Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to UCID

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to UCID

Postby Siciid85 » Fri Jun 18, 2010 8:33 am

Xisbiga UCID Oo Xaqiijiyey In Dadweynaha Reer Gabilay, Tog-Wajaale iyo Deegaano Kale Oo Hoos Yimaadaa-ba Inay UCID Taageeransan yihiin + Khudbadihii Gudoomiyuhu U Jeediyey + SAWIRO

Hargeysa(OWN)- Wefti ballaadhan uu hogaaminayay Gudoomiyaha xisbiga UCID ah-na musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta safar wax-ku-ool ah ku soo maray Deegaano badan oo hoos yimaada Gobolka Gabiley iyo Maroodi-jeex, isla markaana xaqiijiyey in dadweynaha ku nool deeganadaasi ay intooda badani taageersan yihiin xisbiga UCID.

Sararkan kor-meerka ahaa oo qayb ka ahaa ololaha doorashada ee xisbiga UCID oo maalintiisii shanaad ah, ayaa waxa Gudoomiyaha ku wehelinayay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Ololaha doorasharada ee xisbiga Saleebaan Daahir, Xoghayaha guud ee xisbiga Muuse Inji, Maayir ku xigeenka caasimada Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uurcade, Xogayaha warfaafinta Kaysar Cadbilaahi Maxamed, Xoghaya maamulka iyo qorshaynta Maxamed Xasan Dirir, Gudoomiyaha xisbiga ee London Mustafe Kenedi iyo masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan.

Ugu horayn-na waxa uu weftigu safarkiisa ka bilaabay Abaarso oo ka tirsan Gobolka Maroodi-jeex, halkaas oo dadweynaha ku nooli si weyn weftiga ugu soo dhaweeyeen magaaladooda, isla markaana u muujiyey taageerada dhabta ah ee ay u hayaan xisbiga UCID.

Sidaa darteed, Haddii aynu wax ka soo qaadano khudbadihii kala duwanaa ee Gudoomiyuhu u jeediyey taageerayaasha xisbiga UCID iyo dadweynihii kala duwanaa ee weftiga ku soo dhawaynayay kol-ba meesha gaadhaan had-ba, ayaa waxa u dhigan yihiin sidan:-

Aynu ku horayno Abaarso

Image

Abaarso oo ahayd meeshii ugu horaysay ee uu Gudoomiyuhu khudbadihiisa ka bilaabay, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Dadweynaha reer Abaarsaw aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen. Waxa aan idin leeyahay si aynu uga baxno qabyaalada, abaarta iyo ictiraaf la’aanta, waa in aynu xadhiga ilaahay qabsanaa wax-ba waayi maynee. Markaa waxa la idinka baahan yahay inaad xadhiga ilaahay nala cuskataan, Kitaabka ilaahay-na nala qaadataan, diintana ilaahay nala cuskataan. Taas ayaanu walaaloyaal annagu u soconaa. Markaa annagu haddii aanu UCID, waxa aad noogu timaadaan caddaalad, oo ah caddaalada ku cad kitaabka ilaahay.”

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Walaaloyaal waxa aan idiin sheegayaa saddex calaamadood ayaa meesha yaala, waa tawxiidkii oo ah calankii Somaliland iyo kii UCID oo is waafaqay. Waxa yaala calankii UDUB, oo ah Udub uu xar-galay. Waxa yaala kii KULMIYE oo ah laba gacmood oo is-salaamaya, mana garanayno labadaas gacmood ee is-salaamaya. Intaas ayaa idin horyaala. Reer Abaarsaw waxaa la idinka baahan yahay sidii aad halganka-ba 1-ka uga gasheen, tan-na waxa aanu doonaynaa inaad 1-ka ka gashaan, waana halgankii oo socda oo la doonayo in waddanka badhaadhe la geliyo. Iskuulada ilaa dugsi sare bilaash ayaanu ka dhigi doonaa.”

Arabsiyo

Markii uu Gudoomiyuhu gaadhay Arabsiyo oo dhawaan Madaxweyne Rayaale ka dhigay Degmo ka tirsan Gobolka Gabilay, ayaa Gudoomiyaha iyo weftigii la socday waxa halkaas loogu soo dhaweeyey si weyn oo qiima leh, waxaana uu halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay, isaga oo hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Horta marka hore degmada Arabsiyoy Hambalyo oo hambalyo degmonimada la idin siiyey. Waxa aan idiin sheegayaa markii aan doorashadii hore madaxweynenimada u tartamayay 2003-dii Galbeedka meeshii ugu codka badnayd waxa ay ahayd Arabsiyo. Magaalada Arabsiyo waa magaalo door-weyn ka qaadatay halgankii SNM, oo tacaddi badan ayaa ku dhacay. Markii aynu xornimada la soo noqonay baylahda waddanka ka dhacday ayaa Arabsiya-na ka dhacday. Annagu haddii aanu UCID nahay waxa aanu u nimi in baylahdaa aanu wax ka qabano, taas oo ay keentay hogaan-xumo iyo hogaankii-siyaasadeed oo xumaaday. Sidaas awgeed waxa aanu doonaynaa inaanu keeno hogaan-siyaasadeed oo wanaagsan, in ilaa 1960-kii waxa inaga xumaanayay aynu hagaajino. Dariiqa loo marayaa ay noqoto Kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka [NNKH], in dalkan laga hirgeliyo shareecada Islaamka ayaanu doonaynaa.”

Waxa uu Degmada Arabsiyo u ballan-qaaday oo uu yidhi “Degmadan Arabsiyo waxa ay hodan ku tahay wax-soo-saarka, waxa aanu doonaynaa beeralayda inaanu ka caawino wax-beerashada, isla markaana inaanu siino shidaal jaban, in qofka Cagaf soo iibsanaya ee yidhaahda ‘70% ayaan haystaa,’ in dawladu 30% kale ay ugu darto. Waxa aanu doonaynaa inaanu idinka joojino Khudrada idinkaga imanaysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Qorsheyaashu way badan yihiin ee waxaa loo baahan yahay inaynu wada-shaqayno.”

Gabiley

Weftiga uu hogaaminayay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, ayaa kolkii ay in yar u jireen magaalada Gabiley waxa dhexda kaga hor yimi mawjado dad ah, oo ku qalabaysnaa asaamaha xisbiga [calanka iyo dirays calanka laga sameeye] iyo caleemo-qoyan, kuwaas oo weftiga socod ku galbiyey ilaa inta laga gaadhayay fagaaraha Khayriyada ee dadka looga khudbadeeyo, waxaana halkaa dadka kala hadlay Xoghayaha Guud ee xisbiga UCID Muuse Inji oo si weyn uga mahad-celiyey taageerayaasha xisbiga iyo dadweynaha reer Gabiley ee sida wanaagsan u soo dhaweeyey.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, oo halkaas ka jeediyey hadal dhinacyo badan taabanayay, ayaa waxa hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Walaalayaal Gobolka Gabiley, Somaliland waxa uu kaga jiraa baal-dahab ah, oo mujaahidiintii Somaliland xoraysay waxaad ku leedihiin rag badan oo caan ah, kuwaas oo ay mid ahaayeen Mujaahid Mahdi, Muhaajid Aadan Shiine, Mujaahid Xasan Yuusuf Habane iyo kuwo kale oo badan. Dadkaa mujaahidiinta ahaa maanta lama xuso, cid xustaana ma jirto. Wakhtigii nabadaynta ee Somaliland Suldaan Cabdiraxmaan kaalin muhiim ah oo laxaad leh aynuu ka qaatay. Jid-gooyooyinkii u dhexeeyey Hargeysa iyo Gabiley ninkii guray isaga iyo reer Gabiley ayay ahaayeen.”

Waxa uu intaas ku ladhay oo uu dhidhi “Maantana waxa aanu doonaynaa inaad nala qabataan Somalialand sidii loo horumarin lahaa. 50 sano ayay ku buuxsamaysaa 26-ka June, 50-kii sano ee ay sii xumaanaysay ilaa iyo 1960-kii, waxa aanu doonaynaa inaanu buug iyo waa cusub bilawno. Reer Gabilayaw waxaa inoo ballan ah inaynu qaadano oo aynu isku xukuno Kitaabka ilaahay. Sidii aad halgankiiba u raacdeen maanta-na Kitaabka ilaahay ayaynu ku midoobaynaa.”

Waxaana Gudoomiyuhu ugu ballan-qaaday reer Gabiley oo uu yidhi “Waxaan hubaa dadka dalka qaban doona ee aanu u dhiibi doono ee waddanka wanaajin doonaa inay reer Gabiley qayb weyn ka qaadan doonaan. Maxaa yeelay maanta ma jiro Gobol idinka tacliin badani. Anigu shakhsi ahaan aad ayaan ugu faanaa Gobolka Gabiley, sababta oo ah xaddaarad ayaad soo kordhiseen. Waxa maanta Somaliland dahab lagu sameeyo reer Gabiley ayaa sameeya, oo dahablayaasha oo dhami waa reer Gabiley. Haddii ilaahay ka dhigo Jaamacada Timacade dawlada ayaa la wareegi doonta, waxa ay nonaysaa Jaamacada asalka ah ee Gabiley.”

Waxa kale oo uu ugu ballan-qaaday dadweynaha reer Gabiley inay wax weyn ka qaban doonaa adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo daryeelka dadka, isla markaana inay dhalinyarada mustaqbal wax-ku-ool ah u samayn doonaan haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtooyada ee dhawaan dhacaysa.

Waxa kale oo uu iftiimiyey inay wax weyn ka qaban doonaan ciidamada, “Walaaloyaal waxa aanu doonaynaa inaynu samaysano ciidan Qaran oo xoogan. Somaliland gooni isu taageedu xalaal maaha haddii aan lagaa baqayn, waa in la inaga baqaa. Xadkeena lix bilood ayaanu ku tegi doonaa haddii ilaahay ka dhigo. Waddankan waanu nadiifaynaynaa oo cidda bilaa sharciga ku soo gasha oo dhan waanu ka saaraynaa. Dadka reer Somaliland aqoonsi ayaanu u samaynaynaa oo iyaga ayaanu mudnaanta siinaynaa, qof reer Somalilan ahi shaqo uu qaban karayo qof ajaanib ah oo qabanayaa ma jirayo, kuwiina shaqeeyana mushaharka ayaa loo kordhinayaa.”

Waxa uu u soo jeediyey dadweynaha reer Gabiley, oo uu yidhi “Walaaloyaal maanta waxaad aragtaan saddex xusbi ayaa taagan. Bal ilaahay ayaan idinku dhaariyee UDUB maxanay inagula doodaysaa? Ninka UDUB calankiisa sitow, ma waxaad na leedahay anaa so qayilay? Dee Qaad ma rabno ee horumar ayaanu rabnaa. Madaxweyne Rayaale markii uu shalay Boorama tegay waxa uu yidhi ‘Aniga dhiilkaygu wuu buuxaa,’ wuu isku qiray inuu wax xaday. Waxaana uu ka buuxsday cashuurtii. Dalkan Somaliland 50% ayaa Gabiley ka soo baxa, hadan waddo ma leh, laydh ma leh, Cusbitaal ma leh, xaggay lacagtaasi martaa. Wallaahi ka calanka UDUB sitaa waxa ku waajib ah inuu xishoodo ee inuu calan qaado maaha. Waa musuqmaasuq oo wuu ina khiyaameeyey. Sideed sano ayuu dalka yahay [Rayaale] Ictiraaf muu doonin, lacagtii Burco muu bedelin, darajadii Ciidamada muu samayn, Idaacad muu samayn. Heshiis ayuu walla-weyn la galay inuu ina soo gaadhsiiyo ilaahay-na inamuu soo gaadhsiin ee inaga ayaa ka dheeraynayna. Markasta oo uu doorashada dib u dhigo waxa uu doonayay in dawlada shariifku shariifku kacdo oo ay ina soo gaadho, weligeed kicimayso oo halkaas ayay rafanaysaa, innaga oo saamax-na mooyaane.”

Waxaana uu hadalkiisa sii raaciyey oo uu yidhi “Waxaan idin leeyahay walaalo Marka aad UCID iyo KULMIYE eegaysaan ee aad Faysal Cali Waraabe iyo Siilaanyo eegaysaan, labada baabuur ee aanu kala wadano mid wal-ba rakaabkiisa eega. Haddii ilaahay ka dhigo annaga ictiraafka hal sano noo qabta.”

Image


Wajaale

Dadweynaha reer Wajaale, ayaa iyaguna waxa sameeyeen qorshihii ugu fiicnaa ee ay ku qaabileen soo dhawaynta Gudoomiyaha iyo weftiga uu hogaaminayay, iyaga oo sii sameeyey fagaare ay si gaar ah ugu diyaariyeen weftiga UCID, isla markaana intooda badani ku lebisnaayeen calanka xisbiga oo ay ka samaysteen diraysyo kala nooc-nooc ah.

Gudoomiyaha oo fagaarahaas taageerayaasha xisbiga UCID kala hadlay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad ugu farxay iyada oo bacad ah hadana Reer Tog-wajaalow sida aad isugu soo baxdeen. Hadalka idinku badin maayo, ee waxa aan idiin wadaa bushaaro, waxaana ay tahay in waddankeena 9 cisho ka bacdi ay doorasho ka dhici doonto, oo bi’idnilaahi tacaalaa ay UCID soo bixi doonto. Haddii ilaahay ka dhigana uu dulmiguu suuli doono, dalkan-na lagu xukumi doono shareecada Islaamka [Kilaabta ilaahay iyo Sunnaha rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee].”

Waxaana uu intaas raaciyey “Waxa ay UDUD iyo KULMIYE yidhaahdaan dhawaan ayay ku dhalaay arrinta shareecadu, nagumay dhalan ee barnaamijkayaga aanu daabacnay sagaal sano ka hor ee aanu keenay inaanu dalka ku xukuno oo aanu ugu shaqayno wuu ku yaalaa.”

Waxa uu ka dhaawijiyey waxa u qorshe ah, “Waxaa inoo qorshe ah; dalkan isbedel ayaa laga samayn doonaa insha’alaahu tacaalaa. Waa kow, waxa la shaqayn doonaa 8 saacadood [7 ilaa 12 duhurnimo, hadana 2 ilaa 5 ayaa la shaqayn doonaa. Waxa aynu doonaynaa in maalinta khamiista oo keliya aynu barjayno. Waxa weeyaan qof kasta oo reer Somaliland ah waa in aqoon la siiyaa, ilaa dugsiga sare bilaash ayaanu ka dhigi doonaa insha’alaahu tacaalaa. Walaaloyaal dadkeena laxaadka la’, kuwa indhaha la’a iyo kuwa cagaha la’a ma maskax la’a ee wax ayaa la barayaa oo Iskuulo khaas ah ayaa loo samayn doonaa.”

Waxa uu reer Tog-wajaale u ballan-qaaday oo uu yidhi “Halkan magaaladan Tog-wajaale waxa aanu doonaynaa inaanu ka samayno waxa loo yaqaan ‘Dekedda engegan,’Wax allaale iyo wixii ku socda Itoobiya waxa aanu doonaynaa inay halkan ku sii hakadaan oo xerooyin waa weyn looga sameeyo, marka dambe-na laga si daad-gureeyo, ayaa insha’alaahu tacaalaa aanu ka samayn doonaa. Xukuumada 8 sano ayay waddanka ka talinaysay, waa intii ugu nabada badnayd, hadana waxa ay ahayd in sideedaa sano waddanku horumaro. Bal ka waran ilaahay ayaan idinku dhaariyee Tog-wajaale iyo Gabiley ayuu isku xidhi kariwaayay, Cusbitaal mayay samayn kari waayeen, darajo ayay bixin kari waayeen. Waxaa aniga ii muuqata inaanay Somaliland daacad aka ahayn raga maanta gacanta ku hayaa. Madaxweynaha ilaa wasiiradiisu way ina maa weelinayaan.”

Sida oo kale Gudoomiyaha iyo weftiga uu hogaaminayay waxa ay safarkaas oo kale ay ku soo marareen Alley-baday, Fara-weyne, Gaddka, Saylla iyo Dhaboolaq, iyada oo dhamaan dadkii uu Guduumiyuhu meelahas ka hadlay uu khudbado kuwaas hore oo kale u jeediyey, isaga oo ku adkeeyey inay taageeraan xisbiga caddaalada iyo daryeelka.

Image

Image

Image

Image


Image


Image


Image


Image

Image



UCID Media

Hargeysa/Somaliland

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby Siciid85 » Fri Jun 18, 2010 9:09 am

Aynu ku horayno Abaarso

Abaarso oo ahayd meeshii ugu horaysay ee uu Gudoomiyuhu khudbadihiisa ka bilaabay, ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa oo uu yidhi “Dadweynaha reer Abaarsaw aad ayaad ugu mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen. Waxa aan idin leeyahay si aynu uga baxno qabyaalada, abaarta iyo ictiraaf la’aanta, waa in aynu xadhiga ilaahay qabsanaa wax-ba waayi maynee. Markaa waxa la idinka baahan yahay inaad xadhiga ilaahay nala cuskataan, Kitaabka ilaahay-na nala qaadataan, diintana ilaahay nala cuskataan. Taas ayaanu walaaloyaal annagu u soconaa. Markaa annagu haddii aanu UCID, waxa aad noogu timaadaan caddaalad, oo ah caddaalada ku cad kitaabka ilaahay.”

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi “Walaaloyaal waxa aan idiin sheegayaa saddex calaamadood ayaa meesha yaala, waa tawxiidkii oo ah calankii Somaliland iyo kii UCID oo is waafaqay. Waxa yaala calankii UDUB, oo ah Udub uu xar-galay. Waxa yaala kii KULMIYE oo ah laba gacmood oo is-salaamaya, mana garanayno labadaas gacmood ee is-salaamaya. Intaas ayaa idin horyaala. Reer Abaarsaw waxaa la idinka baahan yahay sidii aad halganka-ba 1-ka uga gasheen, tan-na waxa aanu doonaynaa inaad 1-ka ka gashaan, waana halgankii oo socda oo la doonayo in waddanka badhaadhe la geliyo. Iskuulada ilaa dugsi sare bilaash ayaanu ka dhigi doonaa.”


Image


Arabsiyo

Markii uu Gudoomiyuhu gaadhay Arabsiyo oo dhawaan Madaxweyne Rayaale ka dhigay Degmo ka tirsan Gobolka Gabilay, ayaa Gudoomiyaha iyo weftigii la socday waxa halkaas loogu soo dhaweeyey si weyn oo qiima leh, waxaana uu halkaas ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysay, isaga oo hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Horta marka hore degmada Arabsiyoy Hambalyo oo hambalyo degmonimada la idin siiyey. Waxa aan idiin sheegayaa markii aan doorashadii hore madaxweynenimada u tartamayay 2003-dii Galbeedka meeshii ugu codka badnayd waxa ay ahayd Arabsiyo.

Image

Magaalada Arabsiyo waa magaalo door-weyn ka qaadatay halgankii SNM, oo tacaddi badan ayaa ku dhacay. Markii aynu xornimada la soo noqonay baylahda waddanka ka dhacday ayaa Arabsiya-na ka dhacday. Annagu haddii aanu UCID nahay waxa aanu u nimi in baylahdaa aanu wax ka qabano, taas oo ay keentay hogaan-xumo iyo hogaankii-siyaasadeed oo xumaaday. Sidaas awgeed waxa aanu doonaynaa inaanu keeno hogaan-siyaasadeed oo wanaagsan, in ilaa 1960-kii waxa inaga xumaanayay aynu hagaajino. Dariiqa loo marayaa ay noqoto Kitaabka Ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka [NNKH], in dalkan laga hirgeliyo shareecada Islaamka ayaanu doonaynaa.”

Waxa uu Degmada Arabsiyo u ballan-qaaday oo uu yidhi “Degmadan Arabsiyo waxa ay hodan ku tahay wax-soo-saarka, waxa aanu doonaynaa beeralayda inaanu ka caawino wax-beerashada, isla markaana inaanu siino shidaal jaban, in qofka Cagaf soo iibsanaya ee yidhaahda ‘70% ayaan haystaa,’ in dawladu 30% kale ay ugu darto. Waxa aanu doonaynaa inaanu idinka joojino Khudrada idinkaga imanaysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Qorsheyaashu way badan yihiin ee waxaa loo baahan yahay inaynu wada-shaqayno.”

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby The_Emperior5 » Fri Jun 18, 2010 10:06 am

looool Mostly kids., reer wajaale and arabsiyo take xisbiga dhaliyada a litle bit to dhaliyaro :lol: :lol:

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby SahanGalbeed » Fri Jun 18, 2010 11:16 am

Wax caaya ayay ku fiican yihin walle kuwani ^
Miyaaney Habar Awal ahayn dadkani ?
Fuckin bastards !!

anyway
Waxa aan idiin sheegayaa markii aan doorashadii hore madaxweynenimada u tartamayay 2003-dii Galbeedka meeshii ugu codka badnayd waxa ay ahayd Arabsiyo.

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby Siciid85 » Fri Jun 18, 2010 1:53 pm

Sahan Galbeed, ignore this hater notice marka wax negative ah laga sheego kulmiye how he calaacals and he likes to say something negative about other parties talk about double standards.

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30806
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby Khalid Ali » Fri Jun 18, 2010 2:23 pm

no sxb i have nothing against ucid. and i think if kulmiye doesent win i want ucid to win , but laakin caruur baa meesha iskugu so baxay uun eeh :lol:

Image

:lol:

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby Siciid85 » Fri Jun 18, 2010 2:26 pm

apart from the front row which are the kids of the supporters all the rest are adults including the women , i rememer 1 of kulmiye's campaigns in june also included many kids so you don't got a shit on UCID. 8-)

User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby Somalistan » Fri Jun 18, 2010 6:16 pm

:up:

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan
Contact:

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby Bohol iyo karaman » Fri Jun 18, 2010 6:58 pm

Faysal & Riyaale (the guy with the dark suit) :lol:
Image

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby Goljano Lion » Sat Jun 19, 2010 1:08 am

no sxb i have nothing against ucid. and i think if kulmiye doesent win i want ucid to win , but laakin caruur baa meesha iskugu so baxay uun eeh :lol:

Image

:lol:
ma caruurtii bay soo ururiyeen :lol:

Goljano Lion
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15340
Joined: Fri Jan 04, 2008 10:07 pm

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby Goljano Lion » Sat Jun 19, 2010 1:10 am

Faysal & Riyaale (the guy with the dark suit) :lol:
Image
Bahal yo karaaya

UCID baa laga hadlayaa adna Riyaale meesha so dhex dhigaysaa , kuwan waa mental :lol: :lol:

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Gabilay, Tog-Wajaale, Arapsiyo show strong support to U

Postby The_Emperior5 » Sat Jun 19, 2010 11:21 am

Bohol wuxu moodaya inu aabihi meel kasta joogo :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests