Sool: Gaadhi Ay Saarnaayeen Shan Sanaaduuq Oo Ahaa Kuwii Cod
Posted: Sat Jun 26, 2010 9:24 am
Sool: Gaadhi Ay Saarnaayeen Shan Sanaaduuq Oo Ahaa Kuwii Cod-bixinta Oo La Af-duubay Iyo Hawl-wadeen Ka Tirsan Komishanka Oo La Dilay
Laascaanood (Oodweynenews)- Shaqaaqo maanta gelinkii hore ka dhacday magaalada kala-baydh ee Gobolka Sool, ayaa waxa ku dhintay hal qof oo ka tirsanaa Guddida Komishanka ee halkaas ka hawlgelaysay, halka laba kale oo shicib ahina ay ku dhaawacmeen, isla markaana waxa deegaanadaas lagu af-duubay Gaadhii Komishanka u shaqaynayay oo ay saarnaayeen shan Sanduuq oo ahaa kuwii cod-bixinta.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka ee Gobolka Sool Cabdilaahi Maxamed Shide [Cabdilaahi laba Gole], ayaa weriyaha BBC-da ee Burco Jaamac Jibriil Xagar u xaqiijiyey dhimashada hawl-wadeenka dhintay iyo gaadhiga la af-duubay.
Waxa kale oo uu sheegay inay magaalada Xudun geli kari waayeen oo ay Sanaaduuqdii dib uga soo celiyeen, ka dib markii ay ka cabsadeen in amaanka cod-bixintu khalkhalayo.
Wararka ka imanaya magaalada Hadaaftimo, ayaa iyaguna sheegaya inay magaalada soo galeen Ciidamo ka tirsan Puntland, ka dib-na markii laga cabsay inay shaqaaqo dhacdo ay bulshadu ku heshiisay in magaalada dibada looga saaro, iyada oo ay codayntu hadda ka socoto meel saddex KM u jirta magaalada.
Geesta kale, wararka qaar ayaa tibaaxaya in gaadhiga la af-duubay ay ka dambeeyeen Kooxda Budhacada ah ee loo yaqaan SSC, kuwaas oo lagu eedaynayo inay gaadhiga u gashay meesha la yidhaado Xidhxidh ee Deegaanka Kalbaydh ee Gobolka Sool, iyaga oo kaxaystay gaadhigii iyo wixii saarna waxayna haatan ku haystaan meesha la yidhaa Balicad.
Waxa kale Kooxdan weerar gaadmo ah ku soo qaadeen meelaha la kala yidhaahdo WidhWidh iyo Kalabaydh halkaas oo ay ciidamda Qaranka Somaliland isku rasaaseeyeen waxaan la sheegaya in uu Dhintay Hal Askari dhaawacmayna Hal komishaneer oo maxali ahi.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]
Oodweynenews.com/Hargeysa Office