Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Daawo: Sida Sanadguuradii 26ka Juun Looga Xusay Gobolka Minn

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
malakumod
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1699
Joined: Sun Apr 11, 2010 3:45 pm

Daawo: Sida Sanadguuradii 26ka Juun Looga Xusay Gobolka Minn

Postby malakumod » Mon Jun 28, 2010 1:43 pm

[youtube]7ExotwWOyMI&feature=player_embedded#![/youtube]
:som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :som: :up:
Minneapolis,(Lasanod Online)- Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa shalay oo bisha Juun ahayd 26, waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay.


oo lagu xusayey sanadguradii 50 ee kaso wareegatay xiligii ay Gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ay xornimada qaateen.Munaasabadan ayaa ahayd mid xarago, xushmad iyo xiiso badani ay ka muuqatay.

Xafladan lagu xusayay maalinta 26-ka Juun ayaa waxaa lagu qabtay jidka weyn ee loo yaqaano Lake Street, jidkaas oo gabi ahaanba loo xidhay munaasabadan. Goobtan ay xafladu ka dhacday ayaa kamid ah xaafadaha ay Soomaalidu aad u degantahay, ganacsigana ku leeyihiin.

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30842
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Daawo: Sida Sanadguuradii 26ka Juun Looga Xusay Gobolka

Postby Khalid Ali » Mon Jun 28, 2010 1:51 pm

Muqdisho (Alshahid)-Ururka Alshabab ayaa markii ugu horaysay si cad u dafiray jiritaanka calanka Soomaaliyeed ee uu dalku yeeshay markii uu xoriyadiisa ka qaatay gumeystayaashii Ingriiska iyo Talyaaniga.


Image

Afhayeenka Alshabab; Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo waraysi uu kaga hadlayo xuska maalinta xoriyada ay qaateen goboladii Waqooyi ee dalka oo ku aadan 26ka June siiyay idaacada Al-Furqan oo ah idaacad maxali ah kuna hadasho afka Alshabab ayaa sheegay in calanka buluug ah ee xiddigta dhexda kaga taala uu yahay mid laga dhaxlay gumeystayaashii.

“Calanka buluug ah ee xiddigta dhexda kuleh waxaa laga dhaxlay gumeestayaashii Talyaaniga iyo Ingriiska, iyagaa keensaday, sababna waxa ay u ahaayeen in dalka laga taago, calankeena waxa uu kasoo jeedaa saxaabadii iyo Nabiga NNKH” Ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale Cali Dheere ayaa ku tilmaamay dadka aaminsan maalinta xoriyada Soomaaliya in ay yihiin kuwo aanan lahayn caqiido Islaami ah oo kufilan ayna u baahan yihiin in ay ka baxaan dambiga ay kujiraan.

Afhayeenka ayaa sheegay in aysan jirin wax layiraahdo xuska maalinta xoriyada taasina ay tahay mid ay dajiyeen gaalada cadowga ku ah ummada Islaamka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waa markii ugu horeysay ee si cad ay Alshabab u inkiraan jiritaanka calanka Jamhuuriyada Soomaaliyeed iyada oo horay loogu eedeeyay Alshabab in ay meelaha ay ka taliyaan ka taagaan calan iyaga u gaar ah ayna dajiyaan calanka Soomaaliya.

Xogta: ALSHAHID


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests