Faaah faahin iyo Warbixin Ku Saabsan Dagaalkii Xalay ka dhacay Laascaanood
Wednesday, June 23, 2010
Waxaa xalay abaaro Labadii habeenimo ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool dagaal khadaadh oo u dhexeeya Ciimada SSC iyo Maleeshiyaadka Soomaalidiidka ah.
Weerar qorshaysan oo ay soo qaadeen Guutada Ismaaciil Mirre garabkooda Guur guura ee gobolka Sool ayaa waxay Khasaare lixaadleh ku gaadhsiiyeen Maleeshiyaadkii ku sugnaa duleedka Koonfureed ee magaalada Laascaanood.
Arintan ayaan waxaan ka xog waraysanay Taliyaha guutada Ismaaciil Mirre Mujaahid Kayse Cabdi Yuusuf oo asagu fuliyey weerarkaasi. ' Dagaalkaas anaga qaadnay difaacul nafsiga ah mana nihin weerar ee anagu dhulkayagii ayaanu joognaa' Waxayna wax u dhaceen Guutada Ismaaciil Mirre garab keeda Guur guura ayaa xalay weerar ku ekeeyey halkii Beertii Ilma Cabdi Badhi' ayuu yidhi Kayse, mar aan wax ka weydiiney Kayse khasaaraha soo kala gaadhay labada Ciidan ee is haleelay ayuu yidhi sidan' Alxamdullillaah anaga wax khasaare ah nagama soo gaadhin Juhuunkaas' ayaga khasaare fara badan ayaa gaadhay maadaba ay ahaayeen kuwo aan naga fileyn goobtaas'
Mar aan weydiiyey cadeynta uu u yahay in ay khasaare gaysteen ayuu sheegay in markii weerarka la fuliyey meesha qaac fara badan ka baxay, isla markaana ay jaha wareer badan ku rideen maleeshiyaadkii halkaas ku sugnaa.
Kayse Cabdi Yuusuf taliyaha guutada Ismaaciil Mirre wuxuu sheegay in aysan joojiney hawlgalada isla markaana uusan dagaalkoodu ku ekeyn oo keliya Aaga Widhwidh ee ay ka dagaalami doonaan meelkasta iyo goob kasta oo ay dhulka SSC ka joogaan Soomaalidiidku. Anagu inta ay dhulka SSC hal taako ka joogaan joojin mayno weerarkayaga, waayo waxba nooma dhadhamayaan inta ay ku sugan yihiin Dhulkayaga ayuu yidhi Mr: Yuusuf.
Dhanka kale xidhiidh aan la samaynay gudaha magaalada Laascaanood ayaa nalooga xaqiijiyey daryan Rasaasta in si weyn loga maqlayey magaaladaasi, waxayna shacabku hal mar ku salaleen dhawaaqa rasaasta Baasuukaha iyo qoryaha daran dooriga u dhaca ee Boobyaaasha iyo weliba Garnaylada gacanta laga tuuro.
Haweeney ku sugan xaafada dhinaca Koonfureed ee magaalada Laascaanod ayaa noo sheegtay in ay ku baraarugtey dhawaaqa rasaasta isla markaana ay arkaysey holac ka baxay meesha saldhiga u ahayd Maleeshiyaadkaas Soomaalidiidka ah.
Maaha marki ugu horaysey ee weerar noocan ah fuliyaan Guutada Ismaaciil Mire haseyeeshee 12kii bishan ayey ahayd markii ay weerar noocan oo kale ah ku Ekeeyeen saldhig Soomaalidiidku ku lahaayeen Deegaanka Bali-hadhac halkaasoo lagaga xarago qaatay Maleeshiyaadkaasi.
Waxii ka soo kordha Khasaraha Soomaalidiidka kala soco wararkeena danbe.
Horufadhi.com



