Xisbiga UDUB oo uga Diga Komishanka In ay Soo Saaraan Natiijo Hor dhac ah ilaa iyo inta la xalinayo
Wednesday, 30 June 2010
Hargeysa (Somalilandnation)-War-saxaafadeed uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Mudane, Jaamac Yaasiin Faarax, ayaa u qornaa sida tan “Sidaad la wada socotaan Doorasho ayaa dalka ka dhacday, taas oo si nabadgalyo ah inoogu qabsoontay ilaahay baana mahada leh iyo shacbiga S/land
waxaase jira dhacdooyin badan oo ku xeeran oo ay ka mid tahay ku shubasho caam ah taas oo ka dhacday gobolada M.jeex degamadiisa Gabilay gobolka Togdheer qaybtiisa bari iyo buhoodle ,Sanaag dagmooyinka Ceel afweyn iyo Gar’adag gobalka sool degmadiisa caynabo iyo goobo ka mida degmooyinka caasimada hargaysa 26juun iyo Axmed dhagax.
Annaga oo taas ka duulayna, waxaanu u gudbinay dacwadahaa kala duwan komishanka doorashooyinka qaranka.
Hadaba Waxaanu soo jeedinaynaa in sida xeerku qeexayo aanay soo saarin natiijo hor dhac ah ilaa inta wax laga qabanayo dhacdooyinka aanu kor ku soo sheegnay ee aanu qoraaka ugu gudbinay komishanka doorashooyinka qaranka.
Ugu danbayntii Waxaanu ka digaynaa oo nuxurka warsaxaafadeed kani yahay in KDQ aanu soo saarin natiijo hor dhaca ah inta khilaafkaa laga heshiinayo taas oo abuuri karta duruufo siyaasadeed oo horleh iyo mid nabadgalyo xumo keeni karta Wixii ka yimaadana iyagu masuul ka yihiin”.