Xisbiga UCID oo Taageero Ka Helay Wadaadada Burco
Posted: Sat Jun 19, 2010 3:48 pm
BURCO(Oodweynenews)-Waxaa hadal hayn weyn ka dhalisay magaalada Burco Khudbad uu maalintii shalay ahayd ka jeediayay mid ka id shuyuukhda magaalada Burco kaas oo ugu baaqay dadweynaha Somaliand inay doortaan xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID
Waxaa maalintii shalay ahaa kaga khudbadeeyay salaadii jimcaha masjidka madiina oo ka mid ah masaajida Magaalada Burco Sheekh Aw-Jaamac oo ka mid ah culumida magalaada Burco waxaanu sheekhu si daahsoon ugu xuub siibtay inuu masjidka kaga hadalo siyaasda xiligan dalka ka jirta iyo xisbiyada doonayaa inay hogaanka dalaka qabtaan sanadood ee Socda.
Markii laga soo baxay salaada jimcaha ayaa dadweyninhii ku tikanayay masjidkaasi ay ka sameeyeen arintaasi munaaqishooyin waaweyn taas oo qaar ay wadaadka ku taageereen hadalada uu soo jeediayay halak qaar kalena ay ka soo horjeesteen kuna tilmaameen inuu yahyay mid tageeraya cid gaara.
Wadaadkani ayaa la sheegay in baaqan uu leeyahay in lagu taageero xisbiga UCID u soo daliilsaday waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin barnaamij xisbigaasi oo ku tilmaamay inuu yahay mid ay si weyn uga dhex muuqato sumada diinta islaamku.
Arintani ayaa ku soo beegmaysa iayad oo maalin dhaweyd uu sheikh Faysal Cali Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee Magaalada Burco sheegay inaan 3xisbi ee Somaliland midna ku salaysneen nidaamka ay doonayaan in loo doorto diinta islaamka waxaanu si weyn u naqdiayay oanay xaaraantahay in fayasal cali waraabe iasago oo leh sharciga islaamka ayaan dalaka ku maamulayaa uu hadana yahay mid xiligan dadka leh I dpprta taas oo afaysal uu ku tilmaamay in qofka doonaya inuu sharciga islaamka umad muslima ku maamulya ay iasaga dadku soo doontaan oo yidhaahdaan waxaan kuu dooranay inaad na hogaamiso.
Ugu danbaytii magaalada Burco ayaa u muuqatay Tan iyo waqtigii uu yimi Magaaladani Eng.Faysal Cali Waraabe oo ah Hogaamiyaha xisbiga UCID kaas oo dhawaan ka jeediyay khudbad fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco kuna soo jiitay dad badan oo jecel isku xukunka diinta islaamka taasina ay keentay in marba marka ka danbaysa ay kor u sii kacado taageerada uu xisbiga UCID ka helayo Gobolka Togdheer
Maxamed Cawed Maxamed
Oodweyne News/Burco Office