Page 1 of 1

Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Mon Jun 28, 2010 3:24 am
by Khalid Ali
Baran:Dagaalo kulul oo dhexmaray Puntland & Somaliland..(Faahfaahin).
28. juni 2010




Baran:(Allpuntland)-24-kii Saac ee lasoo dhaafay waxaa dagaalo xoogani ay ka dheceen meelo kamid ah gobolka Sanaag Bari ee dawlada Puntland halkaas oo ay ku dagaalameen ciidamo badan oo katirsan kuwa Somaliland & Ciidan Daraawiish & Kuwo kale isugujiray oo uu horboodayey Wasiirka Arimaha Gudaha,Dawladaha Hoose & Hormarinta reer Miyiga ee dawlada Puntland Jen,Cabdullahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo maalmihii lasoo dhaafay howlgalo sifayn ah kawaday deegaanada Sanaag bari ee Puntland.

Dagaalkan dhexmaray labada ciidan oo Shalay & xalayba dhacay ayaa ka bilowday gudaha degmada Baran ee gobolka Sanaag halkaas oo ay kusugnaayeen Ciidamo katirsan kuwa Somaliland oo uu horboodayey sarkaal katirsan Maamulkaas,balse waxaa ay wararku sheegayaan in Wasiirka Arimaha gudaha ee Puntland uu si awoodi ku jirto halkaas ku galay dabadeedna ay dagaalo adagi dhexmareen labadan ciidan.

Qof Rayid ah oo kusugan degmada Baran ayaa saaka APL u sheegey inay xaaladu degentahay islamarkaasna uu Wasiirku si nabad galyo ah halkaas xalay u seexday uuna maanta kulamo kula leeyahay waxgaradka gobolka Sanaag ee halkaas kusugan oo uu kala hadlay xaalada Nabad galyo & hor'umarinta maamul ee degmada Baran.

Sidoo kalena wararkale oo laga helayo isla deegaanadaas ayaa kusoo waramaya in Taliyaha ciidanka Daraawiishta ee aaga Sanaag uu shalay dagaalo kale la galay ciidankii kabaxay degmada Baran,islamarkaasna uu halkaas kula wareegey gawaari tikniko ah oo Firxad ahaa,Waxaase ay wararku sheegayaan in xalay uu taliyuhu dagaalo adag oo kale lagalay ciidamo iyana Somaliland katirsan oo joogay goob lagu sheegey inay tahay xuduud ay Somaliland samaysay halkaas oo uu guud ahaanba lawareegay islamarkaasna ay ciidankii kusugnaa badankoodu saaka galeen degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Sarkaal kamid ah Xoghaynta Wasiirka Arimaha Gudaha ee dawlada Puntland oo ayaa APL u sheegey in ay xaaladu saaka degentahay,wuxuuna sidoo kale Sarkaalkani sheegey inay la wareegeen hub badan & agab ciidan oo kujirayn saldhiga dhexe ee degmada Baran oo ay Shalay Somaliland goobta ugu tagtay,wuxuuna sheegey in Ciidamo Boolis ah ay ku wareejiyeen sugista Amaanka degmada Baran,maadaama uu Wasiirku rabo inuu booqdo meelo kale oo ay Somaliland imika gacanta ku hayso.

Warar hoose oo laga helayo Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha,Dawlahada Hoose & Hor'umarinta reer Miyiga ee dawlada Puntland ayaa kusoo waramaya in Wasiirku uu doonayo inuu dib usooceliyo deegaano ay Puntland leedahay oo ay Dhowrsano Somaliland si awood ah kuhaysatay kuwaas oo la'iska iloobey,Wasiirka oo mudo todobaad ku dhow shaqo adag ujoogay gobolka uu kasoo jeedo ayaa horay ugu guulaystay soo qabashada Sanaadiikhdii doorashooyinka Somaliland oo dhawaan la damacsanaa in meelo Sanaag kamid ah lakeeno,Howlgalkani wuxuu noqonayaa kii u horeeyey oo uu sameeyo Jen,Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo in mudo ah lafilayo inuu booqdo gobolka Sanaag bari ee Puntland.

Cabdiqani Xayir
Allpuntland

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Mon Jun 28, 2010 3:25 am
by Khalid Ali
War deg deg ah : Israsaseyn xoogleh oo hada ka socota Magaalada Baran News/Articles

Casharadan ku saabsan yihiin siiradii rasuulkeena Muxammed(Nabadgalyo iyo Naxariis Korkiisa ha ahaatee

Wararka
deg dega ah ee ku soo dhacaya qolka warqabadka SBC International ee ka
imanaya magaalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in halkaasi ay
ka socoto rasaas xoogan oo ay isweydaarsanayaan ciidamada Dowlada
Puntland iyo koox iyagu taabacsan maamulka Soomaaliland.



Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee
gobolkaas iyo ciidan uu horkacayo ayaa weerar ku qaaday xero ku taala
duleedka magaalada Baran oo ay ku jiraan sida la sheegay
maleeshiyaadkaasi taabacsan Maamulka Soomaaliland kuwaas oo halkaasi ka
soo ridaya rasaas xoogan oo ay ciidamada daraawiishtu uga jawaabayaan.



Dadka reer baran ayaa arintan siweyn u dareemay
waxaana qaarkood ay xireen goobihii ganacsiga halka dadka kalena aysan
soo dhaafeynin guryahooda.Rasaasta ayaa soconeysa mudo 30 qiiqo ah waxaana ay
ciidamada Daraawiishtu xeradaasi ku garaacayaan rasaas iyagoo muujinaya
in ay ka go’antahay sidii ay u qabqaban lahaayeen maleeshiyaadkaasi.



Waxii faah faahin ah ee arintani ku soo kordha kala soco wararkayaga dambe.




SBC International Baran

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Mon Jun 28, 2010 3:27 am
by Khalid Ali
Still no website of somaliland reports this clash in eastern sanaag

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Mon Jun 28, 2010 11:14 am
by Dhaga Bacayl
Because it's NOT true. Buttland is in no position to weigh war with Somaliland at the moment.

Adigiibaaba ka soodaro beentoodii qiimaynayee... :down:

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Mon Jun 28, 2010 11:42 am
by The_Emperior5
Sanaag: Ciidanka Qaranka oo baacsaday Ciidamo uu watay Wasiir ka tirsan Puntland


Sida uu ku soo waramay weriyaha Ogaal ee gobolka Sanaag, ciimadaas oo uu watay Wasiirka Daakhiliga maamul-gobolleedka....

Ceerigaabo (GNS)- Ciidamada Qaranka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sanaag, ayaa ka hortegay ciidamo uu watay Wasiirka Daakhiliga Puntland oo weerar ku soo qaaday degmada Hadaaftimo oo ka tirsan bariga gobolkaas.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Ogaal ee gobolka Sanaag, ciimadaas oo uu watay Wasiirka Daakhiliga maamul-gobolleedka Puntland Axmed Cabdilaahi Ilko-jiir, waxay gelinkii hore yimaadeen degmada Hadaaftimo oo ilaa 70 Km dhinac kaga beegan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Warku wuxuu intaa ku daray, in iska horimaad muddo kooban socday dhexmaray ciidankaas iyo ciidamada qaranka ee sugayay amaanka goobaha cod-bixinta doorashadii Madaxtooyada degmadaas.

Sida warku sheegay, ma jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdadaas, waxayna ciidamada qaranku ku guulaysteen inay caydhiyaan maleeshiyadaas Puntland oo damacsanaa inay nabadgelyo-daro ka abuuraan degaankaas.

Sida la sheegay, ciidankaa Puntland iyo wasiirka watayba way ka baxeen degmadaas, waxayna ku laabteen dhinaca degmada Badhan oo ay markii hore ka yimaadeen.

--------------------------------------------------------------------------------
Published: 2010-06-28
Source: Wargeyska Ogaal

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Tue Jun 29, 2010 2:01 pm
by Keyse_0208
that place Badhan should be called "MADHAN". waa meel madhan, OLDENGLISH is this the capital of Maakhir :shock:

:lol: :lol: :lol: :lol:

Image

Image

Image

Image

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Tue Jun 29, 2010 2:06 pm
by The_Emperior5
Keyse we are indeed fighting for that village :lol: :lol: :sland:

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Tue Jun 29, 2010 2:09 pm
by Keyse_0208
this is the main Hospital in Badhan

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

oldenglish dont get mad son, im just showing you reality


Image

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Tue Jun 29, 2010 2:11 pm
by hargaysaay
this is the main Hospital in Badhan

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

oldenglish dont get mad son, im just showing you reality


Image
dam the amount of people that get sick by tuuna fish must be small then

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Tue Jun 29, 2010 2:33 pm
by oldenglish
Maakhir militias are outside of Erigavo and this is the propaganda your discussing. :|

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Tue Jun 29, 2010 3:35 pm
by paidmonk
So this is how Riyaale keeps Isaaqs busy while he's stealing elections? Get them high and send them to die in far away towns.

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Tue Jun 29, 2010 3:36 pm
by hargaysaay
the fuck your avatar is hell of a funny :) :) :)

Re: Somaliland and the pirate state fight in badhan

Posted: Tue Jun 29, 2010 3:38 pm
by Khalid Ali
So this is how Riyaale keeps Isaaqs busy while he's stealing elections? Get them high and send them to die in far away towns.
stealing puntland land is in our interest rayaale and isaaq are the same :mrgreen: