President rayaale will accept the results
Posted: Thu Jul 01, 2010 4:45 am
War deg-deg Ah: Madaxweyne Rayaale Oo Shaaca Ka Qaaday Inuu Aqbalayo Natiijiada Doorashada Ee Komishanku Soo Saarayo
Hargeysa (Oodweynenews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa daboolka ka qaaday inuu aqbalayo natiijada doorashada Madaxtooyada e Komishanku doorashooyinku soo saarayaan, isla markaana waxa uu raali-gelin ka bixiyey hadalkii ay xalay faafiyeen masuuliyiinta xisbiga UDUB ka tirsani.
Maxadweynuhu waxa uu sidan ku sheegay shiraa'id oo uu maanta gelinkii hore ku qabtay qasiga Madaxtooyada, ayaa sheegay in aanu la qabin xubno ka tirsan mas’uuliyiinta sar-sare ee xisbiga UDUB oo xalay shir-jaraaid ku qabtey xaruntooda kuwaas oo ku sheegay in lagaga shubtey codadkii doorashooyinka ee gobolada dalka qaarkood.
Waxa kale oo uu madaxweynuhu caddeeyey inay ub hogaansamayaan go'aanka Komishanka Doorashooyinka.
Waxaana go’aankaan amadaxweynuhu ku dhawaaqay soo af-jaraysa war-war dadweynaha galay xalay kaasoo ay ka cabsi qabeen in khilaaf dalka ka dhacayo.
Shirkaa Jaraa'id ee Madaxweynaha waxa aanu idiinku soo gudbin doonaa wararka dambe.
Oodweynenews.com/Hargeysa Office