HARGEYSA(OODWEYNENEWS)- Somaliland, waxaa ka socda tirinta codadka doorashooyinka madaxtinimo ee shalay ka dhacay guud ahaan Somaliland,Guddoomiyaha guddiga doorashada Somalialnd, Ciise Yuusuf Maxamed, oo u waramayey Saxaafada ayaa sheegay in codbixintu ay si nabadgalyo ah ku dhacaday.
Wuxuu intaas ku daray in Santuuqyada ay ku jiraan codadka dadwaynaha ay gaareen degmooyinka gobolada, kadib markii xalay lagu tiriyay isla goobaha ay codadku ka dhaceen, loona soo gudbin doono gobolada.
Guddoomiyaha guddiga doorashada, ayaa uga digay dadwaynaha iyo dhamaan xisbiyada in ay sameeyaan dabaaldegyo iyo xaflado la xiriira natiijo doorashada ah oo aan iyaga si rasmi ah uga soo bixin, Wuxuu uga mahadceliyay dadwaynaha Somaliland sida nabadgalyada leh ee ay doorashada uga qaybgaleen .