Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

The Mujaheed returns back home in hargeisa pics

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30804
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

The Mujaheed returns back home in hargeisa pics

Postby Khalid Ali » Sun Jun 20, 2010 6:39 pm

Image


Weftigii uu hoggaaminayay Guddoomiyaha KULMIYE oo diyaarad khaas ah ku yimi Hargeysa
June 20th, 2010 Comments Off
:clap:


Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo socdaal taageero-doon ah ku marayey gobollada bariga, isla markaana shalay taageerayaashooda kala qaybgalay fagaaraha beerta Xorriyadda magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimadda Hargeysa.



Weftigan ayaa waxa Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Siilaanyo ku wehelinaya Guddoomiye-ku-xigeenkiisa kowaad Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha ololaha Doorashada ee gobollada bari Dr. Maxamed Cabdi Gabboose iyo saraakiil kale oo badan, waxaanay maanta duhurkii ka soo degeen madaarka magaalada Hargeysa iyagoo la socday diyaarad khaas ah oo ka soo qaaday magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin sarsare oo xisbiga ka tirsani.

Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramay warbaahinta, waxay faahfaahin ka bixiyeen socod dheer oo ay ku soo mareen gobollada Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo qaybo ka mid ah Sool oo ay ku raadinayeen taageero ay ku kasbadaan codka dadweynaha. “Waxaanu soo marnay gobollada Togdheer qaybo ka mid ah, Sanaag, qaybo ka mid ah gobolka Sool iyo waliba Oodweyne, meel kasta oo aanu soo marnayna aad iyo aad ayaa naloogu soo dhaweeyay, aniga oo ka faa’iidaysanaya fursadan waxaan jecelahay in aan hambalyo u diro dadkii tirada badnaa ee na soo dhaweeyay, mahadnaq aad u balaadhan ayaanu u soo jeedinaynaa dhamaanba, dadka dhammaan waxaan leeyahay aynu u diyaar garoowno doorashada Madaxtooyadda, si nabad ahna u ilaaliya amaanka, kana hortaga wax kasta oo dhibaato inagu keeni kara,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo ka waramayey socdaalkooda.

Guddoomiye Siilaanyo iyo Muuse Biixi waxay waxay mar wax laga waydiiyey warar magaalooyinka lagu faafiyey muddadii ay socdaalka ku maqnaayeen oo lagu sheegay inay iskhilaafeen ku tilmaameen waxba kama jiraan ay UDUB samaysay.

Su’aashaas oo uu ka jawaabayey Axmed Siilaanyo waxa uu yidhi; “Guusha uu gaadhay xisbiga KULMIYE ayaa waxa jira rag ka soo hojeeda oo doonaya inay colaad aan jirin xisbiga ka dhex abuuraan, waxaan ahayn wada shaqayn iyo wada socod iyo wanaag aan ahayn mooyeene wax kale oo na dhex maray ma jirto,
Muuse Biixi-na waxa jirtay marar badan oo uu arrintan ka jawaabay, maantana waaba ka halkan jooga [garab fadhiyey], way na soo gaadheen wararkaasi, laakiin dadka faafinaya maad weydiisaan oo aad tidhaahdaan sow kuwan wada socda arrintaas xageebaad ka keenteen ayey ahayd, markaa xaggeebaanu iska qabanay, maanta maalin aanu iskaga dhawnahayna waligayabo maanu arag.”

Sidoo kale, Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna su’aashaas ka jawaabay, waxaannu yidhi; “Horta qoliyihiinan saxaafada, wax walba waad qaadaan, dadkana waad waydiisaan, waar qoladan UDUB ee jabtay habaarkoodu waa dibada, iyaga ha ku eekaado, idinka ayaaba wax ka soo qaadaayee, wax allaale wax ay tarayaan ma jirto, waxaanay aniga ila tahay in arrintaasi ay tahay mid ku eeg hadhaagii UDUB, kuwaas oo waayay miciin aan ahayn habaar.”
Mar la waydiiyey Guddoomiye Siilaanyo socdaalka dheer ee uu ku tagay gobollada bari waxa uga soo baxay iyo rajada uu ka qabo inuu doorashada ku guulaysan karo, waxa uu yidhi; “Gobollada aanu soo marnay oo dhan waxa aanu dadka kala kulanay soo dhaweyn laxaad leh, waxaanan uga mahadnaqayaa dadkii deegaankaas nagu soo dhaweeyay sidii fiicanayd ee ay noola dhaqmeen, runtiina waa mid aanan ilaabib Karin oo taariikhda geli doonta, taasina waxa ay na gelisay kalsooni aad ah.

Nolosha dadkaasi walaahi aad iyo aad bay u hoosaysaa, haddii ay noqoto dadka iyo waliba jidadka aanu maraynay oo dhan, dadkaasna wax aleyaale wax loo qabtay ma jirto, waxa ugu daranina waa jidadka iyo baahiyaha kale ee badan, waa dad aad arkayso in la dayacay.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

Here are the pics



wararkasomaliland@gmail.com

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 17 guests