Magaalo madaxda gobolka sanaag ee Ceerigaabo oo ay Saaka si habsami ah uga bilaabmay codaynta doorashada + SAWIRO
codbixiyeyaasha oo safan
Ceerigaabo (CRBO) waxaa saaka guud ahaan si habsami ah uga bilaabmay codaynta doorashada madaxtooyada gobolka sanaag guud ahaan waxaana ay dadku ku jiraan safaf dhaadheer oo ay dadku rabaan inay ka dhiibtaan codadkooda doorashadan ayaa ahayd mid ay mudo badan shacabka reer somaliland sugayeen waxaana maanta oo ay ku beegantahay 50 guuradii xornimada ee ay ka qaadatay dalka ingiriiska.mar aan booqday goobaha laga codaynayo qaar ka mida ayaa waxaa ay indhahaygu qabanayeen iyadoo ay dadku caawimayeen dadka taagta daran iyo waayeelka kuwaasoo ay u tix gelinayeen inay hore u codeeyaan
waxaa iyana wax aad loola yaabo ah iyadoo dadkii codaynaayay uu qof waliba danaynaayay inuu illaaliyo amniga isla markaana aanayba askarta goobaha intooda badani haysan wax saxmada
Qaar ka mid ah dadkii codaynayey
Goob laga codaynayo
Isugayn: Gobolka sanaag waxaa ka codaynaya
146369 (boqol iyo lix iyo afartan kun, saddex boqol iyo
sagaal iyo lixdan).
Ceerigaabo oo keliya waxa codkooda ka dhiibanaya
74462 (afar iyo toddobaatan kun, afar boqol iyo laba iyo lixdan)
wixii warara ee ka soo kordha waan idin la soo socodsiin doonaa
Ceerigaabo somaliland