Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Xisbiga UCID oo Taageero Ka Helay Wadaadada Burco

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Xisbiga UCID oo Taageero Ka Helay Wadaadada Burco

Postby Siciid85 » Sat Jun 19, 2010 3:48 pm

BURCO(Oodweynenews)-Waxaa hadal hayn weyn ka dhalisay magaalada Burco Khudbad uu maalintii shalay ahayd ka jeediayay mid ka id shuyuukhda magaalada Burco kaas oo ugu baaqay dadweynaha Somaliand inay doortaan xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID
Waxaa maalintii shalay ahaa kaga khudbadeeyay salaadii jimcaha masjidka madiina oo ka mid ah masaajida Magaalada Burco Sheekh Aw-Jaamac oo ka mid ah culumida magalaada Burco waxaanu sheekhu si daahsoon ugu xuub siibtay inuu masjidka kaga hadalo siyaasda xiligan dalka ka jirta iyo xisbiyada doonayaa inay hogaanka dalaka qabtaan sanadood ee Socda.

Markii laga soo baxay salaada jimcaha ayaa dadweyninhii ku tikanayay masjidkaasi ay ka sameeyeen arintaasi munaaqishooyin waaweyn taas oo qaar ay wadaadka ku taageereen hadalada uu soo jeediayay halak qaar kalena ay ka soo horjeesteen kuna tilmaameen inuu yahyay mid tageeraya cid gaara.
Wadaadkani ayaa la sheegay in baaqan uu leeyahay in lagu taageero xisbiga UCID u soo daliilsaday waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin barnaamij xisbigaasi oo ku tilmaamay inuu yahay mid ay si weyn uga dhex muuqato sumada diinta islaamku.

Arintani ayaa ku soo beegmaysa iayad oo maalin dhaweyd uu sheikh Faysal Cali Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee Magaalada Burco sheegay inaan 3xisbi ee Somaliland midna ku salaysneen nidaamka ay doonayaan in loo doorto diinta islaamka waxaanu si weyn u naqdiayay oanay xaaraantahay in fayasal cali waraabe iasago oo leh sharciga islaamka ayaan dalaka ku maamulayaa uu hadana yahay mid xiligan dadka leh I dpprta taas oo afaysal uu ku tilmaamay in qofka doonaya inuu sharciga islaamka umad muslima ku maamulya ay iasaga dadku soo doontaan oo yidhaahdaan waxaan kuu dooranay inaad na hogaamiso.

Ugu danbaytii magaalada Burco ayaa u muuqatay Tan iyo waqtigii uu yimi Magaaladani Eng.Faysal Cali Waraabe oo ah Hogaamiyaha xisbiga UCID kaas oo dhawaan ka jeediyay khudbad fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco kuna soo jiitay dad badan oo jecel isku xukunka diinta islaamka taasina ay keentay in marba marka ka danbaysa ay kor u sii kacado taageerada uu xisbiga UCID ka helayo Gobolka Togdheer


Maxamed Cawed Maxamed
Oodweyne News/Burco Office

User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Xisbiga UCID oo Taageero Ka Helay Wadaadada Burco

Postby hargaysaay » Sat Jun 19, 2010 3:49 pm

:up: :up: :up: :up: :up: :up: :up:

ucid wey hilaacdee gaadhiga ha ka hadhina

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Xisbiga UCID oo Taageero Ka Helay Wadaadada Burco

Postby Siciid85 » Sat Jun 19, 2010 4:40 pm

:up: :sland:

User avatar
KingWaslawi
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5295
Joined: Mon Mar 29, 2010 12:24 pm
Location: Kayd-kii jacaylkaa riyo laygu keenaa, kabbo baan idhaahdaa, mise waaba koob madhan :(

Re: Xisbiga UCID oo Taageero Ka Helay Wadaadada Burco

Postby KingWaslawi » Sat Jun 19, 2010 4:43 pm

UCID markay aragtay in maalin cad la diraayo wax taageero ahna aanay bulshada ka haysan, ayay go'aan sadeen inay yidhaahdaan diinta Islaamka ayaanu wax ku xukumaynaa!
Hadday ka dhab tahay bal may xisbigooda ka dhex bilaabaan, Waxa UCID ka buuxa oo dhan waa wada dhaqan celisa iyo fish and chips qurbaawiya.

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Xisbiga UCID oo Taageero Ka Helay Wadaadada Burco

Postby Siciid85 » Sat Jun 19, 2010 4:47 pm

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyey Hadal Dhaleecayn Ah Oo Madaxweyne Rayaale Dusha Uga Tuuray Xisbiga UCID


Gudoomiyaha xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalo dhaceecayn ah oo Madaxweyne Rayaale iyo wasiirka Madaxtoodu ku dureen xisbiga UCID, isla markaana ku tilmaameen inaanay dhab ka ahayn UCID inuu shaceecada Islaamka dalka ku xukumayo.

Gudoomiyuhu waxa uu hadalkan ka sheegay xaflad.

Waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Madaxweyne Rayaale iyo Wasiirka Madaxtooyada Xasan Macalin oo awal wadaad ahaan jiray, balse imika kutuba-xooray, ayaa waxa uu yidhi ‘Xisbiga UCID ka dhab ma aha inay shareecadda waddanka ku dhaqayaan ee waa ka afka.’ Beni’aadamku waxa uu ku moodayaa haddii uu beenaale yahay inaad adiguna beenaale tahay, haddii uu tuug yahay in dadku wada tuug yihiin.”

Waxa uu Gudoomiyuhu intaas raaciyey oo uu yidhi “Anaagu UCID ahaan shanta qodob ee aanu ku tiirsan-nahay ee 1992-kii aanu ku tashan-nay waxaa ka mid ah; 1- Inaan Somaliland dib loogu darin dal kale, oo Somaliland noqoto waddan xor ah oo madax-bannaan, waa ta naloogu bixiyey inaanu xad-jir ku nahay gooni isu taaga Somaliland, waana aanu ku faanaynaa taas. 2- in Kitaabka Ilaahay iyo sunnaha Rasuulka [NNKH] in dalka lagu xukumo. 3- In Somaliland laga hirgeliyo maamul furfuran oo aan Hargeysa ku soo uruurin waa sida ay imikaa tahaye, Tuulo kasta-na. 4- In dadka danyarta ah ee aan is-bixin karayn in dawladu xilkooda qaado. 5- In siyaasiyiintii hore la Packing-gareeyo [la fadhiisiyo] oo la soo saaro siyaasiyiin imaan-qabta oo Qabiil ka saraysa.”

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu Madaxweynaha iyo Xasan Macalin u soo jeediyey oo uu yidhi “Waxaan u sheegayaa Madaxweynaha, Xasan Macalin iyo Asxaabtooda in Culimada reer Somaliland gaar ahaan tobanka culimo ee ugu sareeya in markii ay codkayaga maqleen inay soo qaadeen buugayagii Siyaasada, oo ay isku eegeen waxa aanu nidhi inuu ku qoran yahay iyo in kale, dabeetana ay ka heleen, oo ay sidaas nagu rumaysteen, ayaan idinku bushaaraynayaa.”

Waxa uu weliba intaas ku ladhay oo uu yidhi “Anagu marka aanu Gobolada tagno diinta ayaanu ku furnaa. Madaxweyne Rayaale-na markii Balli-gubadle tegay Awr cas iyo Awr Madaw ayuu ku qalay, annagu garan mayno meel uu ka keenay labadaas Awr, laakiin annagu Kitaabka ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka ayaanu gaynay, oo aanu annagu aaminsan-nahay, balse ma aaminsanin camal-shaydaanka iyo waxa ay shayaadiintu caabudo. Waddadaas ka bax iyo taas ha marin ma aaminsanin. Magaalooyinka waa weyn ka war-wageeg oo Tuulooyinka u hoyo ma aaminsamin. Waxa aanu aamin-sanahay dalka Somaliland in meel kasta la aamino. Waxa weeyaan, annagu waxa aanu nahay dad iimaankoodu xoogan yahay.”

Waxa uu iftiimiyey in 1960-kii ay Somaliland kol-ba wax ka soo qaldamayeen, “Walaaloyaal waxa aynu shareecada u qaadanay si aynu u saxno waxa inaga xumaada ilaa 1960-kii, maaha inaynu saxayno sideedan sannadood ee ilaa 1960-kii waynu ambanaynay oo kolka wax-baa inaga dhacayay, oo dalkeenu wuu sii fool xumaanayay, oo waa tii markii dambe-na la ha waystay [la doonay] in la ina xasuuqo, oo dalka la inga qaado, oo la inoo qixiyey Dulcad iyo meelo kale. Waxaas oo dhan waxa aynu doonaynaa inaynu saxno, maxaynu ku saxaynaa? Waxa aynu ku saxaynaa Kelimatul-culyaa ‘Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi’ inaynu qabsano, oo shareecada Islaamka dalkan lagu xukumo, ayaanu doonaynaa insha’alaahu tacaalaa. Taasina waa naga go’aan, oo idinkana waanu idin xujaynay, haddii aanu ka baxnana annaga ayaa xujaysan. Laakiin idinka xagiina ayay maanta Kubadu taalaa.”

Eng. Faysal Cali Waraabe waxa uu tilmaamay Isbedelka loo baahan yahay nooca uu yahay, “Maxaynu u baahan-nahay inaynu dalkeena ka qabano? Waxa aynu u baahan-nahay inaynu isbedelka ka samayno oo aan ahayn isku bedel. Maaha Cali..Cilmi ku bedel, Xuseen.. Cabdi ku bedel. Dalkan inaanu bedelno ayaanu doonaynaa, Maxaynu ku bedelaynaa? Waxa aanu ku bedelaynaa nidaam ayaanu samaynaynaa. maanta wax niydaam la yidhaahdaa ma jiro, oo waad aragteen Askarigu Askariga kama amar qaato oo ma kala daro sareeyaan. Wasaaradaha waad aragteen waa Agaasime iyo shan Wasiir ayaa fadhiya oo Wasaaradi ma dhisna. Hay’adaha dawlada ayaanu dhisaynaa hadii ilaahay ka dhigo, oo haykalka dawladeed ayaanu adkaynaynaa oo dad aqoon leh ayaanu u dhiibaynaa. Qof dambe oo xafiis dhex meeraysanayaa ma jirayo oo gacan la hoos dhiganaya.”Ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali.

Waxaana uu iftiimiyey in dhibaatooyin badan oo nololeed oo waddanka ka jira inay wax badan ka qaban doonaan, isla markaana ay isbedel weyn ku samayn doonaan hannaanka waxbarashada ee waddanka.

Waxa kale oo uu tilmaamay in Madaxweyne Rayaale meel-kaga dhacay diinta Islaamka, ka dib markii uu u badheebay inaanu been ka sheegayno shareecada, isla markaana waxa uu hoosta ka xaqiiqay inay dhab ka tahay inay Kitaabka Ilaahay dalka ku xukumayaan.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests