Magaalada Burco oo Xiligan Ay Ka Socdaan Dabaaldegyada Madaxweynaha Cusub ee Somaliland
BURCO(Oodweynenews)- Magaalada Burco oo Dabaal deg xoog leh ay dhigeen taageerayaasha xisbiga Kuliye ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada codbixinta doorashadii dalka ka dhacaday 26june taas oo goor dhaweyd ay komiishanka qaranku daboolka ka qaadeen inuu yahay madadxweynaha 5sanadood ee soo socdaa mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
Waxaana xiligan ka socda magaalada Burco socod banaan baxa iyo rasaas damaashaada oo ay ridayaan taageerayaasha xisbiga Kulmiye kuna soo dhaweyanyaan madaxweynahan cusub ee la doortay.
Dadweynaha magaalada Burco ayaa iyagu si toosa ula socday ku dhawaqistii ay komiishanka qaranku ku dhawaqayeen iayag oo si weyn ugala socday natiijada Talafiishanka Burco oo isagu caawa daqiiqad daqiiqad u soo gudbinaayay ku dhawaaqista Doorashada madaxtinimada.
Magaalada Burco ayaa iyadu ah meelaha uu sida weyn ugu soo baxay xisbiga Kulmiye dhanka codka waxaanay dadweynaha reer Burco iyagu caawa u muuqdaan kuwo gacmo furan ku soo dhaweynaya Madaxweynahani cusub ee loo doortay qaranka jamhuuriyada Somaliland oo asal ahaan ka soo jeeda Gobolka Togdheer noqonayaan madaxweynihii labaad ee Gobolkani ka soo jeeda ee noqda madaxweynaha qarankani jamhuuriayada Somaliland iyada oo ka horeeyay alle ha u naxaristee madaxweynihii ugu horeeyey ee somaliland yeelato C/raxmaan Axmed Cali.
Maxamed Cawed Maxamed
Oodweyne News/Burco Office





