinaa oo aanu idinka sugaynaa”.

Dhinaca kale waxa isna xafladaa soo dhawaynta ah ka hadlaya Gudoomiye ku xigeenka beesha ku soo biirtay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Daa’uud Ibraahin oo isagu ka warbixiyey taariikhda beesha Gurgure iyo marxaladihii ay soo martay, waxaanu shaaca ka qaaday in ay beesha Gurgure tahay dadkii dagmada Sheekh aas aasay, oo beeshu ay taariikh mugwayn ku leedahay dhulwaynaha somalidu dagto gaar ahaan dhulka Somaliland.
Waxa iyagu madashaa ka hadlay Xoghayaha gudida horumarinta beesha Gurgure Md Shucayb Macalin, .

Intaa ka dib waxa madashaa lagu soo dhawaynayey waxgaradka, aqoonyahanada, madaxdhaqameedyada iyo bulsha waynta Gurgure ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md C/raxmaan C/qaadir waxaana ka mid ahaa hadaladiisii
“horta aniga oo isku haysta nin wayn oo mutacalim ah waxaan maanta halkan kaga faa’idaystay taariikh badan oo aanan ogayn, taasna waxaan ugu mahad naqayaa nimanka odayaasha ah ee madaxda ah ee taariikhdii beesha halkan ka akhriyey.

Aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga iyo ka Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxaan aad u soo dhawaynayaa beesha taariikhda ku leh halgankii dalkan dib loogu xoreeyey, waxaanan aad ugu mahad celinayaa garashada ay garteen wakhtigan mihiimka ah in ay taageeradooda la garab istaagaan xisbiga Isbadalka u taagan ee Kulmiye”,Ayuu yidhi C/raxmaan C/qaadir Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye.

Dhinac kale waxa xidhitaankii xaflada madasha hadalo kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha Ololaha Doorashada xisbiga KULMIYE ee Gobolada Galbeed Eng. Baashe Cabdi Gaboobe oo ka mahad celieyey taageerada ay beeshani u muujisay xibigooda una balan qaaday in waxyaabo badan loo qaban doono beesha iyo ummada reer Somaliland-ba, waxaanu Guddoomiyuhu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in maanta ay xisbigooda taageerto beesha Gurgure oo ah tafiirtii Maxamed Saalax Yacniile, oo kamid ahaa siyaasiyiintii caanka ka ahaa Somaliland sanadihii lixdamaadkii sida uu Baashe uu hadalka u dhigaye.

Beesha Gurgure ayaa, kamid ah beelaha taaiikhda weyn kuleh dalka Somaliland, iyagoo mar walba dhib iyo dhibaato lasoo qaatey beelaha dhexe ee Somaliland gaar ahaana , iyagoo cududooda ugu badani tahey Gobolka Qodaalka Gabiley, iyo Deegaanka Sheekh ee Gobolka Saaxil, waxaney shaley miisaanka cududooda markhaati uga dhigeen hogaaminta uu horkacayay , Suldaanka Guud ee Beesha Gurgure Suldaan Axmed Sheekh Muxumed Ibraahim , oo kamid ah Salaadiinta ugu daacadsan dalka Somaliland dhinaca diinta iyo cadaalada, waxana lagu tilmaamaa Suldaan ka aradan xaaraanta iyo cuncunka dowladaha intaba.

Gabileynews Desk
Hargeisa Office

User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby AsadSL » Thu Jun 17, 2010 7:25 pm

lool how when they mostly live in ethiopia. Kulaha fully supports kulmiye. It should be reworded to jaliyada beesha gurgure ee somaliland supports kulmiye. BTW are they even somali? i thought they were oromos.

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby Khalid Ali » Thu Jun 17, 2010 7:31 pm

lool how when they mostly live in ethiopia. Kulaha fully supports kulmiye. It should be reworded to jaliyada beesha gurgure ee somaliland supports kulmiye. BTW are they even somali? i thought they were oromos.

Gurgure do live in somaliland , and they are represented in somaliland , and they are 100% somali and not Oromos. their sultaan aya shir qabtay not some jaaliyad

User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby AsadSL » Thu Jun 17, 2010 7:59 pm

They are a jaliyad if not name one place they live in somaliland oo deegan ah. They dont live in somaliland as degan but has imgrants from ethiopia like the rest of the oromos.

User avatar
HooBariiska
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7692
Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby HooBariiska » Thu Jun 17, 2010 8:02 pm

Kulmiye wuu baqayaa haduu kuwaa votes ka sugayo

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby Khalid Ali » Thu Jun 17, 2010 8:06 pm

Kulmiye wuu baqayaa haduu kuwaa votes ka sugayo

No sxb kulmiye cares for all somalilanders including gurgure because they are somalilanders , kulmiye is not ruling only the large clans when they become leading party of Somaliland but every single somalilander will be ruled by kulmiyes administration of somaliland

oldenglish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5673
Joined: Wed Jan 28, 2009 6:57 am
Location: The Kingdom of Maakhir Coast

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby oldenglish » Thu Jun 17, 2010 8:15 pm

Beesha Lo'jir :up:

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby Khalid Ali » Thu Jun 17, 2010 8:37 pm

They are a jaliyad if not name one place they live in somaliland oo deegan ah. They dont live in somaliland as degan but has imgrants from ethiopia like the rest of the oromos.

They are not a jaaliyad sxb wa dad ummad ah they live in the sarounding villages of gabiley such as loka aroor dabar weyne etc and also some parts south east awdal

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby Dhaga Bacayl » Fri Jun 18, 2010 11:17 am

Who is gurgure? Are theyIsaaq or la galeen weeyaan?

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30838
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby Khalid Ali » Fri Jun 18, 2010 11:18 am

Who is gurgure? Are theyIsaaq or la galeen weeyaan?

No they are not isaaq, how ever intermarriage ku wa jira

Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Beesha gurgure Fully Supports Kulmiye

Postby Dhaga Bacayl » Fri Jun 18, 2010 11:23 am

Who is gurgure? Are theyIsaaq or la galeen weeyaan?

No they are not isaaq, how ever intermarriage ku wa jira

Markaa waa iska maxbuub iyo noocaas saw maaha?

Awood intee leeg bay Somalilnd ku leeyihiin.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests