Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE)

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE)

Postby LiQaaye_TDH » Sat Jun 19, 2010 9:36 am



Fanaanada Caanka ah ee Ubax Daahir (Ubax Fahmo) oo ka mid ah fanaaniinta filka cusub ee Somaliland ee sida weyn looga dabo dhacay ayaa maanta shaaca ka qaaday inay si rasmi ah ugu biirtay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ka dib markii ay sheegtay in xisbigaasi balan qaaday inuu daryeelo Fanka iyo Fanaaniintaba.


Ubax Fahmo oo ka soo jeeda degmada Dilla ee Gobolka Awdal waxay saaka iyadu iskeed uga furtay xisbiga KULMIYE xafiis weyn oo ay qalabaysay oo ku yaala Xaafada xero-Awr ee degmada 26-ka June Magaalada Hargeysa, waxaana furitaankii xafiiskaasi ka soo qeyb galay Guddoomiyaha olalaha doorashada Madaxtooyada xisbiga KULMIYE u qaabilsan Gobolada Galbeedka Somaliland Md. Baashe Cabdi Gaboobe, Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo ka mid ah mudaneyaasha xisbigaasi kaga jira Golaha Wakiilada ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa, Haween iyo taageereyaal tiro badan oo ka mid ah asxaabta fanaanadaasi.


Ubax Daahir (Ubax Fahmo) oo ka hadashay xafladaasi ayaa sheegtay inaanay iyadu hore xisbi ugu jirin, hase yeeshee ay go’aansatay inay ku biirto Xisbiga KULMIYE markii xisbigaasi balan qaaday inuu daryeelo doono fanaaniinta isla markaana dedaal u geli doono kobcinta dhaqanka iyo suugaanta dalka, waxaanay tidhi “Aad iyo aad ayaan madaxda iyo Taageereyaasha xisbiga KULMIYE ee I soo dhaweeyay aan ugu mahad celinayaa waxaad ii muujiseen jacayl iyo furfurnaan. Anigu xisbi hore kuma aan jirin balse waxaan go’aansaday inaan ku biiro KULMIYE oo ay hore u galeen odayaashii waaweynaa iyo abwaanadii dalka sida Xasan Ganay iyo Dacar oo kale. Xisbigani wuxuu noo balan qaaday inuu na daryeelayo taasi ayaan ku raacay.”



“Xafiiskan Anigaa kiradiisii iska bixiyay oo qalabeeyay waxaanan doonayaa inuu noqdo xafiis u shaqeeya xisbiga KULMIYE, waxaan leeyahay KULMIYE ha guulaysto. Somaliland-na ha guulaysato,”ayay tidhi Ubax Daahir.



Guddoomiyaha olalaha doorashada ee gobolada galbeedka Somaliland u qaabilsan xisbiga KULMIYE Md. Baashe Cabdi Gaboobe, oo ka hadlay xafladaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay fanaanadaasi ku soo biirtay, waxaanu sheegay inay qalbi furan ku soo dhaweynayaan.



Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay fanaanadaasi iyadu iskeed xafiiskan u furatay ka dibna ku soo casuuntay, waxaanu dadweynaha kale ugu baaqay inay ku daydaan.



Md. Baashe Cabdi wuxuu ku dooday in aqlabiyada ummadda reer Somaliland ay taageertay xisbigooda oo uu carabka ku dhuftay inuu u taagan yahay inuu dalka ka dhaliyo isbedel siyaasadeed oo mug-leh.



Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay xisbigiisu awooda saari doono soo noolaynta fanka iyo suugaanta dalka oo ay dhisi doonaan Hoygii Murtida iyo Madadaalada Hargeysa ee dunsan mudada labaatanka sanadood ku dhow ee Somaliland ay xornimadeedii dib ugala soo noqotay Somalia.



Md. Baashe Cabdi Gaboobe wuxuu taageereyaasha xisbiga KULMIYE ugu baaqay inay codkooda si hagar la’aan ah u dhiibtaan oo u doortaan xisbigaasi.



Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye oo si weyn fanaanadan ugu mahad celiyay waxaanu tilmaamay in dadkii fankeeda jeclaana uu ka rajaynayo inay soo raacaan fanaanadan.



Sidoo kale, waxa xafladaasi lagu soo bandhigay heesaha xisbiga KULMIYE iyo ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka halkaasi oo ay fanaanaduna goob joog ka ahayd oo ay taageereyaasha xisbigaasi ay qaabilaysay.

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE

Postby Rightwing » Sat Jun 19, 2010 9:47 am

Coooool, horta where can I get her email? :lol:

User avatar
LiQaaye_TDH
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 15857
Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...

Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE

Postby LiQaaye_TDH » Sat Jun 19, 2010 11:05 am

War Hayaay... War Kadaa aan lagy maqline :lol: :lol:

User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE

Postby Rightwing » Sat Jun 19, 2010 11:13 am

War Hayaay... War Kadaa aan lagy maqline :lol: :lol:


Interview ayuun baan ka qaadi lahaa :lol:

User avatar
Elmi_Dheere
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 421
Joined: Mon Jun 06, 2005 3:22 pm
Location: Saylac

Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE

Postby Elmi_Dheere » Sat Jun 19, 2010 4:06 pm

:lol: :lol: :lol: :lol:


I thought this was a prank when I read the title . I never thought kulmiye was so desperate they need hire singers to run campaign :mrgreen:

Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Even the Fanaans are Joining KULMIYE (UBAX FAHMO=KULMIYE

Postby Cumar-Labasuul » Sat Jun 19, 2010 4:07 pm

Fixed :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 3 guests